Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso oo Daawo taariikhda S/guud Maxamed Cali Samatar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Akhriso oo Daawo taariikhda S/guud Maxamed Cali Samatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee debeda wax barasho u aadda, markay soo noqdeena iyagu dhisay ciidamadii qaranka,  21 Octoobar sanadkii 1969 wuxuu ka mid ahaa saraakiishii afgembiday dowladii ra’yidka ahayd.

S/guud Maxamed Cali Samatar wuxuuna ka mid noqday golihii sare ee kacaanka raggii ugu muhiimsanaa, waa kuwii ka dhigay Soomaaliya dowlad casri ah oo la jaanqaadda nidaamkii dowliga ahaa, wuxuu waqti dheer ka ahaa dowladii kacaanka madaxwayne ku xigeenka kowaad iyo wasiirka gaashaandhigga, ugu dambayntii wuxuu noqday ra’iisal wasaarihii dowladii kacaanka.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

S/Guud Maxamed Cali Samatar  wuxuu ahaa nin aad u furfur oo kasban kara qof kasta iyo bulsha kasta oo uu la kulmo, waana sarkaalkii ugu horeeysay ee Soomaali ah ee abid gaara derejada S/Guud, tan iyo derejooyinkaa sarsare ee uu gaaray S/Guud Samatar wuxuu ku gaaray aqoontiisa, xirfadiisa iyo kartidiisa uu u leeyahay shaqadiisa, wuxuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyay horumar kasta oo uu wadankeenu gaaray xilligaas, wuxuuna ahaa kii dhisay ciidankii ugu xoogga waynaa uguna tababarka fiicanaa Afrikada madow, taas oo uu ku mutaystay In loogu yeero General kii kowaad ee Afrika.

S/Guud Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa nin furfuran oo kasbada cid kasta oo ay kulmaan ama wada shaqayaan, taas ayaa waxa ay ka yeeshay nin ay aad u jecel yihiin dhamaan ciidamadii qaranka, ciidamada caadiga ahi waxay u jeclaayeen si aanay u jeclayn saraakiishii iyaga madaxda u ahayd markaas, taas oo had iyo jeer si xoog leh looga dareemi jiray ciidamada dhexdooda, sidoo kale wuxuu ahaa nin ay guud ahaan jecelaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar dhinac kasta oo laga eego wuxuu ahaa nin dhexdhexaad u ah ummadda Soomaaliyeed, hamigiisa keli ahina wuxuu ahaa siduu wadankiisa horumar u gaarsiin lahaa.

S/guud Maxamed Cali Samatar ayaa xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka iyadoo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed Cali Samatar.

maxamed cali samatar

Previous Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeridi ku timid S/guud Maxamed Cali Samatar

Next Post

Fadhiga baarlamanka oo maanta looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka

Next Post
Fadhiga baarlamanka oo maanta looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka

Fadhiga baarlamanka oo maanta looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In