Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Akhriso: Taariikh nololeedkii Korneyl Cabdiladiif Feyfle oo lagu dilay dagaalka Guriceel

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Maqaallo, Wararka, Xulashada
0
Akhriso: Taariikh nololeedkii Korneyl Cabdiladiif Feyfle oo lagu dilay dagaalka Guriceel
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow {Feyfle} Taliyihii ururka 6-aad, guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab, waxuu ka mid noqday tobanaankii qof ee naftooda ku waayey dagaalka maalmahaan ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Waayihiisii nolosha Korneyl Feyfle Waxaa uu ahaa halgamaa ay cadawtinimada iyo arxan darrada Al-Shabaab ay ku kaliftay inuu ka haajiro dadkii iyo deegaankiisii.

Related posts

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026

Sanadkii 1981-kii ayuu ku dhashay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxuuna barbaarintiisii ugu badneyd ku qaatay deegaan lagu magacaabo Dumaaye oo hoos taga Xarardheere, halkaas oo dugsiga sare uu uga baxay sanadkii 1998-kii.

Waxuu ahaa xerow aad u bartay culuumta diinta Islaamka iyo maadiga intaba waxuu noloshiisa inta ugu badan ku soo qaatay degmada Xaradheere ee Koofurta gobolka Mudug iyo deegaanada hoos taga.

Bilowgii Sanadkii 2008-dii xilli ay argagixisadu tabar heysay ayuu Feyfle ka hor yimid xukunkooda guracan, weliba isagoo degganaa magaalada Xarardheere oo ay argagixisadu maamuleysay.

Xarardheere ayuu ka abaabulay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo xiligaas maamuleysay inta badan koonfurta iyo bartamaha dalka,dagaal ka dib Isaga iyo dhowr wadaad ayaa u baxsaday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dhowr bilood ay ku noolaayeen.

Isla sanadkii 2008-dii Allaha u naxariistee Feyfle waxuu safka hore ka galay dagaalkii Culumada  Ahlu-Sunna Waljamaaca ay gobollada dhexe uga xoreysay arxan laawayaasha ,dhowr jeer ayuu ku dhaawacmay dagaaladii adkaa ee kooxda looga saaray Gurceel iyo Dhuusamareeb.

Wixii ka dambeeyey sanadkii 2010-kii waxuu u soo wareegay oo uu ku biiray ciidanka xoogga dalka waxaana uu ku haminayay in mar un lagu dhaqaaqo xoreynta magaaladiisii cadawgu ka soo hayaamiyay  ee Xaradheere.

Sanadihii 2012-kii ilaa 2013-kii waxuu ka mid noqday ciidankii ugu horeeyey ee lagu xareeyay saldhigga Balidoogle ee Shabeellada Hoose kuwaa oo Mareykanku tababaray, sidaas ayuuna qeyb uga noqday aas-aaskii ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab.

Gudaha Danab waxaa looga xushay sarkaal qaabilsan wacyi-gelinta ciidanka, maadaama uu ahaa nin aad u yaqaanna diinta islaamka kuna xeeldheeraa naqdinta fikirrada guracan ee argagixisada.

Bilowgii sanadkaan 2021 ayaa loo magacaabay Taliyaha ururka 6-aad ee kumaandooska Danab oo ka howlgala gobollada Mudug iyo Galgaduud, kadib markii bishii December ee sanadkii hore qarax lagu dilay saraakiil uu ku jiray taliyihii ururka 6-aad ee Danab Allaha u naxariistee Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan.

Markii uu tegay Mudug oo hoggaanka Danab uu la wareegay, isagoo kaashanaya madaxda dowlad goboleedka Galmudug, waxaa uu juhdi badan galiyay in gacanta lagu dhigo magaaladii uu ku dhashay ee Xarardheere oo cadawgu uu la haray umase suura galin in magaaladii la qabto.

23-kii bishaan October oo ah maalinkii koowaad ee dagaalku ka qarxay magaalada Guriceel ayuu ku dhaawacmay dagaal si kadis ah uga bilaawday goob ay ku sugnaayeen isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Qaranka.

Dhaawaciisa ayaa loo qaaday Dhuusamareeb, balse waxaa uu geeriyooday intii loo sii waday isbitaalka, Axadii shalay ayaana meydkiisa lagu aasay qabuuro ku yaalla Dhuusamareeb.

Allaha u naxariistee Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow {Feyfle} waxaa uu ku  geeriyooday da’aada 40 sano jir, waxaana uu ifka uga tagay 3-xaas iyo dhowr iyo toban caruur ah.

 

Innaa lillaahi Wa innaa ilaahi Raajicuun

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo boggaadiyay doorashada golaha deegaanka Puntland

Next Post

The polling stations in Qardho, Ufeyn and Eyl districts opened at 6:00AM

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo boggaadiyay doorashada golaha deegaanka Puntland

The polling stations in Qardho, Ufeyn and Eyl districts opened at 6:00AM

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In