Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso:- Khudbaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka jeediyay shirka siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay Doorashooyinka 2020

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 1, 2018
in Wararka
0
Shirka Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Dawlad-wanaagga iyo Doorashooyinka 2020 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dib-u-habaynteenna hortebinta leh lama gaari karo wada shaqeyn la’aan iyo gaaridda siyaasado muhiim ah. Si loo hagaajiyo amniga waxa loo bahaynahay in dhaqaalaha si siman loo qaybsado, si dhaqaalaha loo kobciyo oo barwaaqa loo gaarana waxaa loo baahanyahay siyaasad loo dhanyahay. Arintaan waxa ay awood noo siinaysaa in aad daboolno baahiyaha bulshadeenna.

 

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Waxa aan ka shaqaynayaa in aad dib u soo celinno  qabkiii ummadda, isxilqaan Ayaan dib  ugu dhisanyaa dalkeenna

Waxa aan garaawsannahay in meesha ugu horeysa ee dawladi ay sharciyad ka hesho ay tahay dadkeeda, waxa aanna xaqiiqsannahay in kalsoonida iyo rabitaanka shacabku uu yahay tiir muhiim u ah dawlad wanaagga

Dadka Soomaaliyeed waxa ay Rabaan, kalsooni ku qabaan, u abaabulanyihiin  una baahanyihiin dawlad wanaag loo dhanyahay. Dadkeenna badankii waa ku daaleen in talada dalku ay gacanta ugu jirto dad kooban.

Dadka Soomaaliyeeed ugu danbayn waa diideen In kuwa xilalka sare haya ay aayaha dalka go’aan ka gaaraan iyada oo aan la fiirinayn rabitaanka shacabka

Mudanayaan iyo Marwooyin

Maanta waxa aan halkaan uga doodaynaa siyaasad loo dhanyahay. Hase yeeshee waxa aan rabaa in aad in aan idin xasuusiyo wadahadalkeennii sannad ko hor ee khuseeyay ajandaha dib usoo kabashada dhaqaalaheenna, xilligaas oo aan idin waydiiyay in aan qaadanno qatar wayn si wax yar oo wanaag ah aan u samayno.

Iyadoo u muuqatay xilligaas wax aan suuragal ahayn, hadana natiijadii ka dhalatay xanuunka dib u habaynta iyo taageeradiinna waxa ay Soomaaliya heshay taageero miisaaniyadeed oo toos ah oo aan horay loo arag iyo istaraatiijiyaddii ugu horeysay ee bankiga adduunku uu uga qayb qaadanayo horumarka.

Waxa aan dhiirri gelinaynaa taageeradiinna soo kabashada dhaqaalaheenna, waxa aanna si gaar ah ugu mahadcelinayaa bangiga iyo hey’adda lacagta adduunka, midawga yurub iyo deeq bixiyaasha kale

Haye yeeshee waxa aan qabaa in hadii sidaas oo kale aan diiradda u saarno ajandayaasha siyaasadda loo dhanyahay in aan gaari karno guul lamid ah horumarka aan ka gaarnay soo kabashada dhaqaalaha.

Iyada oo aysan jirin taageero dibadda ah oo wayn, waxa aan siyaasadda loo dhanyahay ka qabannay si wada jir ah wixii aan qaban karnay, maadaama aaan haysanay ujeeddo aan ka midaysannahay oo cad.

Waxa aan isku raacnay habka ay u dheceyso doorashada 2020, sharcigii doorasahda ayaa horumarin ku socotaa, shan cutub oo kamid ah 15ka cutub ee dastuurka ayaa dib u eegis dhamaystiran lagu sameeyay.

Waxa aan si qota dheer uga shaqaynaynaa federaalkaynta, waxa aan gaarnay heshiisyo wax ku ool ah, oo khayraadka lagu qaybsanayo sida heshiiska kalluumaysiga, shidaalka, iyo macdanta

 

Previous Post

Guddiga Joogtada Aqalka sare oo shaaciyay xilliga uu furmayo Kalfadhiga Golaha “SAWIRRO”

Next Post

Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab oo laga fuliyay mashruuc indha fiiqis oo lacag la’aan ah “SAWIRRO”

Next Post
Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab oo laga fuliyay mashruuc indha fiiqis oo lacag la’aan ah “SAWIRRO”

Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab oo laga fuliyay mashruuc indha fiiqis oo lacag la'aan ah "SAWIRRO"

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In