Saturday, June 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso qeybtii 3aad Wareysigii Safiirkii Turkiga Soomaaliya uu siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA

caqiil by caqiil
September 29, 2017
in Wararka
0
Akhriso qeybtii 3aad Wareysigii Safiirkii Turkiga Soomaaliya uu siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka ee  SONNA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Olgan Baker oo ah Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA,waxaa uu kaga hadlay arrimo ay kamid tahay  Isbedelada dhinaca Amniga ee Soomaaliya ka dhacay, isagoo si weyn u amaanay Ciidamada Qaranka uu sheegay inay ka guuleysteen Aragagxisada aan dooneyn in dadka Soomaaliyeed ay nabad ku noolaadaan.

“Aniga waxaan ogahay in Isbedelo waa weyn oo dhanka amniga ah ay dhaceen, Sanadihii 2011, 2012, 2013 iyo hada Farqi weyn ayaa u dhaxeeya, waxaana la joogaa xilli hada meel kasta la mari karo, Tusaale waxaa kugu filan aniga hada iyadoo Habeen ay tahay ayaan joogaa meel ka baxsan Xafiiskeyga, waa la socon karaa waliba meeshii aad doonto ayaad nabad galyo ku tagi kartaa, waxaa la gaaray xiligii la maalgashan lahaa Soomaaliya mar haday dhaceen isbedelo dhab ah oo dhanka amniga ah, Siyaasiyiinta iyo dowlada waxaan ka sugeynaa inay ku dadaalaan Amniga, Dhaqaalaha, Wadajirka Soomaaliya, intaas ayaa ugu muhiimsan.

Related posts

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025

Amniga iyo Siyaasada in laga saxo Soomaaliya ayuu Safiirka ku sheegay in Gacan laxaad leh ay geysan karto Hormarka la doonayo in la gaaro, wuxuuna sheegay in Siyaasada ay door weyn ka qaadaneyso dib u soo kabashada Soomaaliya, waxaana dhibaatooyinka jira looga bixi karaa ayuu yiri in shaqo abuur la sameeyo, waxaana markaas imaan doonaa dakhli dalka uu ku gaari karo isku filnaasho.

Olgan Baker oo ah Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa ka hadlay Heshiiska Wada shaqeynta ee hore ay u kala saxiixdeen Wakaalada SONNA iyo Wakaalada qaranka Turkiga ee Anadolu wuxuuna yiri

“Heshiiskaasi waxaa la saxiixay sanadkii la soo dhaafay Bishii Lexaad Sedexdeeda markii uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho ku yimid Soomaaliya, waxaa jiray Heshiisyo badan oo xiligaas la saxiixay, hadii ay ahaan laheyd Beeraha iyo Qorsheynta, ujeedada aan leenahay waa inaan tayeynaa Xarumaha aan Heshiisyada la galnay, si ay u badato Wada shaqeynta Dowlada Turkiga, Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Soomaaliya, waxaan hubaa Muddooyinka soo socda in la dardar galin doono dhaqan galinta heshiiskaasi” ayuu yiri Olgan Baker.

Sidoo kale Danjiraha Turkiga ayaa wax laga weydiiyay Isbedelka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya kaalintee uu ku leeyahay Turkiga? Wuxuuna sheegay in doorkooda uu cad yahay isla markaana ay dhinac kasta ka garab istaagayaan Soomaaliya.

“Sidaad og tihiin sanadkii 2011 ayuu Tukriga Soomaaliya yimid markaas oo kaalin muhiim ah uu ka qaatay dhanka Bini’aadannimada, Dhaqaalaha iyo Siyaasada, Mashruucyo waa weyn ayaan ka wadnaa Soomaaliya haday noqon laheyd Amniga, Siyaasada iyo Caafimaadka, Sidoo kale waxaan ku dadaaleynaa in la gaaro heer qof kasta oo Soomaali ah uu dabooli karo Baahidiisa maalmeed, sidoo kale waxaa jira Mashruucyo badan oo aan Soomaaliya ugu tala galnay, Ujeedadeena ugu weyn waa in Soomaaliya ay noqoto Dal isku filan, Qalalaasihii dalka ka dhacay sidii looga soo kaban lahaa ayaan ku dadaaleynaa, mar kale waxaan isku dayeynaa in Soomaaliya ay noqoto dal aan u baahan deeq shisheeya”ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Previous Post

DEG DEG: Taliyaha Guud ee CiidanTurkiga oo goor dhow Muqdisho soo gaarey

Next Post

Dhageyso: Barnaamijka Kulanka todobaadka

Next Post
Dhageyso: Barnaamijka Kulanka todobaadka

Dhageyso: Barnaamijka Kulanka todobaadka

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo...

Boqorka dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay boqorka dalkaasi

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHIO: Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalalka Scandanevian-ka Danjire Cabdikariim Axmed Maxamed ayaa warqadihiisa aqoonsiga waxaa ka guddoomay...

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen? Waxay arkeen dhulka badda ka hooseeya sida u dhisan yahay –...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In