Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ahmiyadda uu dalka u leeyahay Manhajka cusub ee Waxbarashada oo lagu qabtay Xudur “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ahmiyadda uu dalka u leeyahay Manhajka cusub ee Waxbarashada oo lagu qabtay Xudur “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad lagu muujinayey ahmiyadda uu dalka u leeyahay Manhajka Cusub ee ay soo diyaarisey Dowladda Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Xafladaan oo ay soo qaban qaabiyeen Waaladiinta iyo Maamulayaasha Iskuulada Degmada Xuddur ayaa waxaa ka soo qeyb galay bahda Waxbarashada, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada, culumaa’udiin, aqoonyahanno iyo martisharaf kale, waxaana intii ay socotay laga shekeeyey tayadii Waxbarasho ee dalkani uu lahaan jirey iyo muddadii 30-ka sano aheyd tayadii waxbarasho oo meesha ka baxday, taasoo sababtay in manaahiij kala duwan dalka lakeeno oo da’yartii waxbaratay taariikhdii dalka waxba kala socon.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Ugu horey waxa xafladda ka hadlay Guddoonka Waxbarashada Degmada Xuddur Adan Axmed Maxamuud (Qoosh)  wuxuna sheegey in Manhajka cusub uu bedelayo jahwareerkii waxbarasho ee dalkani dib u dhigey.

Waalidiintii xafladda ka hadashay ayaa aad ugu riyaaqey Manhajka cusub, waxayna sheegeen in tani ay ka turjumeyso mid ka mid ah astaamaah Qaran ee uu dalku leeyahay.

Maamulayaasha Iskuulada ayaa codsaday in sida manhajka loo tayeeyey, macalimiintana loo tababaro si waxbarashada dalka ay u noqoto mid tayeysan oo isku dheeli tiran dhinac kasta.

Guddoonka waxbarashada Gobolka Bakool Cabduqaadir Nuur Cadow ayaa Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay dhibaatada dalka ka jirto iyo dadaalka badan ay gelisey in manhajkii lahelo.

Wardheere Axmed Cabdi oo ah xubin ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Xuddur ayaa sheegey in isaga iyo carruurtiisa ay isla dhiganayaan Jaamacadda Princeton International University.

Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa waxay bulshada kula dardaarmeen in iskuulada dowliga ah oo manaahijta lagu dhigo ay geeyaan carruurtooda si ubadka ay u helaan waxbarasho lacag la’aan ah.

Previous Post

Bulshada Galmudug oo taageertay doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug

Next Post

Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka “SAWIRRO”

Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka “SAWIRRO”

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In