Tuesday, April 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Waxqabadka Dowladda Federaalka ee Todobaadlaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kheyraadka uu dalka leeyahay sida shidaalka iyo kalluunka looga faa’ideysan doono horumarka iyo dib u dhiska dalka.

2-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaalida looga baahan yahay inay ka wada shaqeeyaan hiigsiga 2060 ee sameynta Soomaaliya horumarsan oo casri ah, xilligaas oo ku began 100-Guurada markii ay Soomaaliya xorrowday.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026

3-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaaney Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dhaqanka cusub ee ay bilowday ee ku aaddan isla xisaabtanka kadib markii Muqdisho daaha looga rogay bandhigga waxqabadka dowladda iyo isla xisaabtanka.

4-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed loo diyaariyo barashada xirfadaha kala duwan ee caalamka ka jira si ay dunida ula tartamaan.

5-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay shacabka Soomaaliyeed u ballanqaadeyso waxqabad iyo isla xisaabtan isla socda si loo xoojiyo dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.

6-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Uganda Yowero Museveni ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  oo Uganda tababar ku qaadanayey.

7-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan uu magaalada Kampala kula yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni kaga wadahadley barnaamijka fulinta wejiga labaad ee dagaalka agu ciribtirayo Khawaarijta Al Shabab.

8-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay siddeed sharci oo cusub oo kala ah a) Sharciga La Dagaalanka Argagixisada. b) Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. c) Sharciga Socdaalka. d) Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha. e) Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo. Kheyraadka Dhulka Hoostiis. f) Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha. g) Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. h) Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

9-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale ku baaqey in la joojiyo dhiigga ku qubanaya Laas Caanood.

10-Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo la xiriira dhanka horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka.

11-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Bankiga Dhexe iyo Xarunta Warbixinada Maaliyadda oo kala shiray shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegyada telefonnada gacanta fulinta go’aanadii Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023.

12-Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo Kenya kulamo kulq qaatey madaxda milateriga dalkaasi, kana wadahadley iskaashiga labada dal ee dhanka amniga.

13-Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeybgaleen madaxda DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo. Qodobada ka soo baxay ayaa waxaa ugu muhiimsanaa federaaleynta nidaamka maaliyadda dalka iyo dhameystirka heshiiska qaab dhismeedka amniga Qaranka.

14-Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in degaanno kor u dhaafaya 70 laga xoreeyay argagixisada Khawaarijta Al Shabab tan iyo markii ay bilowdeen hawlada ka dhanka ah argagixisada.

15-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo in ka badan 30 ka mid ah Khawaarijta Al Shabab ku dilay Shabeellahe Dhexe.

16-Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis iskaashi maalgashi ah.

17-Wasiiradda Warfaafinta DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo shir ku saabsan iskaashiga warbaahinta dalka ugu soo gabagaboobey magaalada Kismaayo.

18-Wasaaradda Dhallinyarada ee Soomaaliya ayaa diyaarineysa qorshe lagu soo bandhigayo siyaasadda ka hortagga maandooriyaha.

19-Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo xeer nidaamiye ka soo saartey lacagaha laga qaadayo adeegyada maxkamadaha.

20-Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku guuleystay abaal marin calami ah oo a xiriira hufnaanta shaqo iyo adeegga.

21-Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 11 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya.

Previous Post

Madaxda Qaranka oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan...

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in xogta rasmiga ah ee la xiriirta howlaha baarista, hantidhowrista,...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

April 21, 2026
0

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kirgistaan, Mudane Sadyr Japarov, isagoo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

April 21, 2026
0

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In