Saturday, February 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixin: Dhamaadka Al shabaab!!!

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Akhriso Warbixin: Dhamaadka Al shabaab!!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaraxii Ka dhacay magaalada Muqdisho ee ugu dhimashada badnaa inta taariikhda la xusuusan yahay, waxa uu ahaa kii ka dhacay 14-ka oktoobar meesha loo yaqaan isgooyska Zope,kaas oo galaaftay in ka badan nolosha 300 oo ruux , islamarkaana la la’yahay 56 ruux sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda F S.

Qaraxaas waxa uu gilgilay quluubta dad fara badan oo ku nool dunida gaar ahaan Soomaaliya, waxaana dhacdadaasi lagu tilmaamay Musiibo Qaran.

Related posts

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

Waxaana dadkii dhibkaasi ku habsaday looga soo kala gurmaday dalal ay kamid yihiin Turkiga,Qatar, Sudaan, Jabuuti ,Kenya, Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxay qaateen kaalin muhiim ah oo aan la iloobi Karin.

Dad dadnimada qiimeeya iyo kuwo dareen diineed leh ayaa falkaasi ay ka dambeeyeen Alshabaab ku tilmaamay fal waxashnimo ah oo ka hor imaanaya caqliga saliimka ah iyo sharciga, waxayna ku baaqeen in wuxuushata sidaas wax yeelaysa gacan milatari looga hortago si looga cirib tiro meelaha ay ka joogaan dalka Soomaaliya.

Arintaas ka hortageeda waxaa markii u horaysay isu taagay Madaxweynaha Dawladda F S. Mud: Max’ed C/laahi Max’ed kaas oo iclaamiyay in dalka uu galayo dhawaan dagaal lagu cirib tirayo kooxda Alshabaab ee umadda soomaaliyeed laf dhuun gashay ku noqotay horumarkeeda.

Wuxuuna dhawr maalmood ka dib booqoshooyin ugu kicitimay dalalka ay ciidamadooda soomaaliya u joogaan nabad ilaalinta waxa uuna mas’uuliyiintooda kala hadlay sidii umadda soomaaliyeed looga gacan siin lahaa dagaalka ay la galayaan cadawga Alshabaab shacbiga soomaaliyeed.

Sida runta ahna booqoshooyinka Madaxweynaha iyo wadahadalada uu la galay Madaxweynaha mas’uuliyiinta dalalkaas waxa uu ku soo afmeermay guul iyo in lala wada dagaalami doono argagixisada alshabaab.

Arintaas oo ay farxad gelisay Shacabka soomaaliyeed isla markaan sugi la’aa dabargooynta cadawga umadda soomaaliyeed ee Alshabaab si loo dhiso ammaan iyo dhaqaale hufan oo wax ka tara dhibaha haatan jira.

Waxaan hubaa qof ahaan in Alshabaab falkoodaas ugu dambeeyey ay mideeysay quluubta umadda oo tafaraarukh aan sidaas u buurnayn ku kala jirtay, waxaana guud ahaan dalka iyo gaar ahaan magaalada Muqdisho laga dareemayaa in ay dul heebhaabayso neecaw xornimo oo sii saadinaysa guusha laga gaari doono Argagixisada alshabaab.

Waxaa la yiraahdaa wax kasta oo biloowda waxay leeyihiin dhamaad aan soo noqod lahayn, sidaas darteed waa hubanti in Argagixisada ay soo bilaabatay waqti mucayin ah oo la isla wada yaqaan, waa dhab in ay umadda isugu muujiyeen in ay yihiin dad diinta islaamka u nusraynaya oo doonaya in la isku xukumo, laakiin waxaa manta shacabka soomaaliyeed u cadaatay in ay Alshabaab yihiin dad diinta islaamka magaceeda quruxda badan wax yeelaynaya, oo umadda la doonaya meel madaw.

Waxaa kaloo cadaatay in ay Alshabaab doonayaan daadinta Dhiigga umadda Soomaaliyeed dana ay ka lahayn wixii baaba’aya,

Bal eeg: Al-shabaab bartilmaameedkoodu waa qof kasta oo Soomaali ah. Waxaadna ka garan kartaa Qaraxyadda saf mareenka ah ee ay Shacabka ku laynayaan. Tiiyoo ay u dheer tahay dilalka hoose iyo dibindaabyooyinka kale ee ay sida qarsoon ugu waxyeelaynayaan dadka Soomaaliyeed,,, Haddana wali dadka Soomaaliyeed ma aysan ku baraarugin cadawga dalka, dadka iyo diinta.

Miyeeysan ku haboonayn inaan meel uga soo wada jeesano Cadawga. Inta loo caqli celin karana aan kala soo baxno illeyn waa caruurteeniyee inta kalana aan wadajir ula dagaalano,

Guntii iyo gabagabadii Alshabaab waa la isla gartay in ay yihiin cadaw waxaana qof ahaan u jeedaa in lagu jiro Dhamaadkooda Haddii Alle Yiraahdo.

W/Q:-Tifaftiraha Wakaaladda SONNA 

Previous Post

Sawirro+Soomaaliya oo ka qeybgashay shir ku saabsan arrimaha Garsoorka oo Murataaniya ka dhacay

Next Post

Ra’iisul wasaare Kheyre oo u Ambabaxay Dalka Turkiga

Next Post
Ra’iisul wasaare Kheyre oo u Ambabaxay Dalka Turkiga

Ra’iisul wasaare Kheyre oo u Ambabaxay Dalka Turkiga

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In