Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Air Djibouti Cargo oo bilowday duulimaadkii ugu horeeyay ee Soomaaliya iyo Jabuuti “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Air Djibouti Cargo oo bilowday duulimaadkii ugu horeeyay ee Soomaaliya iyo Jabuuti “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro ka tirxan Xukuumadda Federaalka iyo Safiirka Dowladda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa ka qeybgalay daahfurka duulimaad Diyaaradda Air Jabuuti ay ku kala bixin doonto magaalooyinka Muqdisho iyo Jabuuti.

Diyaaradii u horeysay ee nooceeda uu yahay kuwa xamuulka ah ee Jabuuti Airline ayaa si rasmi ah u bilowday dulimaadkeeda Muqdisho  muddo 24 sano kadib, iyadoo maanta dulimaad ku timid Magaalada Muqdisho.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Wasiiro dowlaha Wasaaradda ganacsiga, Madaxda Rugta ganacsiga, Xildhibaanno iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble ayaa kaga qeybgalay garoonka diyaaradaha  caalamiga Aadan Cadde ee Muqdisho daahfurka dulimaadkaasi.

Safiirka Dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble ayaa sheegay in dulimaadka Diyaaradaan xamuulka ah uu bilow u yahay dulimaadka Diyaaradda Air Jabuuti kuwooda rakaabka ah ay ku imaan doonaan Muqdisho, ayna qeyb ka tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Cali Axmed Jaamac Jingili ayaa tilmaamay in socdaalka shacabka Walaalaha ee Jabuuti iyo Soomaaliya uu horseedayo adkeynta Xiriirka labada dal iyo in dhankooda ay dib u bilaabaan dulimaadkii Diyaaradda Soomaali Airline.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhankiisa soo dhaweeyay dulimaadkii u horeeyay ee Diyaaradda Jabuuti, isaga oo sheegay in uu bilowday xiriirkii ganacsi ee labada Dal, iyada oo ay xusid mudan tahay buu yiri doorka Jabuuti ee ku leedahay Nabadda  iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay ka baxday KMG, waxaa soo hagaagayay xiriirka kala dhaxeeya  Beesha Caalamka, iyada oo Jabuuti ay qeyb ka tahay Dowladahaasi uu xiriirka wanaagsan ee Walaaltinimo uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.

DSC01772 DSC01774 DSC01783 DSC01784 DSC01786 DSC01790 DSC01793 DSC01801 DSC01802 DSC01806 DSC01809 DSC01810 DSC01812 DSC01813 DSC01814 DSC01815 DSC01820 DSC01823 DSC01827 DSC01833 DSC01835 DSC01839

Sawir Qaade:-Farxaan Suleymaan Daahir

 

 

Previous Post

Shacabka ku nool Baydhabo oo maanta deeq isugu jirta lacago, dhar iyo raashin ku taageeray ciidamada XDS

Next Post

Duqa Muqdisho oo La Kulmay dhiggiisa magaalada Baden ee dalka Switzerland

Next Post
Duqa Muqdisho oo La Kulmay dhiggiisa magaalada Baden ee dalka Switzerland

Duqa Muqdisho oo La Kulmay dhiggiisa magaalada Baden ee dalka Switzerland

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In