Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Taariikh Nololeedka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo kooban

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 15, 2019
in Wararka
0
Akhriso: Taariikh Nololeedka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo kooban
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

AKHRISO TAARIIKH NOLOLEEDKA DR. NUUR DIIRIYE XIRSI (FUURSADE) OO KOOBAN:

 

▪ Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) Wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1952-dii.

▪ Waxbarashada Dugsiga Hoose iyo barasha Qur’aanka wuxuu ku qaatay isla Beledweyn.

▪ Waxbarashada Dhexe iyo Sare wuxuu ku qaatay Dugsiyada Bartamaha iyo Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho.

▪ Shahaadada Koowaad ee Jaamacadda wuxuu ka qaatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed isagaa kamid aha dufcaddii ugu horreysay ee Kulliyadda Injineeriyada.

▪ Shahaadada labaad (Masters) iyo Phd wuxuu ka qaatay Jaamacadda Misouri (USA) sanadihii 1983 ilaa 1987 sida ay u kala horreeyaan.

▪ Wuxuu taniyo 1978-dii Bare-kaaliye, Bare, Bare Sare iyo Professor ka noqday jaamacado iyo Macaahid kala duwan oo ay kamid yihiin Jaamacadda Ummadda (Soomaaliya), Jaamacadda Missouri (USA), Jaamacadda UAE ee Al Ceyn (Isu-tagga Imaaraadka Carabta) iyo Koleejka Seneca (Canada).

▪ Wuxuu intii u dhaxaysay 1987-2017 talo-bixin iyo tababarro ku saabsan culuumta kumbiyuutarka, Dad dhigista (Data-base) iyo barnaamijyada la xiriira teknoolajiyadda siiyay shirkado gaar loo leeyahay iyo Jaamacado ku yaalla dalalka Mareykanka, Canada, UAE iyo Soomaaliya.

▪ Sanadkii 2017 ilaa iyo hadda wuxuu qeyb ka ahaa Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo loo magacaabay La-taliyaha dhanka Istiraatiijiyadda.

▪ Waxyaabihii uu ka shaqeeyay waxaa kamid ahaa Mashruuca Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ay gacan ka geysanayaan Dowladda Baakistaan iyo Bankiga Adduunka kaas oo ay haatan dhammeystirkiisa ka shaqeynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

▪ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka May, 2019 waxa uu u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS

Next Post

Taliska booliska oo shaaciyay in gacanta lagu dhigay eedeysane lagu tuhmayo bixinta imtixaankii shahaadiga “Dhageyso”

Next Post
Askar loo soo xiray dilkii loo geystay gabar ardayad ah “Dhageyso”

Taliska booliska oo shaaciyay in gacanta lagu dhigay eedeysane lagu tuhmayo bixinta imtixaankii shahaadiga "Dhageyso"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In