Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Akhriso shaxda tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka iyo sharuucdiisa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka, Xulashada
0
Akhriso shaxda tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka iyo sharuucdiisa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akhristayaasha sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka wareegiisa koowaad iyo sharciyada looga baahanyahay in tartame kasta looga baahanyahay in uu raaco.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
 Jadwalka isku aadka Tarta-cilmiyeedka Ramadaanka ee 2017

————————————————————————————————————-

Wareegga 1-aad

Taariikhda Magaca degmada Vs Magaca Degmada Natiijada
         
Ramadaan 1 W/Nabadda/G. Banaadir Vs Xudur / G. Bakool  
Ramadaan 2 Baladweyne / G. Hiiraan Vs Jowhar / G. Sh. Dhexe  
Ramadaan 3 Waaberi / G. Banaadir Vs Shangaani / G. Banaadir  
Ramadaan 4 Boondheere /G.Banaadir Vs Gaalkacyo /Gobolka Mudug  
Ramadaan 5 Dhahar / G. Sanaag Vs Dhusamareeb / Galguduud  
Ramadaan 6 Kaxda / G. Banaadir Vs X/Weyne/ G. Banaadir  
Ramadaan 7 Boosaaso / G. Bari Vs Kaaraan / G. Banaadir  
Ramadaan 8 Dharkenley/ G. Banaadir Vs Kismaayo / G. J/Hoose  
Ramadaan 9 X/Jajab / G. Banaadir Vs Wadajir / G. Banaadir  
Ramadaan 10 Garbahaarey / G. Gedo Vs Hodan / G. Banaadir  
Ramadaan 11 Garowe / G. Nugaal Vs Huruwaa / G. Banaadir  
Ramadaan 12 Shibis / G. Banaadir Vs Dayniile / G. Banaadir  
Ramadaan 13 H/Wadaag  G. Banaadir Vs C/casiis / G. Banaadir  
Ramadaan 14 Yaqshiid / G. Banaadir Vs  Baydhaba / G. Bay  

 

Kan sharuucda tartanka 

Jamhuuriyadda Federalka  Soomaaliya

Wasaaradda Warfaafinta,

 

Xafiiska Agaasimaha Warbaahinta

XEERKA TARTAN CILMIYEEDKA WARBAAHINTA QARANKA SOOMAALIYEED

 

Radio Muqdisho iyo SNTV waxa ay siwadajir ah u billaabayaan Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay ka qeybgalayaan 28 degmo oo ka tirsan Gobollada dalka.

Barnaamijkan,  waxaa gabagabadiisa lagu bixin doonaa abaalmarin lacageed iyo koobab, waana sannadkii 6-aad oo aan Qabano tartankan, iyadoo sannadkii saddexaad oo xiriir ah uu maal-gelinayo maamulka gobolka Banaadir.

Tartan Cilmiyeedkan wuxuu si toos ah uga bixi doonaa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Telefashinka Qaranka SNTV, halka akhristayaasheena ay ka daalacan karaan Webpage-ka radiomuqdisho.so iyo sntvnews.com

Qeybta hoose ka akhri Xeerka Tartanka.

XeerkaTartanka.

1-  Degmo kasta waa in ay ilaalisaa waqtiga tartanka.

  • Degmadu waa in ay xaqiijiso diyaar-garowgeeda tartanka maalin ka hor xilliga uu dhacayo.
  • Waa in ay tartamayaashu diyaar ku ahaadaan goobta iyo khadka ay barnaamijka uga qeyb galayaan ugu dambeyn 30 daqiiqo ka hor xilliga tartanka uu billaabanayo oo ah 9:30 Habeennimo.

2-    Degmadii maqnaata xilliga tartanka cudurdaar la’aan waxay la mid tahay iyadoo laga badiyay ama (Forfeit) dhibcaha ku weysay.

3-    Tartamayaasha waa in ay u tartamaan si asluubleh.

  • Kooxdii loo arko iney ku sifowday akhlaaq-darro, Guddiga tartanka ayaa go’aan ka qaadan doona.

4-    Degmadii akhlaaq wanaag muujisa waxay heli doontaa abaalmarin gaar ah.

5-    Tartamayaashii wax tabanaya waxay cabashadooda soo gudbinayaan inta tartanka lagu guda jiro, Ma jirto cabasho la dhageysan doono maalinta kale.

6-    Su’aalaha loogu talo galay tartanka habeen kasta waa 14 , tartame kastana waxaa la waydiinayaa 7 su’aal, waana la badin karaa haddii ay tartamayaashu kala adkaan waayaan.

7-    Tartame kasta waxaa su’aasha loogu celinayaa Saddex Jeer.

8-    Waqtiga su’aasha looga jawaabayo waa haldaqiiqo iyo bar ama (90 Second).

9-    Xilliga Jawaab bixinta, Tartamayaashawaxaa loo yeerayaa 3 jeer oo kaliya.

10-  Jawaab kasta oo dhammeystiran waxaa lagu helayaa labo dhibcood.

11-  Jawaab aan dhammeys-tirnayn laguma helayo wax dhibco ah.

12-  Haddii ay su’aashu soo dhaaftoTartamayaashii la waydiiyay waxaa si ka faa’iideysi ah loogu gudbinayaa kooxda kale.

13- Ka faa’iideysigu ma laha wax waqti ah iyo ku celin toona.

14- Haddii labada kooxoodba ka jawaabi waayaan su’aasha waxaa ka jawaabaya GuddigaTartanka.

15- Jawaabta la qaadanayo waa tan uu bixiyo afhayeenka tartamayaashu soo wakiishaan, khalad iyo sax wixii ay noqotaba.

16- Su’aalaha la waydiinayo tartamayaasha waxay noqon doonaan Kuwo isu dhigma.

17-Waxaa mamnuuc ah in qof uu labo degmo u tartamo.

18-Haddii mid ka mid ah degmooyinka tartamaya uu telefoonku kago’o ama ay si ulakac ah u gooyaan ,

guddiga garsoorka tartanku waxa ay xaq u leeyihiin:

  • In ay su’aasha baddelaan.
  • In ay isla su’aashii waydiiyaan.
  • Qasab ma ahan in su’aashadambe la mid ahaato su’aashii hore.

18-  Natiijadarasmiga ah ee tartan kasta waa midka uu kudhawaaqo Guddiga marka tartanka la soo gabagabeeyo habeen kasta.

19- Tartamayaasha waa iney ku sugnaadaan gudaha degmada ay matalayaan.

  • Tartamihii lagu helo inuu meel kale ka tartamayo guddiga wuxuu xaq u leeyahay inuu ka saaro madasha tartanka.

20- Guddiga Tartanka wuxuu ka digayaa wixii anshax xumo ah ee tartanka wax u dhimaya, sida khishka, laaluusha iwm, Tartamayaashii lagu helo waxyaabahaas ama wax u dhigma Guddiga wuxuu ka qaadanayaa go’aan adag.

Hadaba halkan ka degso

JADWALKA ISKU-AADKAN-TARTAN-CILMIYEEDKA RAMADAANKA-2017 SAX

SHARCIYADA-TARTAN-CILMIYEEDKA BISHA RAMADAAN EE RM & SNTV 2017

 

 

Previous Post

Olole Nadaafadeed oo ay hor kacayaan Madaxda Qaranka oo ka bilowday Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Dhallinyarada oo wadda kulamo looga tashanayo siyaasadda dhallinyarada Qaranka

Next Post

Wasaaradda Dhallinyarada oo wadda kulamo looga tashanayo siyaasadda dhallinyarada Qaranka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In