Tuesday, May 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso War-murtiyeed wadajir ah Soomaaliya iyo Burundi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 15, 2023
in Wararka
0
Akhriso War-murtiyeed wadajir ah Soomaaliya iyo Burundi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1. Casuumaad uu fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye, sidoo kalena ah Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku soo gaaray dalkan, 15ka Noofambar 2023.

2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaaminaya wafdi ka kooban Wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

May 19, 2025
Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

May 19, 2025

3. Markii uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Melchior Ndadaye ee magaalada Bujumbura Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Danjire Albert Shinjiro, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirro iyo Madax sare oo ka tirsan Dowladda Burundi.

4. Gelinkii dambe, waxa ay si saaxiibtinimo leh labada Madaxweyne u yeesheen kulan fool-ka-fool ah, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee adag ee aan ku koobneyn labada dawladood oo keliya, balse sidoo kale ka dhexeeya labada shacab ee Burundi iyo Soomaaliya.

5. Labada Madaxweyne waxay dib u eegis ku sameeyeen heerka iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal, waxayna  adkeeyeen baahida loo qabo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhow ee ku saleysan kalsoonida iyo danaha guud ee labada dowladood iyo shacab.

6. Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhiggiisa Burundi Madaxweyne Evariste Ndayishimiye ku ammaanay dadaalkiisa aan daalka lahayn ee uu gacanta kaga geysanayo dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyadoo loo sii marayo Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay bogaadiyeen Ciidanka Burundi, kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ee ku sugan furimaha ee la dagaallamaya kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab.

7. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kaloo ku ammaanay Madaxweyne Evariste Ndayishimiye doorka uu ka qaatay dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Kongo iyadoo loo sii marayo geeddisocodka Nairobi iyo sidoo kale doorka Burundi ee hawlgalka nabad ilaalinta ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

8. Mudane Evariste Ndayishimiye, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi wuxuu uga mahadceliyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya booqashada shaqo ee uu ku yimid Jamhuuriyadda Burundi, wuxuuna ku ammaanay dadaalladiisa aan daalka lahayn ee uu ugu jiro nabadda, amniga, dimuqraaddiyada iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9. Labada Madaxweyne waxay ammaaneen dhisidda Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC) si loo dajiyo qaab dhismeed iskaashi labo geesood ah oo u dhaxeeya labada dal, iskaashi dhinacyo badan taabanaya, sida ganacsiga iyo maalgelinta, dhisidda karaanka, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dalxiiska, gaashaandhigga iyo amniga, wada xaajoodyada siyaasadda, si looga faa’iideeyo labada dal iyo dadka ku nool.

10. Si loo sii xoojiyo, loo qoto dheereeyo isla markaasna loo dardargeliyo iskaashiga dhow ee u dhaxeeya labada dal, labada madaxweyne waxay hoosta ka xarriiqeeen baahida degdegga ah ee loo qabo in mustaqbalka dhow la qabto kulan uu yeesho Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC). Sidaas awgeed, waxay labada madaxweyne fareen Wasiirradooda Arrimaha Dibadda inay qabanqaabiyaan kulanka Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga labada dal.

11. Arimaha heerka gobol, labada madaxweyne waxay caddeeyeen sida ay uga go’an tahay ajandaha 2030 ee Qaramada Midoobay, ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, kan 2050 ee Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo hirgelinta Heshiiska Ganacsiga ee hal suuq loogu abuurayo ganacsiga iyo adeegyada waddamada qaaradda Afrika AfCFTA)

12. Labada Madaxweyne waxay xoojiyeen mudnaanta ay siinayaan arrimaha hortabinta u leh Dallada Bulshada Bariga Afrika EAC ee 2022-2026, kuwaas oo ay ka mid tahay, hirgelinta Kastamka mideysan (SCT), in waajibaadka heer gobol lagu saleeyo duruufaha maxaliga ah, si waafaqsan hab-raaca suuqa Mideysan ee dallada EAC, xoojinta nabadda, amniga, xasilloonida iyo maamul wanaag gobolka.

13. Labada dhinac waxay sidoo kale dib u eegid ku sameeyeen xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee wadajirka u saameynaya, oo ay ka mid yihiin xaaladaha Koongo DRC iyo Suudaan.  Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamku ee dadaallada heer gobol ee hadda socda kuwaas oo ku qotoma in xal siyaasadeed oo dhammaystiran laga gaaro xiisadda Koongo DRC si waafaqsan is afgaradyadii Nairobi iyo Luanda.

Arrimaha Suudaan, labada Hogaamiye waxay isla qaateen baahida degdega ah ee loo qabo in xabadda la joojiyo si loo fasaxo gargaarka bini’aadantinimo iyo in xal waara loogu helo colaadda Suudaan iyadoo loo marayo wadahadal iyo iskaashi.

14. Arrimaha Caalamiga ah, Labada Madaxweyne waxay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda amni ee adduunka ee ay ku soo badanayaan colaadaha tooska ah ee u dhexeeya Waddamada iyo Dagaallada dadban ee ka socda gobollo dhowr ah, waxayna ugu baaqeen dhammaan dalalka ay khusayso in ay adeegsadaan hannaan Diblomaasiyadeed oo ay ka mid tahay wada-hadal, gorgortan iyo iskaashi si xal nabadeed loogu helo caqabadaha amni ee soo wajaha adduunka xilligaan aadka u adag.

15. Labada Madaxweyne waxay kaloo adkeeyeen in la ixtiraamo Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah ee ku aaddan maaraynta colaahada hadda ka socda adduunka, waxayna Labada Madaxweyne baaq u direen dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha soo noqnoqday ee adduunku inay si degdeg ah u joojiyaan xabbadda si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan, loogana gudbo sababaha wiiqaya dadaallada horumarineed ee caalamiga ah.

16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagebadii safarkiisa shaqo waxa uu mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste NDAYISHIMIYE, Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi soo dhawaynta iyo maamuuska ay ku qaabileen isaga iyo weftigii uu hoggaaminayey ee soo gaaray Jamhuuriyadda Burundi.

 

Previous Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo gaaray Mahadaay

Next Post
Madaxweyne Cali Guudlaawe oo gaaray Mahadaay

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo gaaray Mahadaay

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

May 19, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir...

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

May 19, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

May 19, 2025
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In