Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra”iisul Wasaare kuxigeenka Dalka oo soo xiray tartankii Qaran ee Qur’aan aqriska

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ra”iisul Wasaare kuxigeenka Dalka oo soo xiray tartankii Qaran ee Qur’aan aqriska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddan oo lagu suu xirayay tartanka Heer Qaran ee Qur’aan Aqriska una dhexeeyay arday ka kala timid Muqdisho iyo Gobolada Dalka ayaa waxaa ka qeybgalay raiisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Wasiiradda Cadaaladda,Diinta iyo Arrimaha Owqaafta,culimaa’udiin iyo mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Qatar Charity oo barnaamijkan taaba gelinaysay.

Cabdi Nuur Xaaji Cali oo ah madax hay’adda Qatar Charity oo maalgelinaysay tartankan qur’aan aqriska ah ayaa balanqaaday in ay sii joogtayn doonaan dhiirogelinta barashada iyo kor u qaadista qur’aanka Kariimka.

Related posts

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026

“Waxaan u mahadcelinayaa wasaaradda Diinta iyo Owqaafta oo barnaamijkan si wanaagsan u qabatay, hadii aanahay Qatar waxaa nagu balan ah in kor u qaadno oo aan dhiirogelino qofkasta oo diyaar u ah in uu kor u qaado qur’aanka Kariimka,waxaana ka soo bixi kara arrintan wanaag,waxaana tixgelin la siinayaa ardaydii ka qeybqaadatay tartankan,anada dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaan dhisnay dugsiyo qur’aan oo sharciyaysan,waana ka shaqeynaynaa”. Ayuu Yiri Cabdi Nuur.

Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Diinta iyo Arrimaha Owqaafta ayaa amaanay sida wanaagsan ee loo soo agaasimay barnaamijka.

“Mudane Raiiusl Wasaare kuxigeen sida aad la socoto barnaamijkan oo ay qabatay wasaaradda waxaa la furay bishan labadeeda,sharaf ayay inoo tahay in aad shahaadooyinkooda aad gudoonsiiso ardaydii ku guuleustay barnaamijka,waa barnaamij ballaaran waana idin kaga mahadcelinayaa ka soo qeybgalkiina”. AYuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) kuxigeenka raiisul Wasaaraha Dalka ayaa sheegay in hadii lagu dhaqmo qur’aanka kariima lana barto ay horseedayso in bulshadu ay horumar ku gaarto.

“Muhiimadda qur’aanka Kariimka uu inoo leeyahay waxaa siweyn uga hadashey culimada’aan ku dadaalno dhamaanteena in aan xafidno oo aan micnihiisa barano,waxaan u hambalyeynayaan waalidiintii iyo maclimiintii ku dadaashey ardaydani,hadii qur’aanka la fahmo iyo ku dhaqankiisu ayaa muhimada weyn leh,waxaana markaasi bulshadu uu u horseedayaa midnimo,wada jir wanaag,marka aan ku dadaalno tarbiyada caruurta oo saldhig looga dhigayo qur’aanka Kariimka.Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Waxaa ugu dambeyntii abaalmarino la guddoonsiiyay ardaydii ku guuleysatay tartankan intii uu socday,iyadoo ay ka qeybgaleen ilaa 25 arday,waxaana dadka ku guuleystay ay heleen abaalmarino lacageed oo kaladuwan.

Previous Post

Danjire Jamaal Barrow oo ka qeybgalay xaflad abaalmarino lagu guddoonsiinayay arady dhameysatay barashada Qur’aanka Kariimka

Next Post

Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo la kulmay Shaqaalaha Wasaaradda “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo la kulmay Shaqaalaha Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo la kulmay Shaqaalaha Wasaaradda "SAWIRRO"

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

Wasiirka  Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo...

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In