Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Khudbadda Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee uu ka jeediyay Barnaamijka kobcinta Wax soo saarka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo daah furay Barnaamijka kobcinta wax soo saarka xoolaha  “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Khudabadda Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  ee daahfurka mashruuca ILED qeybtiisa silsiladda wax-soosaarka iyo joogteynta kobaca dhaqaalaha ee xoolaha iyo kaluumeysiga.

 Mudane. Jamal Mohamed Hassan, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

 Mudane:  Abdillahi Bidhan Warsame, Wasiirka Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda

Mudane: Omar Mohamud Mohamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho

 Mudane:  Nicolas Berlanga Martinez, Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya

 Mudane: Etienne Peterschmitt, Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO).

 Wasiirada Kaluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya

 Shirkada Gaarka ah, ka soo qeybgalayaasha kala duwan Mudanayaan iyo Marwooyin.

 Mudanayaal iyo Marwooyin,

 Waxaa farxad weyn ii ah in aan idinkala soo qeyb galo kulankani muhiimka ah ee lagu daahfuraayo Barnaamijka Silsiladda Waxsoosaarka  Xoolaha iyo kaluumeysiga iyo Joogteynta Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya ee Midowga Yurub (EU) ay ugu deeqday Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, maanta waxaa dhamaanteyn Fursad Taariikhi ah noo ah in aan furno bilowga Mashruuca silsiladda Waxsoosaarka iyo Joogteynta Kobaca Dhaqaalaha ee Xoolaha iyo Kaluumeysiga.

Waxaa kaloo farxad inoo wada ah maanta in aad goob joog ka tihiin dhammaantiina , Wasaaradaha Federaalka, Wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ee Xanaanada Xoolaha iyo Kalumeysiaga Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya, Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, Munaasabadan balaaran ee Daahfurka Mashruucan.

Waxaan rabaa in fursaddaan ugu faa’ideysto inaan u mahad celiyo Midowga Yurub oo tagaaro buuxda siiyey Barnaamijkan weyn ee wax ku oolka u ah dhammaan bulshada iyo Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda taagta daran ee Xoolo Dhaqatada iyo Kalumaysatada Soomaaliyeed.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Qaar badan oo idinka ka mid ah waxaan isla bilaawnay safarkii dheeraa ee aan ku diyaarineyna barnaamijkaan sannadkii tagay ee 2020kii, kaa soo uga qeyb qaadateen si muuqata islamarkaana aan soo bandhigteen dhammaantiina muhiimadaha iyo Baahiyaha hortabinta idiin leh Deegaanadiina. Sidaad la socotaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa iyo Midowga waxey qabteen kulan la tashi ah oo  lagu qabtay magaalada Baydhabo bishii Febraayo 2020 kaa soo  ay ka soo qeyb galeen dhammaan daneeyayaasha horumarinta xoolaha iyo waxsoosaarkooda oo ay ku jiraan hay’adda FAO, Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, Gobolka Banaadir iyo Shirkadaha gaarka ah waxaana meel laysla dhigay hawlaha hortabinta iyo muhiimadaha u leh qeybta Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa. Shirkani wadatashiga waxaa diiradda lagu saaray muhiimadaha ay asteynayeen Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha iyo Waxsoosaarkooda Somaliya Iyo Qorshaha Qaranka ee 9aad, iyo baahiyaha bulshooyinka.

Waxaa sidoo kale looga hadlay sidii adeegyada muhiimka ah hoos loogu daadijin lahaa illaa iyo heer bulsho Deegaaneed islamarkaana loo hubiyo in cid walba ay ka faa’ideysatay mashruucani.

Mashruucani wuxuu qeyb ka qaadanayaa xasiloonida dalka, dhiira gelinta dib u heshiisinta gudaha, dhisidda nabadda, abuuridda fursad dhaqaale oo loo wada dhan yahay iyo badbaadada dadka taagta daran. Taa soo loo maraayo qaab deegaaneed  ayadoo si wada jir ah looga shaqeynaayo arrimaha siyaasadda, amniga dhaqaalaha si lmaalgeqebta Qeybta Waxsoosaasrka.

Muadanayaal & Marwooyin

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa waxaa ka go’an in kor u qaaddo Nolosha malaayiin xoola dhaqato, xoolo raacato, kuwa ka shaqeeya waxsoosaarka xoolaha iyo Untooda  iyo buulshooyinka ku nool Miyiga ee  ku tiirsan xoolaha iyo waxsoosaarkooda. Waxaa intaasi dheer in xoolaha iyo waxoosaarkooda ay qeyb weyn ka qaataan dakhliga dowladda, shaqo abuurka ayadoo lagu qiyaaso xoolaha waxsoosaarkooda shaqooyinka ay abuuraan ay gaareyso 55% marka laga hadlayo dhammaan shaqooyinka dalka ka jira, waxaa kaloo qeyb ka ah shaqooyin aan toos aheyn kuwaasoo ay sameeyaan silsiladda waxsoosaarka Xoolaha sidaa darted ayeey qeybtani xoolaha muhiim inoogu tahay.

Sidaa daraadeed daahfurka maanta ee qeybtaan xoolaha waxey siyaadin doonta kobaca dhaqaale, shaqo abuur xasilooni iyo adeeg bulsho oo gaara illaa deegaanada miyiga ah.

Ugu dambeyntii waxaan hadalkeyga ku soo gabagebynayaa in aan idiinku mahad celiyo dhammaantiina ka go’anaashihiina in kor loo qaado sectorka waxsoosaasrka Xoolaha iyo Kaluumeysiga mashruucanina uu u noqdo udub dhexeed.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa midowga Yurub (EU) oo taageero buuxda ku buxiyey mashruucani, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Hay’adda FAO ee Soomaaliya.

Waad Mahadsantihiin

Previous Post

Wasiirkii arrimaha dibadda Zimbaawe oo u geeriyooday Karoona Fayras

Next Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo daah furay Barnaamijka kobcinta wax soo saarka xoolaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo daah furay Barnaamijka kobcinta wax soo saarka xoolaha  “SAWIRRO”

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo daah furay Barnaamijka kobcinta wax soo saarka xoolaha “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In