Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Fariinta Madaxweynaha JFS ee uu u diray Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Fariin Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu u diray Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo fariin u diray ciidanka iyo shacabka ayaa tilmaamay in Ciidamada Qaranka iyo dhallinyarada Difaaca shacabka ay dib u milicsadaan halkii howlgalku ka soo bilowday iyo guulaha maanta la gaaray ee ah in khawaarijta laga xoreeyay deegaanno iyo degmooyin dhowr ah, loona baahanyahay inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Related posts

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

March 14, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

March 14, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri ” Dhulka baaxaddaa leh ee aad xoreyseen, dhulka baaxaddaa leh ee aad cadowga ka qabsateen, dhulka baaxaddaa la eg ayaa geesiyaal Walaalihiina ah oo magacyo leh ayay naftooda u hureen, sidoo kale geesiyaashaas waxaa ka mid ahaa ciidanka difaaca shacabka ee deegaannada, wiilal geesiyaal ah oo la garanaayo oo la yaqaano ayaa naftooda u huray oo ka tirsan deegaannada”

Madaxweynaha JFS ayaa xusay in deegaan kasta oo laga xoreeyay khawaarijta ay naftooda u hureen ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka deegaannada laga sifeeyay argagixisada iyo odoyaasha dhaqanka, isla markaana loo baahanyahay in la joogteeyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

“Dagaalka wuu soconayaa, ma istaagayo, meelaha aan joogno ka soo noqon meyno, hore ayaana u soconeynaa. Guusha kama dambeysta ah ee aan raadineyno waan gaareynaa”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed ay maanta leeyihiin hal cadow, kaasi oo loo baahanyahay in loo midoobo sidii loo garab istaagi lahaa Ciidamada Qalabka Sida ee kaashana dhallinyarada difaaca shacabka, si guud ahaan dalka looga ciribtiro khawaarijta.

“Inaan u midowno oo mid noqono waa sida kaliya ee noo furan oo aan isaga saari karno cadowga, shacabka Soomaaliyeed ha garab istaageen meelkasta oo ay joogaan ciidamada qalabka sida, ha garab istaageen meelkasta oo ay joogaan Difaaca dadweynaha, difaaca shacabka, difaaca deegaanka wiilasha u istaagay ee jooga”.

 

Previous Post

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka oo bogaadiyay guulaha ciidanka Xoogga Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Xarardheere gaaray

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Xarardheere gaaray

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Xarardheere gaaray

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda  Qatar u fadhiya Soomaaliya,...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraar uu meel mariyay Baarlamaanka gobolka...

Ciidanka NISA oo war kasoo saaray hawlgal lagu dilay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka NISA oo war kasoo saaray hawlgal lagu dilay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaad iyo...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In