Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Aljeeriya, Mudane Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Taliyha Ciidamada Mareykanka ee Saldhigga AFRICOM General Michale E. Langley, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga dhinaca ammaanka ee u dhexeeya labada dal.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

3-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay difaaca qaranimada iyo midnimada bulshada ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan wadajirka iyo madaxbannaanida dalka.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Baydhabo kula kulmey hoggaanka Koonfuur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay kulan casho ah Madaxweyne ku-xigeennada Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Mudane Cali Daahir Ciid iyo Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

7-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabbilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.

8-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qaabbilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Marwo Karin Johansson oo uu wehliyo ku xigeenka Danjiraha Midowga Yurub Mudane Thomas Kieller.

9-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgalay Shirka Amniga iyo Isbeddelka Cimilada oo looga hadlayey sida ay isugu xiran yihiin arrimaha cimilada iyo amniga.

10-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir gudoomiyay kulanka guddiga maamul-wanaagga maaliyadda kaas oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh dowladda.

11-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa magaaalada Qaahira kaga qayb galey kulanka 162-aad ee Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Waddamada Jaamacadda Carabta.

12-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa magaalada Muqdisho tababar la xiriira xirfadaha kala duwan ee gurmadka degdegga ah ugu soo xiray shaqaale ka tirsan waaxyaha kala duwan ee SoDMA.

13-Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeybgaley shirka heer dowlad gobaleed ee Qorshaha Isbedelka Qaran, kaas oo lagu mideynayo qorshayaasha horumarineed ee heer qaran iyo heer dowlad goboleed.

14-Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aden, ayaa shir guddoomiyey kulan dhexmaray hogaanka kulliyadaha Culuunta Caafimaadka iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka.

15-Wasiirka Hawlaha Guud ayaa soo xiray shirka u dhexeeya Wasaraddaha Hawlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada dalka iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

16-Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa Muqdisho ka furay shirka Wadatashiga Miisaaniyadda 2025-dalka.

17-Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay shirka wadatashiga miisaaniyadda dowladda ee 2025 oo ka qeyb galeen ganacsatada iyo qeybaha bulshada.

18-Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Drs Maryam Maxamed Xuseen ayaa qaabbishay wafdi ka socday Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO), kulankan ayaa looga wadahadley. xaaladaha caafimaadka ee dalka gaar ahaan sidii loo xakamayn lahaa cudurada dadka nugul.

19-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay madaxa xafiiska Afrika ee Hay’adda Boqor Salmaan Relief Center Mudane Yaziid Xamuud.

20-Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo kaashanaysa Wasaaradda Awqaafta Hirshabelle ayaa wejigii labaad ee wacyi gelinta ka hortagga iyo la dagaallanka fikirka xagjirka ka bilowday Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

21-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa magaalada Muqdisho ka furay Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad.

22-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo kaashaneysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa qabatay aqoon-isweydaarsi diiradda lagu saarayo xeer nidaamiyeyaasha tartanka suuqa isgaarsiinta iyo xargaha fiberka badda.

23-Culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’iid ku qabtay magaaladda Muqdishu ayaa shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in dalka laga difaaco gardarrada cadowga dowladda Itoobiya.

24-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo Taliyaha howlgallada gaarka ah ee Ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell ayaa kormeer ku saabsan dardar gelinta hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab ku tegay gobolka Shabeellada Dhexe.

25-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska eedeysanaal gaaraya 7 kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amni iyo ku takrifal dhul dowladeed.

26-G/Sare Axmed Khalliif Jiinow ayaa loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Golaha Garsoorka Militariga Afrika ee u qaabilsan gobolka Bariga Afrika, kadiba doorasho ka dhacdey dhacday magaalada Lusaka ee dalka Zambia.



Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Ugaas Cabdullaahi Faracade

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In