Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Air Djibouti Cargo oo bilowday duulimaadkii ugu horeeyay ee Soomaaliya iyo Jabuuti “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Air Djibouti Cargo oo bilowday duulimaadkii ugu horeeyay ee Soomaaliya iyo Jabuuti “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro ka tirxan Xukuumadda Federaalka iyo Safiirka Dowladda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa ka qeybgalay daahfurka duulimaad Diyaaradda Air Jabuuti ay ku kala bixin doonto magaalooyinka Muqdisho iyo Jabuuti.

Diyaaradii u horeysay ee nooceeda uu yahay kuwa xamuulka ah ee Jabuuti Airline ayaa si rasmi ah u bilowday dulimaadkeeda Muqdisho  muddo 24 sano kadib, iyadoo maanta dulimaad ku timid Magaalada Muqdisho.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Wasiiro dowlaha Wasaaradda ganacsiga, Madaxda Rugta ganacsiga, Xildhibaanno iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble ayaa kaga qeybgalay garoonka diyaaradaha  caalamiga Aadan Cadde ee Muqdisho daahfurka dulimaadkaasi.

Safiirka Dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble ayaa sheegay in dulimaadka Diyaaradaan xamuulka ah uu bilow u yahay dulimaadka Diyaaradda Air Jabuuti kuwooda rakaabka ah ay ku imaan doonaan Muqdisho, ayna qeyb ka tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Cali Axmed Jaamac Jingili ayaa tilmaamay in socdaalka shacabka Walaalaha ee Jabuuti iyo Soomaaliya uu horseedayo adkeynta Xiriirka labada dal iyo in dhankooda ay dib u bilaabaan dulimaadkii Diyaaradda Soomaali Airline.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhankiisa soo dhaweeyay dulimaadkii u horeeyay ee Diyaaradda Jabuuti, isaga oo sheegay in uu bilowday xiriirkii ganacsi ee labada Dal, iyada oo ay xusid mudan tahay buu yiri doorka Jabuuti ee ku leedahay Nabadda  iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay ka baxday KMG, waxaa soo hagaagayay xiriirka kala dhaxeeya  Beesha Caalamka, iyada oo Jabuuti ay qeyb ka tahay Dowladahaasi uu xiriirka wanaagsan ee Walaaltinimo uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.

DSC01772 DSC01774 DSC01783 DSC01784 DSC01786 DSC01790 DSC01793 DSC01801 DSC01802 DSC01806 DSC01809 DSC01810 DSC01812 DSC01813 DSC01814 DSC01815 DSC01820 DSC01823 DSC01827 DSC01833 DSC01835 DSC01839

Sawir Qaade:-Farxaan Suleymaan Daahir

 

 

Previous Post

Shacabka ku nool Baydhabo oo maanta deeq isugu jirta lacago, dhar iyo raashin ku taageeray ciidamada XDS

Next Post

Duqa Muqdisho oo La Kulmay dhiggiisa magaalada Baden ee dalka Switzerland

Next Post
Duqa Muqdisho oo La Kulmay dhiggiisa magaalada Baden ee dalka Switzerland

Duqa Muqdisho oo La Kulmay dhiggiisa magaalada Baden ee dalka Switzerland

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In