Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jamaal Barrow oo ka qeybgalay xaflad abaalmarino lagu guddoonsiinayay arady dhameysatay barashada Qur’aanka Kariimka

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Danjire Jamaal Barrow oo ka qeybgalay xaflad abaalmarino lagu guddoonsiinayay arady dhameysatay barashada Qur’aanka Kariimka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo aheyd mid shahaadooyin lagu siinayay caruur dhameystay barashada quraanka kariimka ah ee wax ka bartay madrasada Abuubakar Sadiq ee ku taala magaalada Johannesburg ayaa waxaa kasoo qeybgalay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Ambassador Jamaal Maxamed Barrow,qeybsanaha Arimaha diinta iyo Awqaafta Safaarada Sheikh Shariif Xamsa iyo Marti sharaf kala duwan.

Caruurta dhameysay qur’aanka kariimka ayaa halkaasi kusoo bandhigay waxyaabaha ay ka barteen madrasada Abuukar Sadiq taa oo ay aad ula dhaceen bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeybgalay munaasabadani.

Related posts

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed ee dalkaan Koonfur Afrika Sheekh Cabdixakiim Ismaaciil ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay isku kaashadaan sidii dhalaanka yaryar loogu barbaarin laha diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

U qeybsanaha Arrimaha diinta iyo awqaafta safaarada Soomaaliya Sheikh shariif Xamsa ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay caruuurta dhameystay barashada quraanka kariimka.

Dhanka kale xafiiska diinta iyo awqaafta safaarada Soomaaliya ee dalkaa Koonfur Afrika ayaa deeq isugu jirta lacago iyo hadiyado kale gudoonsiiyay caruur gaareysa 90 ruux  oo agoomo ah kuwaa oo u badan Somaali aabayaashood lagu dilay dalkaan Koonfur Afrika.

Si ay qeyb uga noqdaan caruurta isku diyaarineysa farxada iyo dabaaldaga maalinta ciida ayaa xafiiska waxaa uu xil iska saaray in caruurta agoomaha ay qeyb ka noqdaan diyaar garowka loogu jiro maalinta ciida sida uu sheegay Sheikh Shariif Xamsa oo  ah u qeybsanaha Arimaha diinta iyo awqaafta safaarada.

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkaan Koonfur Afrika Danjire Jamaal Maxamed Barrow ayaa sheegay in loo baahan yahay caruurta la baray quraanka loogu daro,farsamooyinka kale iyo xirfadaha gacanta.

W/D Cabdulaahi Maxamuud Amiin (C/laahi Qorshe)

Johannesburg-Koonfur Afrika.

Previous Post

AKHRISO:- WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA AMNIGA QARANKA EE BAYDHABO

Next Post

Ra”iisul Wasaare kuxigeenka Dalka oo soo xiray tartankii Qaran ee Qur’aan aqriska

Next Post
Ra”iisul Wasaare kuxigeenka Dalka oo soo xiray tartankii Qaran ee Qur’aan aqriska

Ra”iisul Wasaare kuxigeenka Dalka oo soo xiray tartankii Qaran ee Qur’aan aqriska

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

Wasiirka  Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo...

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In