Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

(AKHRISO) Taariikhda Wasiirradda cusub ee Maanta la magacaabay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
(AKHRISO) Taariikhda Wasiirradda cusub ee Maanta la magacaabay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda  Soomaaliya ee cusub Mudane Axmed Ciise Cawad,  waxa uu dhashay sannadkii 1955-tii heerarkiisa waxbarasho ayaa kala ahaa, waxbarashada koowaad ee Jaamacadda waxa uu ku qaatay Concordia University Montreal, waxbarashada Master-ka ayuu ku diyaariyey Institute of peace and Security ee dalka Ethiopia.

Mar Cawad ayaa diyaariyey Shahaadada PHD Candidate Sudan, gaar ahaan Jaamacadda Sudan University Of Science and Technology.

Related posts

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026

Shaqooyinka Ambassador Cawad

Waxa uu soo noqdey Sargaal ka tirsan Qaramada Midoobey sannadihii 2005-tii ilaa 2015-kii dhammaadkeeda, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyey Dalka Suudaan, isagoo ka mid ahaa saraakiishii loo diray gobolka Darfur.

Sannadkii 2016-kii wixii ka dambeeyey waxa uu ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Mareykanka.

4-ta Jannaayo ayaa loo magcaabay wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad kaddib wareegto ka soo baxdey xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Taariikhda wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu ku dhashay degmadda Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud sannadkii 1957-dii, Waxbarashadiisa dhexe iyo sare waxa uu ku soo qaatay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, waxa uu ka baxay Jaamacadda Gaheyr, shahaadada Master-ka ayuu ka diyaariyey Newcastle University ee dalka Uk.

Shaqooyinka

Waxa uu ka soo shaqeeyey Mr Sabriye Sideed tameeyadii Wasaaraddii Howlaha Guud iyo Wakaaladdii Hindisaha Qaranka, 1994-tii waxa uu ka soo shaqeeyey Waaxda Bey’ada ee ururka Midowga Africa, xaruntiisu tahay Addis Ababa iyo hey’adda Q.M u qaabilsan horumarinta ee UNDP.

4-ta Jannaayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u magcaabay wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Taariikhda Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) waxa uu dhashay sannadkii 1970-kii, waxa uu ku dhashay magaalada Caynaba ee gobolka Togdheer.

Waxbarashadiisa

Waxbarashadiisa dhexe iyo sare waxa uu ku qaatay magaaladda Muqdisho, waxa uu heystaa Shahaadada Master-ka oo uu ka diyaariyey Bussinse Administration, sidoo kale waxa uu heystaa Diploma Political Science iyo Diploma Bussinse Accouting, sidoo kale waa qoraa,  buugaagta uu qoray waxaa ugu caansan, buugga weyn ee uu ka uruuriyey shuruucdii Soomaaliya ee lagu magcaabo Fundamintal Laws and Ragultion Somalia Since 1960-kii waa magaca buugga uu qoray.

shaqooyinka

Siyaasadda Soomaaliya waxa uu ku soo biiray sannadkii 2000, oo uu noqdey xildhibaannadii Barlamaankii KMG ee lagu dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, ilaa hadda waa mudane ka tirsan golaha shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu soo noqdey wasiirkii warfaafinta sannadkii 2005-2007, sidoo kale waxa uu noqdey wasiirkii dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, waxa uu noqdey wasiirkii Shaqada, shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada 2009-2010- kii, waxa uu mar kale noqdey wasiirkii Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska 2015-

2017-kii bilowgeedii.

4-ta Jannaayo waxaa loo magcaabay wasiirka Ganacsiga iyo Warshadahada Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)

Previous Post

Guddoomiye Jawaari oo kullan dhiira gelin ah la qaatay howlwadeenada Golaha shacabka

Next Post

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo soo gaba-gabeeyey Socdaal uu ku marayey Goboladda Sool iyo Sanaag

Next Post
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo soo gaba-gabeeyey Socdaal uu ku marayey Goboladda Sool iyo Sanaag

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo soo gaba-gabeeyey Socdaal uu ku marayey Goboladda Sool iyo Sanaag

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In