Thursday, July 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixin: Haweenku Waa udub dhexaadka Bulshadeenna

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Akhriso Warbixin: Haweenku Waa udub dhexaadka Bulshadeenna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dal walba waxaa dhisa oo wax ka dhiga bulshadiisa, waana taa midda lagu gaaro horumar iyo baraare.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa Haweenka soomaaliyeed  maadaama ay yihiin laf-dhabarta bulshada waxay kaalin muuqda oo aan la ilaawi Karin ku leeyihiin bulshada dhexdeeda,inkastoo Haweenku ay yihiin hooyooyin, gabdho ugub ah iyo carmalo, hadana waxaad arkeysaa iyagoo u tafaxeydanaya sidii ay qeyb libaax leh uga qaadan lahaayeen isla-markaana door firfircoon uga ciyaari lahaayeen dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalidda dalkeenna Hooyo.

Related posts

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026

Qormadan ayaan waxaan uga hadli doonnaa Kaalinta ay dumarkeennu ku leeyihiin bulshadeen, inagoo qodob qodob isu dultaagi doonna dhinacyada ay  Haweenka kaga jiraan  Arimaha siyaasada Nabadgalyada , dib u heshiisiinta, waxbarashada,Ganacsiga iyo halgankii xornimada ee dalka.

Siyaasada

Haweenka soomaliyeed qeyb libaax leh ayey  ku leeyihiin Arimaha siyaasada ee dalka, iyadoo ay muuqato kaalintooda ka mid ahaanshaha dowladihii dalka soo maray, gaar ahaan kuwii  ugu dambeeyey ee burburka kadib, Arintaasoo ka dambeysay sababao badan oo ay kamid yihiin iyagoo fahmay arimaha siyaasadda, islamarkaana ku biiray kuliyadaha lagu barto  Arrimaha siyaasadda Iyo waliba soo badashada  dadaalada lagu dhiiragalinayo  in haweenku ay qeyb ka noqdaan arrimaha siyaasadda, arimahaas oo is biirsaday ayaa keenay in haweenku ay xusul duub u galaan inay kaalintaas buuxiyaan.

Waana taas midda keentay in dawlada haatan jirtaa ay u garawdo haweenka kaalin muuqatana ka siiso barlamaanka, xukuumada, iyo hay’adaha kale ee dawliga ahba.

Nabadgalyada

Maadaama wax kasta nabadu ay fure  u tahay la’aanteedna aanan la noolaan Karin ayaan dhihi karnaa Dumarka somaliyeed tan iyo bariisamaadkii iyo ka horba waxay u tafaxeydanayeen sidii dalku uu u heli lahaa nabad waarta oo lagu naaloodo,

Sanadihi ugu dambeeyey ee dalku ku jiray colaadaha iyo dagaalada sokeeye ayaa  haweenka somalida waxay door fiican ka ciyaarayeen sidii colaadahaas loo dhameyn lahaa loona nabadeyn lahaa beelaha is-dagaalaya, iyagoo fidiyey gogolo  lagu dhameynayo Colaadahaas.

Dib uheshiisiinta

Sidaasi si la mid ah ayey waxay Dumarkeennu ka qeyb qaateen Dib u heshiisiinta, iyagoo isu keenayey cidkasta oo dagaal ama gacan ka hadal uu dhexmaro, waxaanay  haweenku qaybtooda ka ciyaaraan dib u soo celinta nabadda,iyagoo suugaan ku cabiraya muhiimada dib-u heshiisiinta iyo sida aan looga maarmeyn.

Waxbarashada

Inkastoo Xilliyadii hore aaney haweenku  ku badneyn Goobaha waxbarashada ee dalka sababo la xiriira saameynta dhaqanka soo jireenka ah iyo waalidiinta qaar oo aan gabdhaha u ogolaan inay gabdhahooda fursadaha wabarashada ka qeybgaliyaan ayaa waqtiyadi ugu dambeeyey ay haweenku rikoorkaas jabiyeen, waxayna buuxiyeen goobaha waxbarashada maadiga iyo kuwa diiniga ahba.

Waxaana marka aad booqato iskuulada iyo jaamacada dalka kuyaala aad ku arkeysaa gabdho badan oo fadhiya safafka hore ee fasalada  si wayn ugu dadaalaya inay waxbartaan,

Waxaana Siyaabaha keenay in dumarku ay iskuulada iyo jaamacadaha kubataanna kamid ah, waalidiinti oo fahmay muhiimada waxbarashada ee aadaana iyo sida aaney usineyn qofka waxbartay iyo kan aanan baran, iyo doodaha looga hadlayo waxbarashada gabdhaha oo batay iyadoo uu dhaqangalmay, halkudhigga ah { Gabar wax baratay waa Qaran waxbartay, wiil waxbartayna waa qof waxbartay}.

Ganacsiga

Kadib burburkii iyo qalalaasihi kadhacay wadanka ayaa Allaah kasokow waxaa dalka iyo dadkaba badbaadiyey haweenka, waxayna buuxiyeen kaalintii aabayaasha ee kasoo shaqeynta bannaanka, Iyadoo gabar walba ay kudadaashay sidii quutul yoonka reerkeeda ay  ugusoo dhicin laheyd, arintaas ayaana keentay in tan iyo intaas ay haweenku ganacsadaan oo ay si wayn suuqyada uga dhexmuuqdaan.

Xornimada iyo halgankii gobonimo doonka

Xornimada iyo halgankii gobanima doonka ee dalka haweenku waxay kagaleen baal dahab waxaana jirtay in haween badan oo somaliyed ay kuwaxyeeloobeen naftoodana kuwaayeen kadib markii gumeystihi dalka katalinayey ay dhibaato kala kulmeen.

Sikastaba waxaa maragmadoonta ah in haweenkeenu ay kaalin muuqata oo firfircoon kudhexleeyihiin bulshada somaliyed islamarkaana ay markasta jecelyihiin inay dadaalkooda sii labalaabaan.

W/Q  Amina ladan Axmed Cali

 

Previous Post

Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Golaha Shacabka Oo Tababar Usoo Xiray Guddiga Dastuurka Ee Baarlamaanka “DAAWO”

Next Post

Guddiga shaqaalaha rayidka oo ka saacidaya Dowlad goboleedyada dalka hanaanka diiwaangalinta shaqaalaha

Next Post
Guddiga shaqaalaha rayidka oo ka saacidaya Dowlad goboleedyada dalka hanaanka diiwaangalinta shaqaalaha

Guddiga shaqaalaha rayidka oo ka saacidaya Dowlad goboleedyada dalka hanaanka diiwaangalinta shaqaalaha

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xaflad abaalmarin iyo maamuus ah u qabtay haldooradii...

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026
0

Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa Arbacadii sii xoojiyey dadaallada uu ku taageerayo Soomaaliya sidii loo dardargelin lahaa ansixinta...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 8, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In