Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akadeemiyo Goboleedka Af-soomaaliga oo kulan aqoon isweydaarsi ah ku qabatay Beydhabo (SAWIRRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Akadeemiyo Goboleedka Af-soomaaliga oo kulan aqoon isweydaarsi ah ku qabatay Beydhabo (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akadeemiyo Goboleedka Af-soomaaliga shalay xarunta Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo waxa ay ku qabteen Kulan Aqoon Isweydaarsi ah oo looga hadlayay adeegsiga Af-Soomaaliga ee dhinacyada Maamulka, Waxbarshada iyo Warbaahinta.

Madashaasi oo aheyd mid aad u xiisa badan ayaa qabashadeedii waxaa iska kaashaday Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga “AGA” iyo Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay madax ka kala socotay maamulka K/Galbeed, bahda waxbarshada, warbaahinta iyo wakiilo matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaaladaasi.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wakiilka Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga ee K/Galbeed ahna Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay oo furitaankii munaasabadaasi khudbad qiima badan ka jeeediyay ayaa ku dheeraaday ka sheekaynta waajibaadka iyo hawlaha ay Akdeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga u xilsaaran tahay, wuxuuna carabka ku dhuftay in AGA ay ka go’an tahay ilaalinta daryeelka, hal abuurka iyo horumarinta afka hooyo, isagoo u soo jeediyay ka qeyb galayaashii madashaasi inay gacan ka gaystaan dhowrista afka Soomaaliga.

Munaasabadaasi waxaa casharo ku saabsanaa adeegsiga Afka Soomaaliga ee dhanka waxbarashada iyo doorka ay saxaafaddu ka qaadan karto kobcinta afka Soomaaliga ka soo jeediyay Cali C/lle Xasan oo ka socday Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare iyo Gudoomiye ku xigeenka NUSOJ Muxyadiin Xusni, sidoo kale waxaa madashaasi iyana ka hadlay Afhayeenka Golaha Aqoonyahanada Koonfurta Soomaaliya Fowsi Cabdi Nuuur iyo masuuliyiin kale oo ku hadlayay magaca ururada bulshada Goboladaasi.

Soo jeedintaasi kadib waxaa madashaasi la isku weydaarsadey su’aalo iyo jawaabo la xiriiray sida la isaga kaashan karo daryeelka afka hooyo, qaar ka mid ah ka qeyb galayaashii kulan aqooneedkaasi ayaa ku bogaadiyay Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga sida ay ugu dadaaleyso illaalinta afka Soomaaliga, iyadoo madashaasi lagu daawaday suugaan uu goobtaasi ku soo bandhigay Abwaanka Maxamed Xasan Canjeex, taasi oo ka tarjumaysay hodontinimada afka Soomaaliga.

Kulan aqooneedka maanta ka dhacay Magalaada Baydhabo ayaa qeyb wuxuu ka yahay kulamo iyo tababaro baahsan oo loogu tala galay sidii bulshada Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa daryeelka afka Soomaaliga, Akadeemiyo Goboleedka Afsoomaaliga “Aga” ayaana hawshaasi dhabarka u ridatey , waaxaana illaa iyo haatan lagu guuleysay in lagu kala qabto Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso, Garowe iyo meelo kale.

14639831_1005029526289595_7190202731354239629_n

14680710_1005031182956096_3983914188166263284_n

14721453_1005029199622961_1117612073105320109_n

14732304_1005031032956111_313201223561256019_n

Previous Post

Askari ka tirsan Ciidamad Dowladda oo Xakun Dil ah Lagu Riday

Next Post

Wasaaradda Boostada oo shir caalami ah uga qeybgaleysa Tunis+Sawirro

Next Post
Wasaaradda Boostada oo shir caalami ah uga qeybgaleysa Tunis+Sawirro

Wasaaradda Boostada oo shir caalami ah uga qeybgaleysa Tunis+Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In