Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akadeemiyo Goboleedka Af-soomaaliga oo kulan aqoon isweydaarsi ah ku qabatay Beydhabo (SAWIRRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Akadeemiyo Goboleedka Af-soomaaliga oo kulan aqoon isweydaarsi ah ku qabatay Beydhabo (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akadeemiyo Goboleedka Af-soomaaliga shalay xarunta Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo waxa ay ku qabteen Kulan Aqoon Isweydaarsi ah oo looga hadlayay adeegsiga Af-Soomaaliga ee dhinacyada Maamulka, Waxbarshada iyo Warbaahinta.

Madashaasi oo aheyd mid aad u xiisa badan ayaa qabashadeedii waxaa iska kaashaday Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga “AGA” iyo Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay madax ka kala socotay maamulka K/Galbeed, bahda waxbarshada, warbaahinta iyo wakiilo matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaaladaasi.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025

Wakiilka Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga ee K/Galbeed ahna Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay oo furitaankii munaasabadaasi khudbad qiima badan ka jeeediyay ayaa ku dheeraaday ka sheekaynta waajibaadka iyo hawlaha ay Akdeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga u xilsaaran tahay, wuxuuna carabka ku dhuftay in AGA ay ka go’an tahay ilaalinta daryeelka, hal abuurka iyo horumarinta afka hooyo, isagoo u soo jeediyay ka qeyb galayaashii madashaasi inay gacan ka gaystaan dhowrista afka Soomaaliga.

Munaasabadaasi waxaa casharo ku saabsanaa adeegsiga Afka Soomaaliga ee dhanka waxbarashada iyo doorka ay saxaafaddu ka qaadan karto kobcinta afka Soomaaliga ka soo jeediyay Cali C/lle Xasan oo ka socday Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare iyo Gudoomiye ku xigeenka NUSOJ Muxyadiin Xusni, sidoo kale waxaa madashaasi iyana ka hadlay Afhayeenka Golaha Aqoonyahanada Koonfurta Soomaaliya Fowsi Cabdi Nuuur iyo masuuliyiin kale oo ku hadlayay magaca ururada bulshada Goboladaasi.

Soo jeedintaasi kadib waxaa madashaasi la isku weydaarsadey su’aalo iyo jawaabo la xiriiray sida la isaga kaashan karo daryeelka afka hooyo, qaar ka mid ah ka qeyb galayaashii kulan aqooneedkaasi ayaa ku bogaadiyay Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga sida ay ugu dadaaleyso illaalinta afka Soomaaliga, iyadoo madashaasi lagu daawaday suugaan uu goobtaasi ku soo bandhigay Abwaanka Maxamed Xasan Canjeex, taasi oo ka tarjumaysay hodontinimada afka Soomaaliga.

Kulan aqooneedka maanta ka dhacay Magalaada Baydhabo ayaa qeyb wuxuu ka yahay kulamo iyo tababaro baahsan oo loogu tala galay sidii bulshada Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa daryeelka afka Soomaaliga, Akadeemiyo Goboleedka Afsoomaaliga “Aga” ayaana hawshaasi dhabarka u ridatey , waaxaana illaa iyo haatan lagu guuleysay in lagu kala qabto Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso, Garowe iyo meelo kale.

14639831_1005029526289595_7190202731354239629_n

14680710_1005031182956096_3983914188166263284_n

14721453_1005029199622961_1117612073105320109_n

14732304_1005031032956111_313201223561256019_n

Previous Post

Askari ka tirsan Ciidamad Dowladda oo Xakun Dil ah Lagu Riday

Next Post

Wasaaradda Boostada oo shir caalami ah uga qeybgaleysa Tunis+Sawirro

Next Post
Wasaaradda Boostada oo shir caalami ah uga qeybgaleysa Tunis+Sawirro

Wasaaradda Boostada oo shir caalami ah uga qeybgaleysa Tunis+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In