Maanta waa Maalin Taarikhi u ah xiriirka Mareekanka iyo Soomaaliya saacado ka hor waxaan si rasmi ah u furay xafiiska howlgalka Hey’adda USAID ee Soomaaliya, kani waa xafiis kii ugu horeeyay ee howlgalka USAID muda 30 sano ah ku dhawaad. Daah furka Xafiiska USAID kaliya ma xoojinayo xarirka labadeenna dowladood ee waxa uu sidoo kale xoojinayaa horumarka Soomaaliya. Waxa aan furnay xafiiska maadaama Dadka iyo hoggaanka Soomaaliyeed muujiyeen in ay ka go’antahay isku tiirsanaansho iyo hagaajinta mustaqbalkooda. USAID markii ay ogaatay in hogggaanka Soomaaliya talaabooyin u qaadaayaan isku filnaanta dalkooda kadib waxaan go’aansanay inaan kala shaqeyno wadadaas waana waxa loo furayo xafiiska howlgalka
Dadaalka dowladda Soomaaliya ee dib u habeynta dalka waa mid u muuqanaya in uu saldhigiisu yahay ka jawaabidda baahiyaha mawaadiniintooda iyo balaarinta fursadaha dhaqaalaha, waana mid dhisaya dalkaan, waa rajo wanaagsan iyo maalin hore loo soconayo, waan ku faraxsanahay inaan xafladaan gaarka ah aan ka soo qeyb galo, waxaan qabaa rajo buuxdo sii wadida talaabooyinka loo qaadayo dhismaha guushaan iyo ilaalinta shaqa adag ee horumarka leh,
Dabcan sidookale dadka Soomaaliyeed waa kuwa u qalma horumarka aan aragnay, horaantii maanta waxaan ka qeyb galay bandhiga ganacsiga wax soo saarka Soomaaliyaa oo ay taageertay USAID.
Bandhigu waxa uu ahaa mid aad u qurux badan oo aan dhihi karo Ganacsiga Soomaaliya waxaa uu ku istaagayaa cagahiisa, waana uu noqon karaa mustaqbalka, waxaan la kulmay haween, dhallinyaro bartay injineernimo kuwaas oo gacanta kula jira tamarta, kana shaqeynaya dib u howlgalinteeda, waa mid aad u xiisa badan soorta galinteeda, anigu waxa ay ii aheyd mid iga kicisay, waxaan la kulmay rag iyo dumar kalluumaysata ah, waxaana ku faanaya inay I tuseen wax soo saarkooda kalluunka waliba mid aad u weyn, waxaana ay ka hadlayeen suurtagalnimada inay heli karaan suuqyo waa weyn, kuwaas waa talooyin horey loo qaaday oo aan rajaynayo in la taageero, kuwaas waa hablo iyo rag ganacsata ah oo aan u rajeynayo inay horumariyaan shaqadooda , iyada oo xaalada adag oo dhinaca cimilada ah lagu jiro hogaanka ganacsigaan adkeysiga leh ee raadinaya wadiiqoay ku guuleystaan hey’adda horumarinta Mareekanka waa ay ku faaneysaa inay ka caawiso dhismaha awoodooda wax soosaar si auy u balaariyaan ganacsigooda oo hadana waliba shaqa abuur u sameynaya dadka Soomaaliyeed, runtii waxa jira wax badan oo ina raja galinaya,
Aaniga iyo Ra’isalwasaaraha sikastaba waxaan ka wada hadalnay caqabado badan oo ina horyaala caqabadahaasi kaliya ma aha kuwa amniga Soomaaliya waa dal la yimid dimuqraadiyad ugub ah doorashada soo aadan waa fursad taariikhi ah oo lagu muujin karo mabaa’diida dimuqraadiya laguna keeno karo dowlad haysata waqabasho dhab oo dhaxal u noqoto jiilka imaanay, tani waxaa ku jira doorasho xor iyo xalaal ah iyo xilka oo lagu kala wareego si nabad ah sidokaale waxa jirta yididiilo la xiriirta deyn cafinta iyo in guul laga gaaro, waxaa kaliya ee dowladda laga rabo waa inay sii wado howsha adag ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo dadaalka ciribtirka musuqmaasuqa,
Dad badan oo Soomaaliya ayaa wajahaya cuno yari, waan ognahay waxaana sabab u ah abaaraha iyo khilaafaadka anaga oo ka jawaabayno dhibaatooyinkaan cuna yaridda la xiriira, maanta waxaan ku dhawaaqayaa 185 milyan oo doolar oo ah gargaar bani aadamnimo si loogu bixiyo cunooyin naf badbaadin ah, biyo, adeeg caafimaad dadka Soomaaliyeed ee u baahan.
Annaga oo ah dalka ugu balaaran ee gacan ka geysta gargaarka xaalada beni’aadamnimo ee Soomaaliya, waxaa sharaf inoo ah inaa garab istaagno, iyaga iyo hogaankooda waqtigaan baahidu taagan tahay, laakiin sidoo kale waxaan aad ula dhacsanahay la shaqeynta dowladda si loo dhiso gaashaanka dhibaatooyinka. Soomaaliya way ka wanaagsanaan doontaa sidaan maalin un, una istaagi doonta si iskeed ah, si cad Soomaaliya waxaa haysta mushkilada dhowr ah mana ah kuwa fudud ka gudbidooda waxaa loo baahanaya doorashada go’aano aad u ad adag balse waa in la dhisaa aas aaska Soomaali xooggan, maanta sodon sano oo na dhaafta kaddib inaan isku imaano waxaan umalaynayaa waa talaabo kale oo aad muhiim u ah oo hore loo qaaday, Ra’isal wasaare inaad halkaan nala joogto adiguna sharafbey noo tahay, Mareekanku waa sii wadayaa inuu idin garab taagnaado, idinla shaqeeyo, arkana dadka Soomaaliyeed oo haysta deganaasho, xukun ay leeyihiin iyo mustaqbal barwaaqo ah.