Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ajaaniib shabaab ah oo lagu qabtay Galmudug, Aqriso wadamada ay ka soo jeedaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Milateriga Nigeria oo sheegay inay dileen  60 ka tirsanaa maleeshiyaadka Boko Haram
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Ammaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa maanta gacanta ku dhigay Sadax nin oo Ajaanib ah kuwaas oo ka barbar dagaalamayay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabab oo ay ciidamada Galmudug dagaal kula galeen Bariga Gobalka Mudug.

Taliyaha Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad Sigidda NISA Ee qeybta Deegaanada Galmudug, Saadaq Cumar Xasan ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in la qabtay Sadax nin Laba kamid ah ay dhalashadoodu tahay Kenyan iyo nin u dhashay Dalka Tanzania, kuwaas oo qeyb ka ah maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-shabab, maalmihii la soo dhaafayna uu dagaal ku dhexmarayay iyaga iyo ciidamada Galmudug Deegaanka Gal Hagoog oo dhaca bariga gobalka Mudug

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Howlgalku wali dhulka Xeebaha ayuu ka socdaa, Maanta 12 Macaabiis cusub ah ayaan soo qabanay waxaa kamid ah sadex nin oo ajaanib ah labo waa Kenyan Midna Waa Tanzanian, baaris ayaa ku socota hadda, waxaana ciidamadu baacsanayaan horjoogayaashii watay dhalinyarada yar yar ee maskaxda ay ka rogeen kooxaha argagixisada”Ayuu Yire Saadax Cumar.

Abdullaahi Rabuu Mahamed oo kamid ah Ajaanibta la soo qabtay oo wareysi gaar ah Luqadda Sawaaxiliga ku siiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa sheegay in iyagoo 12 Al-shabab ah laga Soo Qabtay Deegaanka Gal Hagoog oo ka tirsan gobalka Mudug gacantana ay ugu jiraan ciidamada Ammaanka.

“Magaceygu waa Abdalla Rabuu Mahamed Waxaan u dhashay Tanzania, waxaan kamid ahay Al-shabab waxaana nasoo qabtay angoo 12 ruux ah ciidamada”ayuu Yiri Abdalla Rabuu.

Waa Ajaanibtii ugu horreysay ee la soo qabto tan iyo markii maamulada Puntland iyo Galmudug ay bilaabeen howlgalladaasi lagula dagaalamayo maleeshiyaadka Firxadka Kooxda Al-shabab oo illaa hadda aan si dhab loo ogeen ujeedka ay deegaanaddaasi u gaareen.

Isha : SONNA

Previous Post

Hay’adda NISA oo fashilisay Qaraxyo lagu Dhibaateyn Rabay Bulshada Soomaaliyeed

Next Post

Wasiir Ku Xigeenka Beeraha Dalka Oo Deeq Raashin Ah Gaarsiiyay Qoysaskii Ka Soo Cararay Yemen “Sawirro”

Next Post
Wasiir Ku Xigeenka Beeraha Dalka Oo Deeq Raashin Ah Gaarsiiyay Qoysaskii Ka Soo Cararay Yemen “Sawirro”

Wasiir Ku Xigeenka Beeraha Dalka Oo Deeq Raashin Ah Gaarsiiyay Qoysaskii Ka Soo Cararay Yemen “Sawirro”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In