Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 18, 2020
in Wararka
0
Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhiga 6aad kulankiisa 30aad ee ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ajandihiisu ahaa akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka ayaa waxaa shir guddominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayadoo ay goob ka ahaayeen Guddomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Moowlid Xuseen Guhaad.

Kulanka Golaha Aqalka Sare waxaa kaloo ku sugnaa Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo xubno kale oo ka socda Wasaaradda Qorsheynta.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Ku-simaha Guddoomiyaha guddiga Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye ku-xigeenka Guddigaasi Senator  Maxamed Cusmaan Faarax ayaa ka hor akhriyay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka iyo qodobadii wax ka badal lagu sameeyay iyo lagu kordhiyay.

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa guda galay doodda Hindise sharciyeedka, iyadoo Mudanayaasha qaar ay sheegeen in Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka uu muhiim u yahay dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Cusmaan ayaa qodobada qaar ka hadlay, isagoo dhinaca kale u mahadceliyay gudiga Qorsheynta ee Golaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kulanka soo gaba gabeeyay ayaa sheegay in Guddiga iyo Wasaaradda ay ka sugayaan inay ka soo shaqeeyaaan Hindise Sharciyeedka, ayna u soo celiyaan Golaha  si loo marsiiyo Akhrinta 3aad.

 

Previous Post

Ahmiyadda uu dalka u leeyahay Manhajka cusub ee Waxbarashada oo lagu qabtay Xudur “SAWIRRO”

Next Post

Xukuumadda Soomaaliya oo hakisay mashruuca dhismaha qaar ka mid ah magaalooyinka dalka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Bulshada Ku Nool Magaalada Gaalkacyo

Xukuumadda Soomaaliya oo hakisay mashruuca dhismaha qaar ka mid ah magaalooyinka dalka

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In