Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo La Kulmay dhiggiisa magaalada Baden ee dalka Switzerland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 14, 2015
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo La Kulmay dhiggiisa magaalada Baden ee dalka Switzerland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Xamar Ge. Hassan Husein Muungaab oo safar shaqo kujooga wadanka Switzerland ayaa wuxuu maanta kulan la yeeshey oo qaabiley dhigiisa Duqa Magaalada Baden  Mr.Geri Müller ahna xubin katirsan Baarlamaanka Federaalka Dalkaan Swiss.

Wefdiga Gudooomiyaha Maamulka Gobolka ayaa waxaa kamid ahaa, kuxigeenkiisa Maxamed Ahmed Diiriye, madaxa dhinaca siyaasada ee xafiiska mamaulka maamulka gobolka banaadir  Taakooy & Madaxa Xafiiska Maamulka gobolka Banaadir Eng. Mohamed Nur Hassan.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Gudoomiye Muungaab ayaa  markii la qaabiley waxaa lagu soo wareejiyey Magaalada Baden wuxuuna booqdey meelo taariikhi ah, sida halkii laga aas aasey dabdhalinta Switzerland,Aqalka Laga xukumo Magaalka, Howlkii Baarlamaanka Dalka Swizerland ay ugu horeysey ku shiri jireen, kadibna waxay wada qaateen maamulka Magaalada Baden oo wada jir ah iyo wefdiga Soomaalida Shir Muhiim ahaa oo lagu kala faa’iideysanayey.

Maamulka Baden ayaa waxay aad ugu faraxsanaayeen Maamulka Gobolka Banaadir ee Booqashada ku imaadey Gobolkooda, xiriirka iyo wada shaqeynta ay dhax mari doonto waxayna balan qaadeen iney wax badan ka qaban doonaan  codsigii Gudoonka Gobolka Banadir ee ahaa In Wax lagala qabtao dhinaca Caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, Dayactirka wadooyinka iyo Arimo kaloo muhiim ah.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa la geeyey oo lagu casumey Xarunta weyn ee Kasoo baxa Wargeyska Magaca Dheere  Neue Zurcher Zeitung” NZZ” Magaalada Zurich , Wefdiga ayaa waxaa lagu wadaa sidoo kale in Bern ay booqdaan oo la kulmaan masuuliyiin ka socoto wasaarada arimaha dibada dalkaan swiss, iyo jaaliyadaha Soomaalida Bern, Ganeva iyo magaalooyin kale.

si kastoo ahaato Gudoomiye Muungaab & xubnaha Wefdigiisa ayaa waxaa Switzerland kusoo Dhaweeyey Mas’uuliyiinta Hay’ada Swiss Kalmo, Bashiir Goobdoon, Hassan Cismaan  oo Somali diaspora kasocdey, Bashiir C/qaadir Bootaan, Nafaqo oo Iskuxiraha Soomaalida iyo Walaalaha Turkiga  ma talayey iyo qaarkamid ah soomaalida wadanka kunool oo ka imaadey Gobolada Swiss Qaarkood.

 

Previous Post

Air Djibouti Cargo oo bilowday duulimaadkii ugu horeeyay ee Soomaaliya iyo Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In