Shirweynaha Qaran ee ka hortagga faafinta Wararka been abuurka, buunbuuninta iyo Wararka sida khaldan loo tebiyo
Khudbadda Mudane Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, mas’uuliyiinta kale ee dowladda, iyo marti sharafta kala duwan-Assalamu Caleykum wa Raxmatullahi wa Barakatu. Subax wanaagsan. Farxad ayay inoo tahay ka wasaarad ahaan inaan idin ku soo dhoweyno shirkan qaran ee ka hortagga ama xakameynta tebinta wararka aan saxda ahayn, marin habaabinta iyo wararka been abuurka ah. Shirkan waxaa muhuimad gaar ah u yeelaya sare u kaca ballaaran ee fafalkan xun ku hayaan bulshada, iyadoo tiknoloojiyadda casriga ee digitalka ay sii sahashey faafitaanka falalkan guracan.
2. Mudane Ra’siiul Wasaare, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Waxaa la yiraahdaa ‘’ Beenta ama wararka been abuurka ah waxay degdeg ugu faafaan adduunka daafahiisa, halka hadalka runta ah ay indhaha dadku ay arkaan inuu yahay mid gaabis ah”. Xaaladdaas ayaa maalin walba ina haysata, waxaana muuqata in khadka u dhexeeya runta iyo beenta ay cadowga horumarka diiddan doonayaan inay mugdi ka dhigaan si aanay shacabka xaqiiqda u ogaan, iyaguna ay beentaas ka dhigtaan buundo ama marin ay ku gaaraan danahooda guracan ee aan ummadda inteeda kale wax faaiido ah ugu jirin.
3. Qaramada Midoobay waxa loo yaqaano “Misinformation” ama wararka aan saxda ahayn ku qeexday war been ah, amaba aan sax ahayn sida warar kutiri kuteen ah amaba aflagaaddo loogu talagaley in ummad ama shkahsiyaad lagu dhibaateeyo. Disinformation ama in wararka si khaldan loo tebiyaa, waxaa Iyana lagu qeexay in si ula kac ah loo adeegsado warar xun, oo naceyb ku dheehan, propaganda iyo buunbuunin aan sax ahayn , ujeedka laga leeyahay uu yahay in bulshada la dhex dhigo cabsi, shaki abuur, kala fogeyn iyo xumaan kaleba.. Falalkan guracan waa caqabad caalamka ka jirta, oo dhalisey in dadka ay ku adkaato inay warka saxda ah ka soocaan wararka khiyaaliga ah xilligan casriga ee tiknoloojiyadda digitalka isticmaalkeedu uu sareeyo.
4. Marka aan u nimaadno dalkeena Somalia, arrimaha aan soo xusney ee wararka beenta abuurka ah, kuwa sida khaldan loo tebiyo iyo kuwa marin habaabinta ah, waxaa marag ma doonto ah inay dhibaatooyin waaweyn ku hayaan shacabkeena, kuwaas oo ay ka mid yihiin, khatar wadajirka ummadda ah, in dadka la kiciyo iyo in naceyb iyo xasilooni darro la abuuro. Waxaa taa ka sii daran in wararkaasi ay wiiqayaan dagaalka dowladda kula jirto argagixisada. Sida aad wada ogtihiin argagixisada caalamka ka hawlgala waxay si weyn u isticmaalaan tiknoloojiyadda casriga iyo baraha bulshada si ay ugu baahiyaan warar been ah iyo propaganda, iyagoo ujeedkoodu yahay inay shacabka cabsi ku abuuraan. Waxyaabaha ay argagisadu baraha bulshada ku faafiyaan waxaa ka mid ah inay diinta si khaldan ugu fasiraan shacabka si ay qiil ugu sameeyaan falalkooda guracan, taas oo Iyana khatarteeda leh haddii aanu jirin faham iyo wacyigelin bulshada looga digayo khatartaasi.
5. Sidaa darted waxaan ugu baaqeynaa hay’daheena sharciga iyo garsoorka inay doorkooda ka qaataan xaqiijinta dagaalka lagu xakameynayo cadowga lidka ku ah wadajirka ummadda, nabadda iyo horumarka dalka, isla markaana lala xisaabtamo kuwa falalkaasi ku lug yeesha si aan ugu guuleysano hadafka saliimka ah ee aan leenahay ee ah dhismaha Somalia nabad ah, kana madax banaan colaadda iyo argagixisada.
6. Mudaneyaal iyo Marwooyin, faafinta wararka been abuurka ah, ama marin habaabinta waxay si cad lid ugu yihiin dhaqanka aadminimada, Soomaalinimada iyo Islaamka intaba. Sidaa darteed muhiim ayay u tahay dowladda, warbaahinta, aqoonyahannada, culumada iyo ururrada bulshada inay u midoobaan sidii ay u raadin lahaayeen hab lagu wacyigeliyo bulshada si ay ugu suuragasho kala soocidda wararka beenta ah iyo kuwa runta. Dowladda keligeed waxba kama qaban karto dhibaatadan. Waana sababta keentay inaan halkan la isugu keenno qeybo kala duwan oo bulshada ka tirsan, kuwaas oo aan u aragney inay muhiim u yihiin in xumaantan laga suuliyo bulshada dhexdeeda, hawshuna ay ka soo bilaabato meel hoose ilaa laga soo gaaro halka ugu sareysa.
7. Dadaallada dowladda ee horumarinta wacyigelinta waxaa ka mid ah hirgelinta Xafiiska Warbaahinta Qaranka oo hay;ado kala duwan ku mideysan yihiin, ujeedka loo sameeyayna ay tahay in fariimaha dowladda lagu mideeyo, gaar ahaan dagaalka lagula jiro argagixisada Khawaarijta ah. Waxaa shaqadaasi kaalin weyn ka qaatey oo ina garab taagan culumada diinta Islaamka, shacabka qeybihiisa kala duwan, dhalinyarada iyo xubno ka soo goostey Khawaarija oo markii ay runta fahmeen , go’aansadey inay shacabkooda dhinac ka raacaan. Wasaaradda Warfaafinta waxaa kale oo ay hirgelisay siyaasad isku xiraysa dowladda iyo shacabkeeda, iyadoo wararka iyo xogta dowladda helisteeda loo sahlayo shacabka si loo yareeyo khatarta faafinta wararka beenta ah, marin habaabinta iyo been abuurka.
8. Waxaa Iyana xusid mudan in wacyiga bulshada uu si weyn sare ugu kacay dhowaanahan. Telefishanka Qaranka oo ka kooban laba channel, Radio Muqdisho , Wakaaladda Wararka ee SONNA , Wargeyska Qaranka iyo baraha bulshada ee Wasaaradda Warfaafinta waxay 10kii bilood ee hawlgalka Khawaarija socday kasbadeen laba laab tirada dhegeysteyaasha, daawadeyaasha ama akhristeyaasha ku xiran, taasina waa ifafalo wanaagsan oo tilmaameysa in dad badan oo shacabkeena ka tirsan ay helayaan fariimaha saxda ah, isla markaana ay u sii gudbinayaan dadka kale ee aan tooska u helin fariimaheena.
9. Mudaneyaal iyo marwooyin. Dagaalka looga hortegayo wararka been abuurka, propagandada iyo marin habaabinta ma ahan mid dowladda keliya ay isku koobi karto. Waa waajib muwaadin kasta saaran inuu qeyb ka qaato nabadda, xasiloonida iyo horumarka waddanka, wax alaalle wixii intaas ka hor imaanayana ay qeyb ka qaataan suulinteeda sida ay diinteena dhigeyso. Waxaa mar kale baaq u jeedineynaa shacabka inaysan buunbuunin falalka guracan ee Khawaarijta geysanayaan, waayo dhibaatada ay shacabka u geysanayaan ayaa sii badaneysa haddii ay arkaan shakhsiyaad taageero u muujinaya. Shacabkuna waa inay ogaadaan in Ilaahay hortii lagula xisaabtami doono taageerada ay ka geysteen dhibaateynta shacab Muslimiin ah oo aan waxba galabsan.
10. Ugu dambeyn waxaan xusuusineynaa shacabka isticmaala warbaahinta iyo baraha bulshada inay si mas’uuliyad ku dheehan tahay qalablaasi u adeegsadaan. Tiknoloojiyaddan casriga ah waa in loo adeegsadaa in waddanka loogu adeego, laguna dhiso , oo aan loo adeegsan in dalka lagu waxyeeleeyo. Xoriyatul Qowlka waa qodob dastuurkeenna ku xusan, dowladdana y mar walba dhowreyso, laakiin waxaa muhiim ah in la xusuusto in qodobkaasi uu la socdo mas;uuliyad iyo xilkasnimo waddaniyad ku dheehan tahay.
11. Mudaneyaal iyo Marwooyin waxan idin rajeynayaa in aad arrimaha aan idin hordhignay aad si wanaagsan uga doodi doontaan, xalna u heli doontaan.