Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Warbixinta todobaad-laha ah ee waxqabadka dowladda Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
3 years ago
in Wararka
0
SNA recaptures 3 strategic Towns, repulses attack in Hirshabelle State
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.

 

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

December 17, 2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

December 17, 2025
  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubaland, kulamo ku saabsan dardar-gelinta dagaalka Khawaarijta iyo dib u heshiisiinta la yeeshay mas’uuliyiinta Jubaland.

 

  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka Caalamiga ee Dalalka Soo Koraya ee LDC oo ka dhacay magaalada Dooxa u sheegay in meel fiican marayaan hawlgalada milateri ee ka dhanka ah haraaga Khawaarijta.

 

  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Dooxa kulamo wax ku ool ah kula yeeshay Amiirka Qatar, Madaxweynaha Djibouti iyo madax kala duwan oo ka soo qeybgaley Shirka Caalamiga ee Dalalka Soo Koraya ee LDC.

 

  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka Caalamiga ee LDC ee ka dhacay Dooxa u sheegay Soomaaliya ay leedahay kheyraad kala duwan oo ay ku barwaaqoobi karto, balse colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed ay muddo ragaadiyeen, haatanse Dowladda Soomaaliya ay si guul leh wadahadal iyo geeddi socod dowlad dhis loo dhan yahay ugu xalineyso labadaasi caqabadood.

 

  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cadbi Barre ayaa sheegay in tallaabo sharci ha laga qaadi doono askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka.

 

  • Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shir la yeeshay Guddiga Qaran ee ka shaqeynaya daabicidda Shilinka Soomaaliga.

 

  • Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dowladda Turkiga guddoonsiiyay deeq lacageed oo gaareysa 5m oo dollarka Mareykanka oo DFS iyo shacabka ugu deeqeen dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii dhowaan ka dhacay dalka Turkiga.

 

  • Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka Mareykanka, Britain, Turkiga. Imaaraadka Carabta iyo Qatar oo ku shiray magaalada Washington D.C, ayaa ku heshiiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda loogu taageero dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Khawaarijta Al Shabab.

 

  • Tallaabo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xal ugu raadineyso biyo yaraanta ayaa Ku Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Salah Ahmed Jama waxaa uu Muqdisho ka furay shir ay beesha caalamku ka soo qeybgashey oo looga hadlayey hanaanka horumarinta biyaha Soomaaliya.

 

  • Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa ansixiyay qorshaha guud ee barista 2023-ka ee la xiriira sannad maaliyadeedka dhammaadey.

 

  • Soomaaliya oo ku biirtey Ururka Xeer Ilaaliyeyaasha Bariga Afrika.

 

  • Hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta ayaa toddobaadkan ka dhacay qeybo badan oo dalka ka mid ah. Khawaarijta waxaa hawlgaladaasi looga dilay xubno badan oo ay ku jiraan horjoogeyaal , sida Aruriyow Mohamed Omar iyo kuwo kale. Waxaa sidoo kale isa soo dhiibay dhowr Khawaarij iyo horjoogeyaashooda oo uu ka mid yahay Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal).

 

  • Olalaha Haweenka Soomaaliyeed ee Garanwaaga Gurigaaga ka soo saar oo Muqdisho ka socda.

 

  • Wasaaradda kalluunmeysiga XFS oo digniin u dirtay maraakiibta sida sharci darrada ah uga kaluumeysta biyaha Soomaaliya.

 

  • Dowladda Soomaaliya oo maanta saxiixday hab maamuuska IGAD ee isku socodka xorta ah.

 

  • Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa Muqdisho kula kulmey wafdi ka socday Taliska Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

 

  • Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ayaa raashiin gargaar ah gaarsiisay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe -Dowlad Goboleedka HirShabelle, gaar ahaan goobaha dhowaan laga xorreeyay Khawaarijta.

 

  • Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska oo si rasmi ah u bilowday barnaamij ka bixi doona warbaahinta dowladda oo lagu lafa guri doono waxqabadka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

  • Soomaaliya oo maanta xuseysa maalinta Caalamiga ee Haweenka ee 8 Maarso

 

============== DHAMMAAD=================

 

Previous Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Xasan Warsame” Horjoogayaashii ila midka ahaa meel qarisa ayey la’ yihiin”(warbxin)

Next Post
Xasan Warsame” Horjoogayaashii ila midka ahaa meel qarisa ayey la’ yihiin”(warbxin)

Xasan Warsame” Horjoogayaashii ila midka ahaa meel qarisa ayey la’ yihiin”(warbxin)

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu bilaabayo daabulidda qalabka rasmiga ah ee lagu...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta ah waxa uu si...

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In