Monday, May 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 26, 2024
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku adkeeyay shacabka muhiimada midnimada iyo wadajirka, isagoo xusay sida ay dowladda uga goโ€™an tahay fulinta goโ€™aanka xukuumadda ee ku aaddan la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danijirenimo ka guddoomay safiirada dalalka Guinea, Ireland, Romania, Spain, Switzerland iyo Zambia.

Related posts

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa โ€œDoorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.โ€

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa โ€œDoorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.โ€

May 19, 2025
๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ: โ€œ๐—ค๐—ผ๐—ณ ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฏ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป๐˜‚๐˜‚ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ผ ๐—ฑ๐—ถ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎโ€

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Axmed Maxamed Jaamac u magacaabey La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dimoqraadiyadda iyo Dowlad Wanaagga, halka Cabdisamad Maxamed Gallan loo magaacabey La- Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Federaalka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ciidanka Booliska Soomaaliya ku bogaadiyay guulaha ay ka soo hoyeen ilaalinta nabadgelyada dalka.

5- Raโ€™iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka boqortooyada Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak.

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield.

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kula kulmay Madaxweynaha Golaha Hoggaanka Jamhuuriyadda Yemen Dr Rashad Maxamed Al โ€“ Alimi, iyagoo ka wada hadlay horumarinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan marinka Badda Cas.

8- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada ee lagu dukaday Allaha u naxariistee Marxuum Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere oo dhowaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

9- Golaha Wasiirrada oo meel mariyay magacaabista Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

10- Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay shixnad hub iyo rasaas ah oo la soo geliyay degaannada Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana hubkaas laga keenay dalka Ethiopia.

11- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qaabbilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya Mudane, Wang Yu.

12- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qaabbilay ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Raisedon Zenenga.

13- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS,Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa u kicitimey dalka Imaaraatka Carabta, isagoo kulamo la qaatey Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash iyo xubno ka tirsan golahaas.

14- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada New York kula kulmay Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh, iyagoo ka wada hadlay xoojinta danaha ka dhaxeeya Somaaliya, Masar iyo Eritrea.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama ayaa ka qeybgaley xiritaanka barnaamij lagu tababarey in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa jiheynta dagaalka Fikirka ah ee ka dhanka Khawaarijta iyo ka hortaga dacaayadahooda.

16- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay xakameynta hubka sharci darrada ah, mamnuucidda iibinta hubka iyo qeybinta hubka .

17- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa ka qeyb galay barnaamijka Hooyo u Hiili Qaranka, oo diiradda saaraya doorka haweenka iyo dhalinyarada ee ka hortagga dagaallada sokeeye, iyo taageerada dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab.

18- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macalim Fiqi ayaa ka qayb galay xafladda furitaanka Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

19- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa qabatey munaasabad lagu abaal-marinaayey tartameyaasha degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedkii bishii Ramadaan

20- Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macalin ayaa Dhuusamareeb uga qeyb galay furitaanka shirka la-tashiga hayโ€™adaha Dowlad Goboleedka Galmudug ee soo-jeedinta wax ka-beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah.

21- Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa kulamo la yeeshay madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Socdaalka iyo Hayโ€™adda Aqoonsiga Dadwaynaha ee Denmark.

22- Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjire Daahir Xasan (Daahir Carab) oo dhowaan loo magacaabey inuu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington D.C. Soomaaliya.

23- Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jabril Ibraahim Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Macdanta ee Kenya, Xasan Cali Joho, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha buluugga ah, kalluumeysiga, iyo macdanta.

24- Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Paris, Mudane Maxamed Cali Nuur oo dhowaan la magacaabay.

25- Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) ayaa daah-furtay wareeggii labaad ee diiwaangelinta barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo kaashanaysa Hayโ€™adda UNHCR.

26- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo kaashanaysa Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee (ITU) iyo GSMA, ayaa si rasmi ah u daahfurtay kulan heer sare ah oo ku saabsan Fulinta Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Deg-degga ah (NETP).

27- Hayโ€™adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qeybta Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baraawe ku qabtey dhagar qabe ka tirsan Khawaarijta oo aasayey miino uu doonayay in uu ku dhibaateeyo shacabka.

28- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Mareykanka kulamo kula yeeshay yeeshay hayโ€™adaha Booliska ka taageera dhanka la-dagaalanka argagixisadda .

29- .Hayโ€™adaha ammaanka ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigay hub sharci daro ah iyo raggii ka ganacsanaayey, kadib, hawlgalo amniga lagu sugayo oo ka dhacay Caasimadda.

Previous Post

Guddiga Adeegga Xajka oo go’aan soo saaray

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Madaxa Hay’adda TIKA

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Madaxa Hay’adda TIKA

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Madaxa Hay'adda TIKA

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa โ€œDoorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.โ€

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa โ€œDoorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.โ€

May 19, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u...

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ: โ€œ๐—ค๐—ผ๐—ณ ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฏ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป๐˜‚๐˜‚ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ผ ๐—ฑ๐—ถ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎโ€

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ: โ€œ๐—ค๐—ผ๐—ณ ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฏ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป๐˜‚๐˜‚ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ผ ๐—ฑ๐—ถ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎโ€

May 19, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in difaaca dalka uu yahay waajib diini ah...

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masarย 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masarย 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In