Friday, September 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in xadgudubka Ethiopia ee badda Soomaaliya aan la aqbali karin, isla markaana aysan Soomaaliya diyaar u ahayn wadahadal ilaa iyo xukuumadda Addis Ababa ka laabato is afgaradka sharci daradda ah ee ay la gashay gobolka Somaliland ee Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kooxda kubadda cagta ee Galmudug guddoonsiiyay koobka tartanka dowlad goboleedyada ee dhowaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026

3- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulan la yeeshay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida ayaa kala hadlay dagaalka khawaarijta iyo ka hortagga dambiyada abaabulan ee ka dhanka rayidka.

4- Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimaha amniga, qorshaha la dagaallanka Khawaarijta iyo ka mira dhalinta siyaasadda loo dhan-yahay.

5- Ra’iisul Wasaare Ku-Xgeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ku-Xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay kulanka siyaasadda loo dhan yahay ee u dhexeeya xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo saaxibbada caalamiga ah ee Soomaaliya.

7- Ku-Simaha Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali karin xadgudubka qaranimada Soomaaliya ee ay Ethiopia ku dhaqaaqdey.

8- Kulamo isdabajoog ah oo looga soo horjeedo xadgudubka Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya oo weli ka socda dalka gudihiisa iyo dibeddiisa.

9- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Britain ayaa magaalada London ku qabtey qabtay mudaharaad ay ku diiddan yihiin xadgudubka Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

10- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane, Ahmed Moallim Fiqi ayaa Muqdisho ka daahfuray kulan ku saabsan wadatashiga, naqshadeynta iyo dib-u-eegista Hannaanka Qaran ee Wadajir.

11- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wasiirrada maaliyadda ee dowlad goboleedyada dalka ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo fogaan arag ah, kaas oo looga hadley hawlaha qaran ee horyaalla.

12- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya kaga qayb galey shirka wasiirrada difaaaca ee waddamada ku bahoobey Isbaheysiga Militeriga ee La-dagaalanka Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC).

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo Golaha Shacabka horgeeyey hindise sharciyeedka dad-dhigista.

14- Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka, ayaa u yeeray Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley).

15- Ciidanka amaanka ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Sayid Cali Macalin oo xaaskiisa ku dilay Muqdisho, markii uu dab qabadsiiyay.

16- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa magaalada Kampala kula kulmay Taliyaha Ciidamada Milateriga Uganda General Wilson Mbadi.

17- Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa soo qabtey horjooge Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Daqare) oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab, isla markaana ka mid ahaa la-taliyeyaasha Horjooga Al Shabaab, Axmed Diiriye.

18- Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaannada Jacar iyo Garab la’ oo ka tirsan gobalka Galgaduud ayaa lagu burburiyay xarun ay Khawaarijtu ku keydsan jirtay hubka.

19- Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday adeegsiga bacaha oo khatar ku ah degaanka.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliya Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku-Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Soomaaliya George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan diiradda lagu saarayay saamayntii ka dhalatay masiibadii El Nino.

21- Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa magaalada Nairobi uga qeyb gashay shir caalami ah oo ku saabsan horumarinta jawiga maalgashiga iyo xoojinta dhaqaalaha qaxootiga ee soo laabtay.

22- Raktarka Jaamacadda Ummadda iyo safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay wada shaqeynta hey’adaha waxbarashada.

23- Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshaha qeybta basaasiinta ee maleeshiyada Khawaarijta Al Shabaab.

24- Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu baacsanayo Khawaarijta Al Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan HirShabeelle.

25- Gudoomiyaha Ururka Caalamiga ee Culimada Muslimiinta Sheekh Cali Muxyidiin Al-Qaradaaghi, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, waxa uuna kulummo la qaadanayaa, masuuliyiinta iyo culumada diinta.

26- Maxkamadda Racfaanka oo mar kale dhageysaneysa dacwad la xariirta musuq-maasuq oo ,oo haysta mas’uuliyiin ka tirsanaa hay’adaha dowladda.

27- Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyay degaano ku yaalla bariga gobolka Galgaduud.

28- Booliska Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyey in ugu dambeyn laga guuro dhulkii Laanta Dab Damiska iyo Hoggaanka Dhismaha Booliska oo ku yaalla xaafadda Say-Biyaano ee magaalada Muqdisho.

 



Previous Post

Guddiga Maaliyadda BJFS oo kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda “SAWIRRO”

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In