Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixin: Awooda DFS iyo Tabaryarida Al shabaab

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Akhriso Warbixin: Awooda DFS iyo Tabaryarida Al shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tan iyo markii la Doortay Madaxweynaha Jahmuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo horaantii Sanadkaan 2017 ayaa waxaa qalqal xoogani soo wajahay Madaxda iyo maleesjiyaadka ay wataan oo ka tirsan nabad diidka Al shabaab kaasoo ku aadan Cabsi ay ka qabaan doorashada Madaxweynaha DFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo midoobida Shacabka Soomaaliyeed oo dhamaan ku faraxsanaa in baarlamaanka Dowladda Soomaaliya ay doorteen Shaqsi ay Shacabku doonaayeen inuu hugaamiyo Qaranka Soomaaliya.

8 feberaayo ayaa ah maalin ku weyn Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan waana maalintii Baarlamaanka DFS ay hugaamiyaha Qaranka Somaaliyeed u goorteen Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo waxaana jiray in Dalka iyo dibadiisa ay ka dhaceen dabaal degyo waawayn oo ay dhigeen Shacabka Soomaaliyeed taasoo sabab u ahayd helitaanka hugaamiye Qaran oo ay ku farxeen Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo in baarlamaanku ka jawaabeen hamigii Shacabka.

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Hase-yeeshee Doorashada Madaxweynaha JFS mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo waxaay dhabarjab iyo Bar naxdin leh ku noqotay hugaamiyaasha iyo Maleeshiyaadka u Dagaalama nabad diidka Al shabaab.

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al shabaab ayaa soo xasuustay Dharbaaxyadii ay kala kulmeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xili uu R/wasaaraha xukumadda uu ahaa Mudane Farmaajo sanadkii 2011 markaasoo Maleeshiyaadka laga Saaray Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya Soomaalia loogana dilay Ciidamadii ugu badnaa ee ka dhinta nabad diidka.

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Markii xilka R/wasaare u magacaabay Madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed Waxaa u muhiimad gaar uu siiyay Dhismaha iyo qalabaynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed taas oo suuragalisay in Maleeshiyaadka laga gacan maroojiyay guud ahaanba Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Beesha Caalamkana tustay sida ay Soomaaliya kaga go,need in nabad diidka laga saaro Dalka.

Doorashadii Madaweyne ee Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo waxii ka dambeeyay ayaa Maleeshiyaadka gabalkoodu sii dhacayo ee Al shabaab Waxaa ay galeen Xaalad mugdi iyo madmadoow leh oo ku aadan Cabsida ay ka qabaan in mar kale uu Dalka xilka ugu sareeya ka qabto Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo sida ay ugu hanweynyihiin Mudwadiniinta Soomaaliyeed in Dalka deegaanada ay kaga sugan yihiin Al shabaab laga saarayo nabad diidka Al shabaab.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa durba bilaabay dhismaha iyo dhiiro galinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed taasoo ku aadan sidii Ciidamadu ay Maleeshiyaadka Argagixusada ah ee Al shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Dalka Waxaana jira deegaano ay la wareegeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaa soo ay maamuli jireen Argagixisadu oo ay ugu dambaysay Deegaanadii shalay laga gacan maroojiyay Al shabaab oo ka tirsanaa deegaano u dhaxeeya Gobolada Shabeelooyinka.

Dhawaan ayuu ku dhawaaqay Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Dagaal ka dhan ah Al shabaab kaas oo ku aadan guud ahaanba laga saaro Dalka uguna baaqay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay u diirgarooobaan Ciribtirka nabad diidka Al shabaab waxaana jira iminka qalqal xooggan oo soo food saaray Madaxda Al shabaab.

Kulan ay Shalay wadaqaateen Madaxda DFS,Maamul goboleedyada qeybta ka ah iyo Saraakiisha Ciidamada Midowga Africa ee Howlgalka AMISOM ayaa laysla meel dhigay qaabkii Argagixisada Al shabaab looga sifayn lahaa deegaanada wali ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

By Wariye Baashi Cali Xaashi:

 

Previous Post

Madaxweyne Trump oo ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Japan

Next Post

Madaxweynaha Hirshabelle oo Xalay Kulan Casho Sharaf Ah Laqaatay Xildhibaanada Dowladda Dhexe Ku Matala Hirshabelle “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabelle oo Xalay Kulan Casho Sharaf Ah Laqaatay Xildhibaanada Dowladda Dhexe Ku Matala Hirshabelle “Sawirro”

Madaxweynaha Hirshabelle oo Xalay Kulan Casho Sharaf Ah Laqaatay Xildhibaanada Dowladda Dhexe Ku Matala Hirshabelle "Sawirro"

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In