Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

(AKHRISO) Taariikhda Wasiirradda cusub ee Maanta la magacaabay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
(AKHRISO) Taariikhda Wasiirradda cusub ee Maanta la magacaabay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda  Soomaaliya ee cusub Mudane Axmed Ciise Cawad,  waxa uu dhashay sannadkii 1955-tii heerarkiisa waxbarasho ayaa kala ahaa, waxbarashada koowaad ee Jaamacadda waxa uu ku qaatay Concordia University Montreal, waxbarashada Master-ka ayuu ku diyaariyey Institute of peace and Security ee dalka Ethiopia.

Mar Cawad ayaa diyaariyey Shahaadada PHD Candidate Sudan, gaar ahaan Jaamacadda Sudan University Of Science and Technology.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026

Shaqooyinka Ambassador Cawad

Waxa uu soo noqdey Sargaal ka tirsan Qaramada Midoobey sannadihii 2005-tii ilaa 2015-kii dhammaadkeeda, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyey Dalka Suudaan, isagoo ka mid ahaa saraakiishii loo diray gobolka Darfur.

Sannadkii 2016-kii wixii ka dambeeyey waxa uu ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Mareykanka.

4-ta Jannaayo ayaa loo magcaabay wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad kaddib wareegto ka soo baxdey xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Taariikhda wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu ku dhashay degmadda Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud sannadkii 1957-dii, Waxbarashadiisa dhexe iyo sare waxa uu ku soo qaatay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, waxa uu ka baxay Jaamacadda Gaheyr, shahaadada Master-ka ayuu ka diyaariyey Newcastle University ee dalka Uk.

Shaqooyinka

Waxa uu ka soo shaqeeyey Mr Sabriye Sideed tameeyadii Wasaaraddii Howlaha Guud iyo Wakaaladdii Hindisaha Qaranka, 1994-tii waxa uu ka soo shaqeeyey Waaxda Bey’ada ee ururka Midowga Africa, xaruntiisu tahay Addis Ababa iyo hey’adda Q.M u qaabilsan horumarinta ee UNDP.

4-ta Jannaayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u magcaabay wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Taariikhda Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) waxa uu dhashay sannadkii 1970-kii, waxa uu ku dhashay magaalada Caynaba ee gobolka Togdheer.

Waxbarashadiisa

Waxbarashadiisa dhexe iyo sare waxa uu ku qaatay magaaladda Muqdisho, waxa uu heystaa Shahaadada Master-ka oo uu ka diyaariyey Bussinse Administration, sidoo kale waxa uu heystaa Diploma Political Science iyo Diploma Bussinse Accouting, sidoo kale waa qoraa,  buugaagta uu qoray waxaa ugu caansan, buugga weyn ee uu ka uruuriyey shuruucdii Soomaaliya ee lagu magcaabo Fundamintal Laws and Ragultion Somalia Since 1960-kii waa magaca buugga uu qoray.

shaqooyinka

Siyaasadda Soomaaliya waxa uu ku soo biiray sannadkii 2000, oo uu noqdey xildhibaannadii Barlamaankii KMG ee lagu dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, ilaa hadda waa mudane ka tirsan golaha shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu soo noqdey wasiirkii warfaafinta sannadkii 2005-2007, sidoo kale waxa uu noqdey wasiirkii dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, waxa uu noqdey wasiirkii Shaqada, shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada 2009-2010- kii, waxa uu mar kale noqdey wasiirkii Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska 2015-

2017-kii bilowgeedii.

4-ta Jannaayo waxaa loo magcaabay wasiirka Ganacsiga iyo Warshadahada Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)

Previous Post

Guddoomiye Jawaari oo kullan dhiira gelin ah la qaatay howlwadeenada Golaha shacabka

Next Post

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo soo gaba-gabeeyey Socdaal uu ku marayey Goboladda Sool iyo Sanaag

Next Post
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo soo gaba-gabeeyey Socdaal uu ku marayey Goboladda Sool iyo Sanaag

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo soo gaba-gabeeyey Socdaal uu ku marayey Goboladda Sool iyo Sanaag

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In