Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ahmiyadda uu dalka u leeyahay Manhajka cusub ee Waxbarashada oo lagu qabtay Xudur “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ahmiyadda uu dalka u leeyahay Manhajka cusub ee Waxbarashada oo lagu qabtay Xudur “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad lagu muujinayey ahmiyadda uu dalka u leeyahay Manhajka Cusub ee ay soo diyaarisey Dowladda Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Xafladaan oo ay soo qaban qaabiyeen Waaladiinta iyo Maamulayaasha Iskuulada Degmada Xuddur ayaa waxaa ka soo qeyb galay bahda Waxbarashada, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada, culumaa’udiin, aqoonyahanno iyo martisharaf kale, waxaana intii ay socotay laga shekeeyey tayadii Waxbarasho ee dalkani uu lahaan jirey iyo muddadii 30-ka sano aheyd tayadii waxbarasho oo meesha ka baxday, taasoo sababtay in manaahiij kala duwan dalka lakeeno oo da’yartii waxbaratay taariikhdii dalka waxba kala socon.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Ugu horey waxa xafladda ka hadlay Guddoonka Waxbarashada Degmada Xuddur Adan Axmed Maxamuud (Qoosh)  wuxuna sheegey in Manhajka cusub uu bedelayo jahwareerkii waxbarasho ee dalkani dib u dhigey.

Waalidiintii xafladda ka hadashay ayaa aad ugu riyaaqey Manhajka cusub, waxayna sheegeen in tani ay ka turjumeyso mid ka mid ah astaamaah Qaran ee uu dalku leeyahay.

Maamulayaasha Iskuulada ayaa codsaday in sida manhajka loo tayeeyey, macalimiintana loo tababaro si waxbarashada dalka ay u noqoto mid tayeysan oo isku dheeli tiran dhinac kasta.

Guddoonka waxbarashada Gobolka Bakool Cabduqaadir Nuur Cadow ayaa Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay dhibaatada dalka ka jirto iyo dadaalka badan ay gelisey in manhajkii lahelo.

Wardheere Axmed Cabdi oo ah xubin ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Xuddur ayaa sheegey in isaga iyo carruurtiisa ay isla dhiganayaan Jaamacadda Princeton International University.

Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa waxay bulshada kula dardaarmeen in iskuulada dowliga ah oo manaahijta lagu dhigo ay geeyaan carruurtooda si ubadka ay u helaan waxbarasho lacag la’aan ah.

Previous Post

Bulshada Galmudug oo taageertay doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug

Next Post

Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka “SAWIRRO”

Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka “SAWIRRO”

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In