Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso warbixinta toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wadahadal kula yeeshay Asmara Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga amniga.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ka sii sagootiyay 19 ka mid dhaawacyadii weerarkii argagixiso ee ka dhacay Hotel SYL oo loo qaadey dalka Turkiga.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan lagu dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka.

4- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu warbixinno ku saabsan amniga dalka kaga dhageystay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha iyo taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo NISA.

6- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) u qaabilsan Soomaaliya Mr. Charles Mballa, iyagoo ka wadahadley xaaladda qaxootiga iyo barakaceyaasha ku nool dalka.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay wasiirrada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada dalka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi.

9- Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in 3 askari ay ku dhinteen, 27 qof oo ay ku jiraan 3 xildhibaan ay ku dhaawacmeen weerar Khawaariju ka geysteen Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho. Booliska ayaa sidoo kale toogtay 5tii dhagarqabe ee Khawaarijta ee weerarka fuliyay.

10- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa qaabbilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire, Souef Mohamed El-Amine.

11- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan oo ay lahaayeen dalalka ku bahoobay naadiga Paris Club.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Midowga Yurub kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu tala galay Guutada 14 October ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

13- In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qalabka sida  iyo saaxiibbada caalamka  oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

14- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay 4 horjooge oo Khawaarijta ka mid ahaa.

15- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in ciidamada ay guluf xooggan oo kama dambays ah ay ku qaadeen gobollada Shabeellooyinka iyagoo si saf ballaaran ah u wajahaya deegaannada kooban ee ay ku dhuumaalaystaan cadowga Khawaarijta Al Shabab.

16- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Duulista Rayidka  Masar iyo Shirkadda Diyaaradaha ee Egypt Air oo dhowaan duulimaadyo ka bilaabaysa Soomaaliya.

17- Hay’adda SoDMA ayaa markale deegaanka Garasbaaleey, degmooyinka Xamar-jajab iyo Howlwadaag waxa ay gargaar ugu qaybisay 13,900 oo qoys oo iskugu jira danyar, barakacyaal iyo kuwa naafo ah.

18- Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyey degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

19- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dalka Britain kaga qeyb galay shir ku saabsan sidii wadajir looga shaqayn lahaa dhisidda u adkeysiga cimilada ee xaaladaha jilicsan iyo kuwa colaaduhu saameeyeen oo ka dhacay Wilton Park.

20- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa  ayaa xarunta Midowga Afrika kaga qayb galay shir diiradda lagu saaray doorashada hoggaanka sare ee Midowga Afrika oo dhacaysa horaanta sanadka 2025.

21- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA,  ayaa degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose u dirtay doonyo sida shixnado mucaawino gargaar ah, kuwaas oo ka ambabaxay degaan xeebeedka Jasiira.



Previous Post

Senator Xasan Kobac oo ka warbixiyay baraamij afurin ah oo uu wado magaalooyinka dalka “SAWIRRO”

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In