Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Asmara wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, kadibna khudbad u jeediyay ciidamada Soomaaliya ee lagu tababarayo Eritrea.a

2- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira roobabka El Nino iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.

Related posts

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026

3- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal ka dhexeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya.

4- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha KMG ah ee degaanka SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

5- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray Waddada Taleex ee magaalada Muqdisho oo dhowaan dayactir lagu sameeyay.

6- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-Nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Muqdisho ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka John Mulimba oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

8- Ra’isul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo Baydhabo ka furay shirka isku duwidda arrimaha aadminimada.

9- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa dalka Marooko kaga qeybgalaya shirka wasiirada maaliyadda Afrika iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

10- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

11- Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo hawlgal ka dhacay degaanka Shabeellow ee Koonfuurta Mudug ku dilay 20 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

12- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa in ka  badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ku dilay degaanka Shabeelloow ee Gobolka Mudug.

13- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal milateri ka fuliyay degaanka Garilow ee magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasina ku dilay laba xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

14- Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dabagalka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyo laba xubnood oo la socday.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baydhabo ka furay shirka wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada oo looga hadlay isku xirka xiriirka warbaahinta iyo xoojinta wacyigalinta.

16-  Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Maxamed Axmed Shiikh Cali iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya.

17- Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Baydhabo ka furey wajiga 2aaad ee shirka isku duwidda howlaha horumarinta wax soo saarka xoolaha.

18- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Saadaat Maxamed Nuur Caliyow ayaa Baydhabo ka furay shir looga hadlayey xasilinta degaannada laga xoreeyay Khawaarijta Al Shabab.

19-  Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah u daah furtay Xarunta Hawlaha Kormeerka Hirarka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya.

20-  Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan ku saabsan xaaladda khatarta fatahaadaha kala hadley Ku-Xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isku-duwaha Gargaarka Bini’aadminimada George Conway.

21-  Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgalaya Kulan Waynaha heer gobol ee  Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO.

22-  Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo Tanzania uga qeybgaleysa Shirweynaha 2-aad ee Gudniinka Fircooniga.

23- Ciidamada Xoogga Dalka ee kuwa degaanka ayaa howlgal lagu sifeynayo Khawaarijta ka fuliyay deegaanka Ciid-Ciidka oo hoostaga deegaanka Cali Fooldheere.

 

 



Previous Post

R/W Ku-xigeenka dalka “Xukuumadda waxaa ka go’an ka mira dhallinta Arrimaha hortabinta u leh”

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
0

Waxaa soo gaba gaboobay wadahadalo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda...

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad sagootin ah loogu sameeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, oo tababar...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In