Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan oo caawa Shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho, ayaa ka warbixiyey Natiijada Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare dalka ee Sanad dugsiyeedka 2017-2018.
Wasiirka, ayaa sheegay Sanadkaan Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka in ay u fariisteen 25,675 oo isugu jira 16,552 Wiil iyo 9,123 Gabdhood, isaggoo xusay in tirada Imtixaanka ka gudubtay ay tahay 20,030 Arday.
Wasiirka, ayaa xusay in Imtixaanka lagu qabtay 92 Xarumood oo Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ku yaalla, waxaana uu u mahad celiyey dhammaan intii gacan ka geeysatay qabsoomida Imtixaanka oo ay ugu horreeyaan Madaxda Qaranka.
Halkaan Hoose ka Akhriso Tobanka Arday ee Ugu Sarreysa Imtixaanka
Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in Jaamacadaha dalka ay door weyn ka qaateen Horumarka Waxbarashada dalka, islamarkaana ay socoto Nidaamkii lagu qiimeynayey, waxaana uu intaasi ku daray in hadalkiisa ahaa aqoonsiga Jaamacadaha si qaldan loo turjumay.