Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Nuxurka Khudbadaha Ay Madaxda Maamul Goboleedyada Ka Jeediyeen Shirka Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 11, 2020
in Wararka
0
Akhriso: Nuxurka Khudbadaha Ay Madaxda Maamul Goboleedyada Ka Jeediyeen Shirka Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa maanta ka furmay shirka wada tashiga madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in ujeedada shirkan ay u qabteen uu yahay in Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay uga wada tashadaan hanaan doorsho oo xor iyo xalaal ah, taasoo aan macnahadeedu aheyn inay talada iyaga kaliya ku kooban tahay.

Related posts

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

August 18, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

August 18, 2025

“Ujeeddada gogosha aan dhignay caasimadda Galmudug, waxaa ay tahay, in xal rasmi ah laga gaaro, xalka doorashooyinka Qaran ee innagu soo food leh”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor.

Mudane C/casiis Lafta-gareen,madaxweynaha Koofur Galbeed oo ka hadlayay shirka Wadatashiga magaalada Dhuusamareeb maanta uga furmay Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim ah oo ay ku tashanayaan.

“Waxaan ka tashaneynaa Doorasho sidii loo wadaagi lahaa, marxalada maanta taal ee kala guurka ah sidii looga gudbi lahaa, waa wax mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ku xiran, waa wax dowladda Federaalka ee aan xubnaha ka nahay dan u ah wax aan ka shaqeyneyno waa wixii nidaamka Federaalka inoo ogolaa”.ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni oo hadal kooban ka jeediyay shirka magaalada Dhuusamareeb ayaa ammaanay Maamulka Galmudug oo fidiyay gogosha shirkan, isagoo boggaadiyay dadaalka reer Galmudug u galeen inay xaliyaan arrimaha dhexdooda, wada hadal iyo wada xaajoodna la galaan deriskooda Puntland.

“Macnaha shirkan uu ku fadhiyo ujeedkiisa ugu weyna wuxuu yahay wadatashi ay sameeyaan Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka sida uu dastuurku farayo iyagoo kaalin ka qaadanaya waajibka ka saaran horumarka iyo dib u dhiska Dalka,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo saddex arrin oo muhiim ah kaga hadlay shirka ayaa soo hadal qaaday metallaada iyo maqaamka gobolka Banaadir,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney muhiim tahay inaan la carqaladeyn matallaada iyo maaqaam raadinta gobolka Banaadir.

“Arrinta Banaadir waxaa ka xumahay mar walba in la iska warsado aakhiru saac, caasimaddaas waa wada leenahay, si aan raalli isaga nahay aan maqaam ugu raadino, Doorasho waa in waqtigeeda ku dhacdaa waa meesha nidaamka laga neefinaayay, ayna tahay in laga heshiiyo, wixii intaas ka soo haro waa farsamo, Guddiga doorashadada waa farsamo, Xaliimo Yare yaa la dhibin, dhibka halaga dhaafo, talada anagaa ka shireyno”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa qudbadiisa ugaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku qotoma marxaladda Dalka.

“Dowlad Goboleedyada waa qaab dhismeed ka tirsan nidaamka Federaalka, malaha dowlad goboleedyada go’aan ka gaarista arrimo badan, laakiin tashi ayay ku leeyihiin mana doonayaan shaqo aysan iyaga laheyn inay qabtaan, inta ay xaqa u leeyihiin inay ku darsadaan taladooda waaye”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha Galmudug ee martida loo yahay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo soo xiray khudbadaha madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa sheegay inuu furan yahay wejiga koowaad ee shirka,iyadoo dhammaadka shirka laga soo saari doonaa warmutiyeed dhammeystiran.

Previous Post

Madaxda Wasaaradda Howlaha Guud Oo Dardar Gelineysa Ololaha Isxilqaan Ee Lagu Dhisayo Xarumaha Danta Guud “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 55 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post
Wasiirka Caafimaadka Oo Ka War Bixisay Xaaladaha COVID19 Ee Dalka Laga Diiwaan Geliyay “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 55 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

August 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

August 18, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan...

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

August 18, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

August 18, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cumar Beerre iyo deegaannada ku hareereysan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In