Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga oo Tababar u qabatay Gabdhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga oo Tababar u qabatay Gabdhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababar lagu baranayay tayeynnta adeegsiga af-Soomaaliga ee dhinaca Warbaahinta uuna soo qaban-qaabiyay Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga ayaa maanta lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadii furitaanka tababarkaasi ayaa waxa ka soo qeyb galay madax ka kala socotay Dawladda Federaalka, Maamulka G/Banaadir iyo masuuliyiinta Akadeemiyo Goboleedka Af -Soomaaliga, in ka badan 50-xubnood oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Ururada Saxafiyiinta gabdhaha oo ahaa kuwa tababbarka qaadanayey. .

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

Gudoomiyaha Akadeemiyo Goboleedka af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax  ayaa sheegay in tababarka tayaynta adeegsiga af Soomaaliga uu qeyb ka yahay saminaaro baahsan oo Akadeeimiyadu u qorsheysay kor u qaadida af-Soomaaliga, wuxuuna hoosta ka xriiqay inuu qaybaha kala duwan ee Warabaahinta uu ku guubaabinayo sidii ay u adeegsan lahaayeen af-Soomaali sax ah.

“Warbaahinta, Maamulka iyo Macalimiinta ayaa laf dhabar u ah noolaynta iyo xoojinta afkeena, dhinac walba oo qeybahaasi ka mid ah iyo guud ahaan ummadda oo dhan waxaa waajib ka saaran yahay daryeelka af-Soomaaliga “ ayuu yiri Prof. Afrax oo intaasi raaciyay in af-Soomaaligu uu yahay af isku filan oo hodon ah.

Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho Md, Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” oo si rasmi aha u furay tababarkaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay oo uu soo dhawenayo qabashada saminaarkaasi, wuxuuna carabka ku dhuftay in saxafiyiinta looga bahaan yahay sidii ay kaalin hormuudnimo uga qaadan lahaayeen illaainta iyo hal abuurka afka hooyo, isagoo u mahad celiyay Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga oo uu tilmaamay inay isu xilsaartey tayanta iyo horumarinta af-Soomaaliga.

Dhawr toddobaad ka hor ayay Akadeemiyadu tababar ku aadana Daryeelka Af-Soomaaliya iyo Doorka Hooyadu waxay u sameysay haween ka kala socdey Degmooyinka G/Banaadir, tababaradaan oo ahaa kuwa is xig xiga ayaa Akadeemiyadu waxay iska kaashadeen Ururka Haweenka G/Banaadir.

ak0 ak1 ak2 ak3 ak5

Previous Post

Xaaladda caafimaad ee Abwaan Sangub oo soo hagaageeysa

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In