Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga oo Tababar u qabatay Gabdhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga oo Tababar u qabatay Gabdhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababar lagu baranayay tayeynnta adeegsiga af-Soomaaliga ee dhinaca Warbaahinta uuna soo qaban-qaabiyay Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga ayaa maanta lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadii furitaanka tababarkaasi ayaa waxa ka soo qeyb galay madax ka kala socotay Dawladda Federaalka, Maamulka G/Banaadir iyo masuuliyiinta Akadeemiyo Goboleedka Af -Soomaaliga, in ka badan 50-xubnood oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Ururada Saxafiyiinta gabdhaha oo ahaa kuwa tababbarka qaadanayey. .

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026

Gudoomiyaha Akadeemiyo Goboleedka af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax  ayaa sheegay in tababarka tayaynta adeegsiga af Soomaaliga uu qeyb ka yahay saminaaro baahsan oo Akadeeimiyadu u qorsheysay kor u qaadida af-Soomaaliga, wuxuuna hoosta ka xriiqay inuu qaybaha kala duwan ee Warabaahinta uu ku guubaabinayo sidii ay u adeegsan lahaayeen af-Soomaali sax ah.

“Warbaahinta, Maamulka iyo Macalimiinta ayaa laf dhabar u ah noolaynta iyo xoojinta afkeena, dhinac walba oo qeybahaasi ka mid ah iyo guud ahaan ummadda oo dhan waxaa waajib ka saaran yahay daryeelka af-Soomaaliga “ ayuu yiri Prof. Afrax oo intaasi raaciyay in af-Soomaaligu uu yahay af isku filan oo hodon ah.

Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho Md, Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” oo si rasmi aha u furay tababarkaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay oo uu soo dhawenayo qabashada saminaarkaasi, wuxuuna carabka ku dhuftay in saxafiyiinta looga bahaan yahay sidii ay kaalin hormuudnimo uga qaadan lahaayeen illaainta iyo hal abuurka afka hooyo, isagoo u mahad celiyay Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga oo uu tilmaamay inay isu xilsaartey tayanta iyo horumarinta af-Soomaaliga.

Dhawr toddobaad ka hor ayay Akadeemiyadu tababar ku aadana Daryeelka Af-Soomaaliya iyo Doorka Hooyadu waxay u sameysay haween ka kala socdey Degmooyinka G/Banaadir, tababaradaan oo ahaa kuwa is xig xiga ayaa Akadeemiyadu waxay iska kaashadeen Ururka Haweenka G/Banaadir.

ak0 ak1 ak2 ak3 ak5

Previous Post

Xaaladda caafimaad ee Abwaan Sangub oo soo hagaageeysa

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In