Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

AKHRISO:- WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA AMNIGA QARANKA EE BAYDHABO

admin by admin
June 6, 2018
in Maqaallo, Wararka
0
AKHRISO:- WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA AMNIGA QARANKA EE BAYDHABO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baydhabo(SONNA):–Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo, 3-5 Juun 2018. Shirkaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa looga hadlay arrimaha Amniga Qaranka, waxaana shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa sidoo kale, shirka ka soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka 1aad ee Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Difaaca, La-taliyaha Amniga Qaranka, wasiirada dawlad goboleedyada, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.
Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo dhammaan shacabka Koonfur Galbeed oo si habsami leh u marti galiyay shirka. Goluhu wuxuu sidoo kale u mahad celinayaa ciidamada amniga Konfur Galbeed, XDS iyo AMISOM.

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

1. Arrimaha Amniga:

Goluhu markii uu dhageystay talooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Farsamada ee Amniga Qaranka, tix-galiyeenna aragtiyada iyo talooyinka ku saabsan amniga dalka, Goluhu wuxuu isku raacay qodobada hoos ku xusan:

1.1. Madax-bannaanida: Golaha Amniga Qaranku wuxuu adkeynayaa in midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

1.2. Ka hortagga khataraha: Golaha Amniga Qaranka markii uu dhegeystay khataraha amni ee ay argagixisadu ka geysanayaan dalka waxa uu adkeynayaa in la dardargeliyo qalabeynta iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, labada heer, lana siiyo tababarro iyo xirfado la xiriira qaababka looga hortagi karo falalka argagixisada.

1.3. Qorshaha Kala-guurka: Golaha Amniga Qaranka wuxuu ansixyey qorshaha kala-guurka (Transition plan), kaasoo loo arkay inuu yahay qorshe horseedaya in Soomaalidu hanato, kuna filnaato amnigeeda, iyada oo la raacayo tallaabooyinka soo socda;

1.3.1. In si wadajir ah looga mira dhaliyo fulinta wejiga koowaad ee qorshaha kala guurka oo dhigaya qaabka lagu hawlgalinayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Booliiska ee labada heer oo ay ka mid yihiin Daraawiishtu.

1.3.2. In ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed ay qeyb noqonayaan hawlgallada qorsheysan ee lagu furayo waddada muhiimka ah (MSR) ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo. Hawlgalkan waxaa doorka hoggaamineed qaadanaya Guddiga Amniga ee Koonfur Galbeed, waxayna ciidamada ka amar qaadanayaan Taliska Ciidamada Xoogga Dalka inta hawlgalkaas lagu jiro.

1.3.3. In Guddiga Qaran ee Isku-dhafka Ciidamada la yimaadaan muddo soddon (30) maalmood guduhood ah qorshe hawleedkooda.

1.3.4. In qorshaha kala guurku uu noqdo mid dhammeystiran oo ay ka mid yihiin dadaallada xasilinta, soo kabashada dhaqaalaha, sarreynta sharciga iyo caddaaladda.

1.4. Dhameystirka Qaab-dhismeedka Amniga: Goluhu waxa uu ansixiyay in muddo soddon (30) maalmood gudahood ah lagu hawlgeliyo Xafiisyada Aminga Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si loo dardargeliyo in Golaha Amniga Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Benaadir ay noqdaan kuwo waajibaadkooda shaqo gutaan.

1.5. Goluhu wuxuu isku raacay in muddo lixdan (60) maalmood gudahood ah guddiga farsamadu ay ku fuliyaan Qodobka 1.2 ee go’aankii 6-10ka bishii Febraayo 2018, kasoo qeexaya “Dawladda Federaalku waxay ka caawineysaa ciidamada Booliiska Dawlad-goboleedyada, oo ay ku jiraan Daraawiishtu (hub, saanad, agab ciidan, raashin, daawo, gunno, tababar iyo tayeyn) ee kala qeyb qaadan doona ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed hawlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.”Goluhu wuxuu ku boorrinayaa ummada Soomaaliyeed in ay u midoobaan la-dagaalanka argagixisada.

1.6. Goluhu wuxuu isla qaatay in Galmudug iyo Puntland, oo aysan joogin ciidamada AMISOM, laga caawiyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan Buuraha Galgala, deegaannada Bariga Fog iyo Koonfurta Galmudug, lagana taakuleeyo saddexda qaybood ee qorshaha kala guurka.

1.7. Goluhu wuxuu soo dhoweeyay isbeddellada wax ku oolka ah ee laga wado CXDS oo ay kamid yihin sida qaab-dhismeedka ciidanka, mideynta tababarka iyo hagaajinta anshaxa iyo adaabta ciidanka iyo sidookale qaabaynta hannaanka dallacsiinta saraakiisha iyo saraakiil xigeennada oo la waafajiyey sharciga dallacsiinta.

1.8. Goluhu wuxuu farayaa Guddiga Dib-u-habeynta Booliiska Federaalka ee hoos yimaada Wasaaradda Amniga Gudaha in ay kusoo dhameystiraan qaabka dib-u-habeynta Booliiska Federaalka muddo sagaashan (90) maalmood gudahood ah.

1.9. Goluhu wuxuu bogaadinayaa hawlgallada sugidda amniga Caasimadda iyo barnaamijka Derisaynta ee ka socda degmooyinka Gobolka Benaadir, wuxuuna qirayaa in degaanada ku dhow Caasimadda ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ay qeyb muhiim ah ka yihiin sugidda amniga Caasimadda.

2. Arrimaha Siyaasadda

Goluhu waxaa kale oo uu falanqeeyay qodobada soo socda:

¢ Habka Doorasho ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2020-ka.
¢ Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ah (Shidaalka iyo Macdanta).

2.1. Goluhu wuxuu bogaadinayaa waxqabadka Guddiga Wada-xaajoodka iyo Wasaaradaha ka shaqeeya Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay.

2.2. Goluhu wuxuu bogaadiyay horumarka laga sameeyay hawlaha la xiriira dib-ula-falgelidda hay’adaha dhaqaalaha adduunka, gaar ahaan wada shaqeynta ay Xukuumaddu la leedahay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka (World Bank) oo uu Goluhu dhiirrigelinayo in lasii adkeeyo wada shaqeyntaas, si wadajir ahna loola dagaallamo musuqmaasuqa, lana joogteeyo nidaamka isla-xisaabtanka.

2.3. Goluhu wuxuu go’aamiyay in si deg deg ah loo mideeyo canshuuraha dalka, sida canshuurta Furdooyinka, macaashka shaqaalaha iyo faa’iidadda ganacsiga.

2.4. Goluhu wuxuu ku heshiiyay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 sida ku cad heshiiska habka doorasho ee lagu saxiixay magaalada Baydhabo 5ta bisha Juun, 2018.

2.5. Goluhu wuxuu soo dhaweeyey isla markaasna bogaadiyey horumarka laga sameeyey wadatashiyada caqabadaha ka hor imaan kara doorashooyinka, iyo daraasaadka Diiwaangalinta Cod-bixiyeyaasha. Wuxuuna Goluhu faray in Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinku soo dhammaystiraan kala xulashada nidaamka diiwaan galinta.

2.6. Goluhu wuxuu isla qaatay in hawlaha dib-u-eegista Dastuurka la sii dardar-galiyo, laguna soo gabagabeeyo sannadka 2018-ka, ayada oo qodabadda dib-u-eegista loo kala hormarinayo sida ay u kala muhiimsan yihiin.

2.7. Goluhu wuxuu heshiis ka gaaray Lahaanshaha, Maamulka, iyo Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka sida ku cad heshiiska Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah ee lagu saxiixay Magaalada Baydhabo 5ta bisha Juun 2018.

2.8. Goluhu wuxuu faray Guddiga Farsamada (TC) ee Golaha Amniga Qaranka in ay soo gudbiyaan Hannaanka Caddaalada iyo Asluubta shirka xiga ee la qabanayo bisha Agoosto iyadoo laga amba qaadayo go’aamadii shirkii Wasaaradaha Cadaaladda ee ka dhacay magaalada Jowhar bisha Jannaayo 2018.

2.9. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la hawlgaliyo xubnihii ay dawlad gobaleedyadu u soo magacaabeen guddiyada dib uu eegista dastuurka.

2.10. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardar geliyo wadaxaajoodka arrimaha federaalka si loo dhamaystiro hannaanka awood qaybsiga ee ku qeexan Qodobada 53-54 ee Dastuurka.

2.11. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa hindisaha lagu abuurayo Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Goluhu wuxu si wadajir ah tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa Xildhibaannadii iyo dhammaan dadkii ku geeriyooday weerarradii xaqdarrada ahaa ee ka dhacay Degamada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhamaad

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo  u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Danjire Jamaal Barrow oo ka qeybgalay xaflad abaalmarino lagu guddoonsiinayay arady dhameysatay barashada Qur’aanka Kariimka

Next Post
Danjire Jamaal Barrow oo ka qeybgalay xaflad abaalmarino lagu guddoonsiinayay arady dhameysatay barashada Qur’aanka Kariimka

Danjire Jamaal Barrow oo ka qeybgalay xaflad abaalmarino lagu guddoonsiinayay arady dhameysatay barashada Qur’aanka Kariimka

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In