Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Qaab dhismeedka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada” Xuska sanad guuradii 74-aad ee as’aaska Ciidanka Booliska oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Booliiska soomaaliyeed waa  ciidanka ugu faca weyn ciidamad qalabka ama sida kale haddaan u dhigno Waxaa lagu tilmaami karaa inuu yahay Curadka Ciidamada Qalabka sida, howshiisana ay har iyo habeen socoto oo aan nasasho lahayn, mar haddii loo igmaday nabadda dalka iyo dadka, waxayna u heellan yihiin ilaalinta sharciga dalka.

Waxaa la aasaasay 20,ka Desember 1943dii maantana waa sanad Guuradiisii 74aad, Sidaas awgeed waxaan Akhristeyaasheenna u soo bandhigeynaa Qaabdhismeedka Ciidaka Booliska Soomaaliyeed .

Related posts

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026
Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026

 Qaab dhismeedka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ciidanka Booliiska soomaaliyeed, wuxu leeyahay qaab dhismeed guud oo kala ah.

– Taliyaha – Taliye ku xigeenno – Hoggaano – Qeybo  – Saldhigyo- Laamo

Hoggaanada Ciidanka Booliiska:-

1- Hoggaanka Ciidanka,  2- Hoggaanka Maalyadda, 3- Hoggaanka Saadka

4- Hoggaanka Nabadgelyada waddooyinka, 5- Hoggaanka Tababarrada,

6- Hoggaanka Caafimaadka, 7- Hoggaanka Gaadiidka, 8- Hoggaanka ilaalinta  Canshuuraha, 9- Hoggaanka Isgaarsiinta,  10- Hoggaanka Dhismaha.

11- Hoggaanka Baarista Dembiyada ,  12- Hoggaanka Howlgelinta.

13- Hoggaanka siyaasadda,

Laamaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

1- Laanta Baarista Dembiyad 2- Laanta Canshuuraha,   3- Laanta Socotada.

4- Laanta Birmadka Booliiska.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuu  lahaa dugsiyo tababar iyo xarumo caafimaad waxaana ka mid ahaa:

Akadeemiyada Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waxaana hoos imaanayay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Beledweyne iyo Dugsiga Tababarka Gaadiidka ee Baydhabo.

Isbitaalka Madiina ee Booliiska Soomaaliyeed iyo Xarunta Agoonta Booliiska.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo saldhigyo booliis ku lahaa degmo kasta oo ka mid ah Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda  Soomaaliya iyadoo Tuulooyinkana  ay ku lahaayeen Rugo Booliis, gaar ahaan kuwa ku yaalla Xudduudaha aan la wadaagno Dalalka Deriska ah.

Ciidanka Booliska soomaaliyeed, wuxuu ka soo qeyb qaatay dagaalladii dalka lagu difaacayay , waxaana u dheer  gudashada wajibaadka sugidda ammniga gudaha iyo u adeegidda bulshada taasina waa midda ka dhigtay Booliiska in loogu yeero saaxiibka bulshada.

Sanadguuradaan 74aad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxay ku soo beegantay  Xilli ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay ka muuqato tayo sare oo dhan walba ah iyo in Ciidanku uu aad u xoojiyay xiriirkii Saaxiibnimo ee uu lahaa shacbiga Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

R/wasaare Khayrre ”Waxaan xoogga saareynaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka”

Next Post
R/wasaare Khayrre ”Waxaan xoogga saareynaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka”

R/wasaare Khayrre ”Waxaan xoogga saareynaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka"

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo kala jeeda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Waqooyi Bari...

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In