Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso:- Khudbaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka jeediyay shirka siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay Doorashooyinka 2020

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Dawlad-wanaagga iyo Doorashooyinka 2020 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dib-u-habaynteenna hortebinta leh lama gaari karo wada shaqeyn la’aan iyo gaaridda siyaasado muhiim ah. Si loo hagaajiyo amniga waxa loo bahaynahay in dhaqaalaha si siman loo qaybsado, si dhaqaalaha loo kobciyo oo barwaaqa loo gaarana waxaa loo baahanyahay siyaasad loo dhanyahay. Arintaan waxa ay awood noo siinaysaa in aad daboolno baahiyaha bulshadeenna.

 

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Waxa aan ka shaqaynayaa in aad dib u soo celinno  qabkiii ummadda, isxilqaan Ayaan dib  ugu dhisanyaa dalkeenna

Waxa aan garaawsannahay in meesha ugu horeysa ee dawladi ay sharciyad ka hesho ay tahay dadkeeda, waxa aanna xaqiiqsannahay in kalsoonida iyo rabitaanka shacabku uu yahay tiir muhiim u ah dawlad wanaagga

Dadka Soomaaliyeed waxa ay Rabaan, kalsooni ku qabaan, u abaabulanyihiin  una baahanyihiin dawlad wanaag loo dhanyahay. Dadkeenna badankii waa ku daaleen in talada dalku ay gacanta ugu jirto dad kooban.

Dadka Soomaaliyeeed ugu danbayn waa diideen In kuwa xilalka sare haya ay aayaha dalka go’aan ka gaaraan iyada oo aan la fiirinayn rabitaanka shacabka

Mudanayaan iyo Marwooyin

Maanta waxa aan halkaan uga doodaynaa siyaasad loo dhanyahay. Hase yeeshee waxa aan rabaa in aad in aan idin xasuusiyo wadahadalkeennii sannad ko hor ee khuseeyay ajandaha dib usoo kabashada dhaqaalaheenna, xilligaas oo aan idin waydiiyay in aan qaadanno qatar wayn si wax yar oo wanaag ah aan u samayno.

Iyadoo u muuqatay xilligaas wax aan suuragal ahayn, hadana natiijadii ka dhalatay xanuunka dib u habaynta iyo taageeradiinna waxa ay Soomaaliya heshay taageero miisaaniyadeed oo toos ah oo aan horay loo arag iyo istaraatiijiyaddii ugu horeysay ee bankiga adduunku uu uga qayb qaadanayo horumarka.

Waxa aan dhiirri gelinaynaa taageeradiinna soo kabashada dhaqaalaheenna, waxa aanna si gaar ah ugu mahadcelinayaa bangiga iyo hey’adda lacagta adduunka, midawga yurub iyo deeq bixiyaasha kale

Haye yeeshee waxa aan qabaa in hadii sidaas oo kale aan diiradda u saarno ajandayaasha siyaasadda loo dhanyahay in aan gaari karno guul lamid ah horumarka aan ka gaarnay soo kabashada dhaqaalaha.

Iyada oo aysan jirin taageero dibadda ah oo wayn, waxa aan siyaasadda loo dhanyahay ka qabannay si wada jir ah wixii aan qaban karnay, maadaama aaan haysanay ujeeddo aan ka midaysannahay oo cad.

Waxa aan isku raacnay habka ay u dheceyso doorashada 2020, sharcigii doorasahda ayaa horumarin ku socotaa, shan cutub oo kamid ah 15ka cutub ee dastuurka ayaa dib u eegis dhamaystiran lagu sameeyay.

Waxa aan si qota dheer uga shaqaynaynaa federaalkaynta, waxa aan gaarnay heshiisyo wax ku ool ah, oo khayraadka lagu qaybsanayo sida heshiiska kalluumaysiga, shidaalka, iyo macdanta

 

Previous Post

Guddiga Joogtada Aqalka sare oo shaaciyay xilliga uu furmayo Kalfadhiga Golaha “SAWIRRO”

Next Post

Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab oo laga fuliyay mashruuc indha fiiqis oo lacag la’aan ah “SAWIRRO”

Next Post
Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab oo laga fuliyay mashruuc indha fiiqis oo lacag la’aan ah “SAWIRRO”

Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab oo laga fuliyay mashruuc indha fiiqis oo lacag la'aan ah "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In