Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Taariikh nololeedka Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marxuum Nuur Cade

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka oo ka tacsiyadeeyay geerida Nuur Cadde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Brussels ee dalka Belgiumka ayaa sharaxaad ka bixiyay taariikhda alla ha u naxriistee raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

Ali Mohamed ABUKAR (Ali Wolf)  ahna La-taliyaha Koowaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels (Belgium)  ayaa si faah faahsan uga hadlay taariikh nololeedka raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cade).

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Halkan hoos ka akhriso taariikh nololeedkiisa  qoraal ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ee Dalka Belgiumka. 

                                            بسم الله الرحمن الرحيم

                                                 TACSI

Anigoo  ah Ali Mohamed ABUKAR (Ali Wolf)  ahna La-taliyaha Koowaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels (Belgium)  oo ku hadlaya magaceyga iyo magaca Safaaraddaba waxaan halkaan ugu tacsiyadeynayaa maanta oo Arbaca ah, Taariikhduna tahay 01/04/2020 dhammaan Ummadda Somaaliyeed meelwalboo ay ku sugan yihiin, geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Ilaahey ha u naxariistee Danjire Nuur Xasan Xusseen “Nuur Cadde” oo uu maanta Allah ku oofsaday isbitaal ku yaalla magaalada London (UK) isagoo u geeriyooday cudurka adduunyada ku faafay ee loo yaqaano Coronavirus oo uu muddo todobaad ka badan ugu jiray isbitaalkaas.

Marxuum Danjire Nuur Cadde, wuxuu ku dhashay magaalada Moqdisho, dalka Soomaaliya, sannadkii 1938.

Wuxuu ahaa Mas’uul jagoojin sare oo kala duwan u soo qabtay dalkiisa iyo dadkiisa.

Sidaas darted, waxaan u daayay dadka kale ee iiga sii xogoggaalsan taariikh nololeedkiisa wixii ka horreeyay intuusan noqon Safiirkii ugu horreeyay ee dib loogu soo magacaabo Safaarada hoos ku qoran.

Run ahaantii, Marxuumku wuxuu ku guuleystay inuu dib u furo Xafiisyadii Safaaradaha Soomaaliya ee Roma iyo Brussels oo muddu 20 sano ku dhaw aad ah lbaabada leyskugu dhiftay. Waxaana soo magacaabay Dowladdii Ku-meelgaarka ahayd ee Madaxweyne     Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Marxuumku wuxuu muddo 4 sano ah (Sebtember 2009  ilaa iyo  Sebtember 2013) isku haayay Safaaradda Talyaaniga iyo Safaaradda Beljamka isagoo isla markaasna ahaa Madaxa Ergeyada Dibloomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Midowga Yurub.

Allaha u naxariistee, wuxuu ahaa shakhsi , islaweynin aan ku jirin, aad u karti badan, hal abuur leh, dadaal badan, aragti dheer adkeysigiisuna aad u badan yahay.

Run ahaantii, waxaan kaloo lagamamaarmaan inaan xuso waxyaabihii aan ka dhaxlay oo aan la soo koobi Karin sida dulqaadka faraha badan,  waayaargnimadiisa dhaxalgalka ah, foojignaantiisa joogtada ah, neceebka qabyaaladda iyo hoggaaminta tuusan iwm

Marxuumku wuxuu ka baxay Kuliyadda Sharciga oo ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliya iyo Academiyaal sarsare oo dalka dibaddiisa ah, wuxuuna si fiican ugu hadli jiray afafka Soomaaliga, Talyaaniga iyo Ingiriiska.

انا لله وانا اليه راجعون.

Waxaan marxuumka Allah uga baryayaa inuu qabrigiisa waasic uga dhigo, u iftiimiyo una udgooneeyo. Sidoo kale waxaan ugu doceynayaa inuu Allah Su’aasha iyo siraadkana u fududeeyo, dambigiisa cafiyo Jannadiisa Firdowsana ka waraabiyo.

Waxaan kaloo u rajeynayaa Ummadda Soomaaliyeed meelwalbo ay joogaan  inuu Allah samir iyo iiman suubban ka siiyo, gaar ahaan Xaaskiisa, Caruurtiisa,  Qaraabdiisa iyo Assaxaabtiisa.

Ugu dambeyntii, waxaan ka codsanayaa dhammaan cid allaale ciddii  ay wadashaqeyn dhex martay Marxuum Nuur Xassan Xussein inuu iska cafiyo una doceeyo, Ajir iyo Xasanaad aan la soo koobi Karin Allaha  ka siiyee.

Ali Mohamed ABUKAR

La-taliyaha Koowaad ahna Sii-hayaha

Source: SONNA

Previous Post

Ciidamado ka tirsan daraawiishta Puntland oo tababar loo soo xiray “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga-Wadajirka ee diyaarinta xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo hakiyay shaqadooda “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga-Wadajirka ee diyaarinta xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo hakiyay shaqadooda “SAWIRRO”

Guddiga-Wadajirka ee diyaarinta xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo hakiyay shaqadooda “SAWIRRO”

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In