Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ajaaniib shabaab ah oo lagu qabtay Galmudug, Aqriso wadamada ay ka soo jeedaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Milateriga Nigeria oo sheegay inay dileen  60 ka tirsanaa maleeshiyaadka Boko Haram
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Ammaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa maanta gacanta ku dhigay Sadax nin oo Ajaanib ah kuwaas oo ka barbar dagaalamayay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabab oo ay ciidamada Galmudug dagaal kula galeen Bariga Gobalka Mudug.

Taliyaha Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad Sigidda NISA Ee qeybta Deegaanada Galmudug, Saadaq Cumar Xasan ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in la qabtay Sadax nin Laba kamid ah ay dhalashadoodu tahay Kenyan iyo nin u dhashay Dalka Tanzania, kuwaas oo qeyb ka ah maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-shabab, maalmihii la soo dhaafayna uu dagaal ku dhexmarayay iyaga iyo ciidamada Galmudug Deegaanka Gal Hagoog oo dhaca bariga gobalka Mudug

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

“Howlgalku wali dhulka Xeebaha ayuu ka socdaa, Maanta 12 Macaabiis cusub ah ayaan soo qabanay waxaa kamid ah sadex nin oo ajaanib ah labo waa Kenyan Midna Waa Tanzanian, baaris ayaa ku socota hadda, waxaana ciidamadu baacsanayaan horjoogayaashii watay dhalinyarada yar yar ee maskaxda ay ka rogeen kooxaha argagixisada”Ayuu Yire Saadax Cumar.

Abdullaahi Rabuu Mahamed oo kamid ah Ajaanibta la soo qabtay oo wareysi gaar ah Luqadda Sawaaxiliga ku siiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa sheegay in iyagoo 12 Al-shabab ah laga Soo Qabtay Deegaanka Gal Hagoog oo ka tirsan gobalka Mudug gacantana ay ugu jiraan ciidamada Ammaanka.

“Magaceygu waa Abdalla Rabuu Mahamed Waxaan u dhashay Tanzania, waxaan kamid ahay Al-shabab waxaana nasoo qabtay angoo 12 ruux ah ciidamada”ayuu Yiri Abdalla Rabuu.

Waa Ajaanibtii ugu horreysay ee la soo qabto tan iyo markii maamulada Puntland iyo Galmudug ay bilaabeen howlgalladaasi lagula dagaalamayo maleeshiyaadka Firxadka Kooxda Al-shabab oo illaa hadda aan si dhab loo ogeen ujeedka ay deegaanaddaasi u gaareen.

Isha : SONNA

Previous Post

Hay’adda NISA oo fashilisay Qaraxyo lagu Dhibaateyn Rabay Bulshada Soomaaliyeed

Next Post

Wasiir Ku Xigeenka Beeraha Dalka Oo Deeq Raashin Ah Gaarsiiyay Qoysaskii Ka Soo Cararay Yemen “Sawirro”

Next Post
Wasiir Ku Xigeenka Beeraha Dalka Oo Deeq Raashin Ah Gaarsiiyay Qoysaskii Ka Soo Cararay Yemen “Sawirro”

Wasiir Ku Xigeenka Beeraha Dalka Oo Deeq Raashin Ah Gaarsiiyay Qoysaskii Ka Soo Cararay Yemen “Sawirro”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In