“kuwa sidayda oo kale raba in ay Shahiidaan”
SONNA, waxeey heshay Akhbaar ay yartahay in lahelo, waa xaqiiqo dhab ah, waa xaaladda Shabaab ee Musiibadii Soobe kaddib, waa saamaynta Xasuuqii Shacabka, waa xilli ay Dhalinyaro badan oo Shabaab qaldeen indhaha kala fureen, balse waay yartahay inta heli karta Fursadda Dhibane Nuu Nuu oo kale.
Cudurdaar, SONNA waxeey ka cudurdaaranaysaa in aysan soo wada bandhigi karin Xogtaan, bad-qabka Ilaha aan ka helnay awgood, balse waxaan Aqristayaasheenna lawadaagaynaa Akhbaar aan idinku soo garsiinkarno Xaqiiqda aan helnay, sidoo kale innagoo ka ambaqaadayna Duruufta Nuu Nuu iyo dareenkiisa aan ufidin doono Isaga iyo Saaxiibadii in ay nasoo gaaraan si aan u gudbino Dareenkooda Maanta.
Inka badan Labo Bil ka dib, waxaa SONNA lasoo xiriiray mid ka mid ah Dhalinyarada Shabaab ee u diyaarsanaa in ay isqarxiyaan, muddo dheerna ku haminayay in uu Naftiisa halligo balse Qadarka Allaah wali nool kuna baraarugsan hadda in la marin habaabiyay oo wixii laga dhaadhiciyay aanay sax ahayn.
Hadaba Wiilkaas oo aynaan hubin Goobta uu hadda joogo iyo Duruufta uu ku suganyahay awgeed, ma isticmaalayo Magaciisa saxda ah, sidoo kale si aanay ugu sahlin Shabaab in ay aqoonsadaan Wiilkaas awgeed ma xusi doono Magacayga maadaama aan ahay Qofka ay wadahadleen la iguna garin karo maadaama aan Ehel isku dhaw nahay, waxaana si toos ah idin kugu soo gudbinayaa Xogtaan, anigoo ka tirsan hawl-wadeen SONNA ahna Isha Warka.
Naynaasta Nuunuu oo uu ku fahmi karo Qofka hadlaya Wiilkaasi, in uu yahay Walaalkiis ayaan u isticmaalayaa Magaciisa si aan uga fogaado in aad Qatar usii jiido, waxa uu Maalmo ka hor lasoo xiriiray aniga ka mid ah Hawl-wadeenada SONNA, Ehel ayaan nahay Nuunuu balse Muddo Sanado ah isma arkin, waxaanse is maqalnay Labo Sano ka hor isagoo iisoo wacay in uu ii hanjabo, Balse Nuunuu oo Codkiisa aan si wanaagsan u garanayo wuxuu markaan isoo wacay isagoo ka duwan kii aan ku ogaa,11 Toban Daqiiqo ayuu ila hadlay, Cabasi iyo Qiiro ayaanna ka dareemay in kastoo nasiib-darro aynaan kala bogan, hadana waxaan jeclaystay in aan idiin soo gudbiyo fariin uu isoo faray.
Nuunuu oo inta badan isagu hadlayay, Salaan iyo kala warqaadasho kooban ka dib sidaan ayuu u hadlay” waxaan ka tirsanaa Shabaab ilaa 2009-kii, markii aan ku biiray waxaan aaminsanaa in aan u dagaalamayo Qadiyad xaq ah oo ah sidii loo heli lahaa Dawlad Soomaaliyeed oo Dalka ku dhaqda Shareecada Islaamka, waxaa kale oo aan kasoo horjeeday Dawladaha Shisheeye ee Dalkeenna gudihiisa ku laynaya Dadkeenna, Gabdhaheenana Kufsanaya anoo aaminsanaa in Soomaali ahaan naloo dhaafo Dalkeenna, dadbadan ayaana ila qaba aragtidaas inkastoo inyar Shabaab ku biirtay Ficil ahaan umuujiyeen”
Nuunuu oo sii hadlaya isagoo ay ka muuqato Cabasi iyo Qiiro wuxuu yiri” waxaa dhacday in Madaxdayadii ay Afduubeen Ururkii oo ay fuliyeen Qaraxyo aay ku le’deen Dadbadan oo Muslimiin aan waxba galabsan ah, Markastana waxeey Madaxdeenu ku sababaynayeen Dadkaas in aysan wax dhib ah lahayn mar haddii Dagaal lagu jirana ay dhacayso in Dad aan waxba galabsan ay dhimayaan, waxaan xusuustaa Qaraxii Shaamoow ka dib, mar aan waydiiyay side Jihaad ugu tilmaami karnaa laynta Dhalinyaradii Qalinjabinaysay ee Mustqbalka fiican lahayd? Waligeey ma halmaamikaro jawaabtii uu isiisay, wuxuu igu yiri haddii aad Boqol Qof oo Muslim ah disho si aad hal Murtid udisho wax dhib ah malaha, xitaa markii waxaas oo Qarax ahi dhaceen, dadbadanna lalaayay kama aanan tanaasulin ka mid ahaanshihii Shabaab ee waxaan isku qanciyay in hadafka guud ee Jihaadku ka mudanyahay Tirda Shicibka ah ee Nafwaayay, waxaanan codsaday in la igu daro liiska Naftoodhurayaasha raba in ay dar ilaaheey ushahiidaan”
Wali Nuunuu, ayaa sii wata Sheekada si uu Walaalkii SONNA ugu qanciyo waxa badalay, wuxuuna yiri” Bishii Ougust ee Snadkaan Bartamaheedii, ayuu Amiirkaygii iga soo wacay Taleefoon si uu u hubiyo in aan wali rabo in aan isqanciyo, waxaa cajiib ah in aanan dareemin wax cabsi iyo wlaac ah, balse aan dareemay farxad aan lasoo koobikarin waxaan rabay in aan waajibkayga guto oo alle la kulmo anigoo ka daalay dagaalkaan umuuqda mid aan dhamaadkiisu soo naaso-cadayn”
socota“ Maalmo yar ka dib markale Amiirkaygii ayaa isoo wacay oo igu amray in aan Kuunyo baroow imaado, waxaa la idajiyay Guri oo nin afku uduubanyahay noogu aqriyay Kitaab ka hadlaya faaiidada iyo Abaalmarinta Shuhadada, Gurigaas waxaa igu wehliyay Labo Wiil oo midkood iila muuqday 15 jir kan kalana 16 jir, waxaana Gurigas joognay ilaa Bishii September, ka dibna waxaa la ii wareejiyay Guri kale oo ku yalla Buulo-fulaay oo ay joogeen Afar dhalinyaro ah oo sidayda oo kale sugayay in ay isqarxiyaan”
“ innagoo wali Gurigii joogna ayay isoo gaartay dhacdii 14-kii October ee Soobe, markaan helay Xogtii Dhacdadaas saamayn wayn ayay igu yeelatay, waxaan is wafajin waayay Gumaadkii dhacay iyo Diinta Islaamka oo aan marnaba ogolayn waxaas oo kale, Runtii Indhaha ayay ii furtay aniga Qof ahaan, Dhacdadaas waxaa fuliyay Qof dhalinyaro h oo sidayda oo kale Maskaxda laga xaday oo waday Gaarigii Soobe lagu qarxiyay Naftiisana u haligay si uu Jano u helo, waxaa iiga sii daran oo amakaag igu noqday in Alshabaab ka gaabsatay in ay sheegtaan Dhacdadaas Shacabka faraha badan ee ku dhintay darteed”
Socotaa” waxaan xusuustaa mid ka mid ah Dhalinyaradii aan wada joognay Gurigii Buulo-Fulaay ee iswaydiiyay waa maxeey sababta Alshabaab u xusi waysay Naftihurihii ku Shahiiday Soobe una soo bandhigi waayeen wixii Dardaaran Maqal iyo Muuqaal ah ee uu ka tagay sidii Caadada ahaan jirtay? Anigu xilligaa weey ii cadayd in aan Madaxda Shabaab dan ka lahayn aaminsanayna wixii ay ku shubi jireen Dhalinyarada ay ku qanciyaan in ay is haligaan isla maraana Galaaftaan Dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan laakiin in kastoo oo aan ka fikirayay sidii aan uga bixi lahaa xaaladda aan ku jiray iyo daraynkayga ah in aan waxba ka jirin Jihaadka iyo Shahdiidka hadana lama qaybsankarin Walaalihii ila joogay anigoon kalsooni ku qabin awgeed’
Socotaa” waan kasoo baxsaday Buulo-Fulaay waxaana ii qorshaysan in an ka mid noqdo Shacabka Soomaaliyeed, Gumaadkii ugu weynaa Soomaaliya ee Soobe ka dhacay si fiican ayuu indhaha iigu furay, waxaanse ka xumahay in wali dhalinyaro badan aaminsanyihiin in isku qaraxinta Shacabka Jano lagu galo”
Socotaa” waxaan usheegayaa Dhalinyarada in aysan ahayn kuwa ku dhaqma Diinta Islaamka Dadkii ka danbeeyay Qaraxii Soobe ee Dilay Shan Boqol oo qof inka bandanna Dhaawacay ee Agoomeeyay kuwa badan, waxaa la mid ah dhamaan kuwii ka dhacay Hoteelada, Maqaayadaha, Suuqayada iyo Wadooyinka Muqdisho iyo Meelo kale”
Socotaa” Dadka Sidayda oo kale ah ee isku diyaariyay Isqarxintu ha iswaydiiyaan hal su’aal oo ah, sidee Jano loogu galayaa in lalaayo Dad Muslim ah oo aan waxba galabsan sidii Soobe oo kale? Halaagii Soobe ee 14-kii October ka dib ma jiro Qof Maskaxdiisu fiyoowdahay oo oggolaan kara in loo adeegsado Xasuuqa Hooyadii, Abihii, Walaalkii, ama Walaashii, Diyaar ayaan u ahay haddii ay jiraan wax aan suubin karo si aan u badbaadiyo dadka Muslimka ah ee la iska dilayo iyadoo lagu sababaynayo wax Jihaad ku sheeg ah”
Markii ay sheekadu intaas marayso oo wali aanan qaadan hadalka si aan u waydiiyo Su’aalo ayuu mar qura hawada ka baxay Taleefankii uu igala hadlayay Walalkeey Nuunuu, waxaan isku dayay in aan dib u Waco balse Nasiib-darro mashaqaynayo mana garanayo xaaladdii xigtay ee uu ku suganyahay ilaa hadda, maalmo aan hubin iyo raadin ku mashquulsanaa ka dib, ayaanna go’aansaday in aan idinla wadaago Sheekadii na dhexmartay intii uu markii horaba ii fasaxay, balse waxaa iga guuxaya Su’aalo badan oo aan jeclaa in aan waydiiyo Nuunuu, kuwaas oo maadaama aan waayay xiriirkiisa aan doonyo in aan halkaan uga gudbiyo si haddii ay macquul tahay uu iiga soo jawaabo.
1-Nuunuu, Walaal haddii aad fursad hesho iisoo sheeg halka aad ku sugantahay iyo Xaaladada?
2- Nuunuu, haddii ay wali qayb kuu dhimantahay fariinta aad jeclanlahayd in aad gudbiso iigu soo dir Emailka aan kusoo raacin doono Qoraalkaan maadaama aysan jirin wadiiqo kale oo aan kugu soo gaari karo?
3- Walaal, ila soo wadaag haddii aan u fasaxanahay in aan isticmaalo magacaaga iyo kaygaba si ay u gaarto Akhbaartaadu ehelka kaa walwalsan? Adigoo isticmaalaya Emailka ah [email protected] walaal ku kalsoonoow in aan ahay Qofka kaliya ee Awooda in uu arko Jawaabtaada, anigoo Bad-qabkaaga dartiis aan u isticmaalin Emailkayga oo Dadbadani garankaan Qofka aan ahay haddii aan soo bandhigo.
Cid kasta oo ay haysa Xogta Nuunuu, waxaan si naxariis leh uga codsanayaa in ay igula soo wadaagaan Cinwaankaan [email protected].
Sidoo kale waxaan jeclaanlahaa in aan kusoo dhaweeyo Dhalinyarada ka tirsan Shabaab ee sida Nuunuu doonaya in ay muujiyaan Dareenkooda in ay nagala soo xiriirikaraan isla Cinwaanka kore innagoo u balanqaadayna in aan ilaalin doono Macluumaadkooda.
Waxaan sidaas oo kale, Shacabka Soomaliyeed, Dadka saamaynta leh sida Culumada, Masuuliyiinta Dawladda iyo cid kasta oo doonaysa in ay aragti ama talo la xiriirta arinkaan nala wadaagaan ka codsanaynaa in ay noogu soo gudbiyaan isla Cinwaanka kore ee ah [email protected].
Nuunuu iyo cidkasta oo ka xun Fikirka Shabaab, waxaan u rajaynaynaa Bad-qab.
Mahadsanidiin.
SONNA