Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Khudbadii Ra’iisul Wasaaraha maanta ka hor akhriyey Golaha Baarlamaanka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Khudabdii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ka hor jeediyey Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026

Mudane Guddoomiye,

Guddoomiye Ku-xigeennada,

Xildhibaannada sharafta leh,

Marti sharafta, Mudaneyaal iyo Marwooyin

Assalaamu Calaykum Warraxmatullahi Wabarakaatu

 Waxaa sharaf weyn ii ah inaan hortiinna imaado si aan u helo codka kalsoonida

Golaha Shacabka, oo aad ku ansixinaysaan magacaabista uu Madaxweynaha

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ii magacaabay, xilka Ra`iisul Wasaaraha

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, markii ay taariikhdu ahayd

17ka Bishaan Deseembar ee sanadka 2014ka.

 Waxaan u mahad-naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, magacaabista uu ii magacaabay Xilka Ra’iisul

Wasaarenimo iyo kalsoonida uu ii siiyey.

 Waxaan kaloo u mahad-celinayaa, Golaha Shacabka oo runtii muujiyey dhabar-adayg

iyo bisayl siyaasadeed mudadii adkayd ee lasoo maray.

 Waxaan u hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo

dhammaan Golaha Wasiirada, oo runtii qabtay hawlo muhiim ah oo uu sugayey

Shacabka Soomaaliyeed in muddo ah.

 Waxaan si gaar ah Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Ciidamada Amniga iyo kuwa

Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Guulaha isdaba jooga ah oo ay soo hooyiyeen. Waxaan

sidoo kale u mahadcelinayaa Ururada Rayidka, Ganacsatada, Odayaasha, Haweenka,

iyo Qurbo-joogta Soomaaliyeed, oo Ilaahay ka sokoow qeybta ugu horeysa ka qaatay,

badbaadada Shacabka Soomaaliyeed waqtigii adkaa ee colaadda sokeeye iyo

abaaraha. Haddana, kaalinta koowaad kaga jira dib-u-dhiska Qaranka Soomaaliyeed.

 Waxaan u Mahad-celinayaa Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, meelkasta oo ay

joogaan,

 sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin Dawladda Soomaaliyeed.

 Ugu dambayntii, waxaan sidoo kale u Mahad-celinayaa, Wadamada iyo Hay’adaha

Caalamiga ah ee gacanta siiya Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa naga

caawiya sugidda iyo xoojinta Amniga oo ay AMISOM qeyb ka tahay.Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.

 Marka aan helo kalsoonidiina, waxaan ballanqaadayaa inaan soo dhiso Xukuumad loo

dhan yahay. Xukuumaddaas oo noqon doonta mid matasha qeybaha kala duwan ee

Shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna leh: karti, aqoon, hufnaan, khibrad iyo

firfircooni.

 Hadafka Xukuumadda aan soo dhisidoono, wuxuu noqon doonaa, in la hormariyo,

lana higsado, gaaritaanka Isku-filnaasho dhanka Amniga, Dhaqaalaha iyo Adeegyada

Bulshada sida ugu dhakhsida badan. 2

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.

Sida aad la socotaan Marxaladda aan maanta ku sugannahay, ma’ahan mid sahlan. Inkasta oo

sanadihii ugu dambeeyey Qaranku uu soo kabsanayey, hadana weli lama gaarin Himiladii

aan Hiigsaneynay. Sida aad la socotaan, weli waxaa jira marxalado adag oo ina horyaala oo

ay ka mid yihiin:

 Dhulka kooban ee weli ku haray Gacanta Argagixisada;

 Cadaaladda iyo Garsoorka oo aan gaarin, heerkii laga rabay;

 Barnaamijkii Dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka, oo aan weli si buuxda u hirgelin;

 Adeegga Bulshada oo bilaw ah, welina aan gaarin Gobolada Dalka oo dhan;

 Dawlad Wanaagii iyo Tayadii Hay’adaha Dowladda oo hooseeya;

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.

Sida aad la socotaan, waxaa ina horyaal Hawlo Baaxad weyn leh, si looga gudbo Marxaladda

aan horay u xusay, Xildhibaanada Sharafta leh waxaan ka codsanayaa, in ay i siiyaan

codkooda kalsoonida, si hawlahaas aan u dardar gelino mudada yar ee ka hartay wakhtigii

loo cayimay ee ku xusan Hiigsiga 2016ka

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.

Markaad i siisaan kalsoonida, waxaan sida ugu dhaqsiyada badan u soo dhisidoonaa

Xukuumada, una soo gudbindoonaa Golaha Shacabka Xuukuumadda iyo Barnaamijkii ay ku

shaqeyn laheyd.

Barnaamijka xukuumadda aan soo dhisidoono wuxuu noqondoonaa mid ku salaysan

Nidaamka Dawlad Wanaagga, isla xisaabtan,hufnaan iyo Dhowrista ku Dhaqanka Sharciga.

-qabadka ugu horeeya ee aan mudnaanta siin doono waxaa ka mid ah:

 Xasiloonida Siyaasadda

 Dhameystirka dib-u-heshiisiinta

 Fulinta Hiigsiga 2016ka Adkeynta Aminga

 Horumarinta Caddaaladda

 Kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dakhliga Dawlaada

 Maamul Wanaagga Maaliyadda

 La-dagaalanka musuqmaasuqa

 Kordhinta adeegga bulshada

 Dadar-galinta Dawlad Wanaagga

 Iyo, dib-u-dhisidda iyo dib-u-habeynta Hay’adaha Dawladda3

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.

Barnaamijka xukuumadda aan soo dhisidoono ka sokow, anigoo kaashanaya Madaxweynaha,

Hoggaanka Golaha Shacabka, Xildhibaanada, iyo qaybaha kala duwan ee shacabka

Soomaaliyeed, waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh, una

dhaxeysa Madaxda Soomaaliyeed heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleedba, si dib loogu

hanto kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed.

Helitaanka Xasiloonida iyo isfahamka Siyaasaddu, wuxuu lafdhabar u yahay jiritaanka,

Qaranimada, Dawladnimada, Horumarka, iyo Sharafta Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Xasilooni la’anta Siyaasaddu, waxay halis gelin kartaa, horumarkii Dowladnimo ee aan

gaarnay sanadihii lasoo dhaafay.

 Sidaa awgeed, waxaan dhiiragelin doonaa, wadatashi iyo wadashaqayn joogta ah, ee

dhexmarta Madaxda dalka heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleed, iyadoo markasta

la eegayo Danta Guud ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.

Waxay Xukuumaddu dhamaystiraysaa dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, si dhab

ahna u gaarsiineysaa Dalka oo dhan. Inkastoo Horumar weyn laga gaaray dib-u-heshiisiinta,

hadana wali lama gaarin in si buuxda ay shacabka Soomaaliyeed isku aaminaan iskuna

cafiyaan.

 Sida awgeed, waxaan soo jeedin doonaa Siyaasadda lagu dhameystirayo Dibuheshiisiinta

iyo wadada loo marayo fulinta Siyaasaddaas, iyadoo lala tashanayo

lalana shaqeynayo Golaha Shacabka, Maamul-goboleedyada iyo qaybaha kala duwan

ee Bulshada.

 Waxaan dhisidoonaa Guddi khubaro ah oo talo-bixin ka sameeya Siyaasadda lagu

dhameystirayo dib-u-heshiisiinta iyo habka iyo wadada ugu haboon oo loo fulin karo

Siyaasaddaas.

 Xukuumaddaydu waxay sidoo kale dardar-gelin doontaa, hawlaha GuddigaMadaxabanaan ee Dib-u-heshiisiinta, sida ku xusan Dastuurka.

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.

Waxaan dardar-galindoonaa fulinta Hiigsiga 2016ka, si loo gaaro Demoqaraadiyad buuxda

wakhtiga uharsan Xukuumadda iyo Golaha Shacabka. Inkastoo laga gaaray horumar lataaban

karo qaybo ka mid ah Hiigsiga 2016ka, hadana waxaa harsan Ansixinta iyo hirgelinta

sharciyo iyo Guddiyo muhiim u ah fulinta Hiigsiga 2016ka

Xukuumadda, waxay sii wadi doontaa, dardar-gelin doontaana, wadatashiyada iyo

dhamaystirka dhismaha Dowlad-goboleedyada KMG ah.

Waxay Xukuumaddaydu u soo gudbin doontaa Golaha Shacabka, Sharciyada iyo Guddiyada

Madaxabanaan ee dhimman ee Dustuuriga ah.

Ugu dambayntii, waxaan halkaan ka cadeynayaa in Hiigsiga 2016ka iyo fulinta Hawlaha

Baaxada leh ee ina horyaal, ku hirgeli karaan oo kaliya, wada shaqayn iyo wada tashi

dhexmara Hoggaanka Dalka iyo Golaha Shacabka.

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.

Diyaarinta, asnixinta iyo Meel-marinta Shuruucda iyo Siyaasadda Xukuumadda, iyo

wakhtiga kooban ee aynu haysano, ayaa muqaddas ka dhigaya, Xiriir joogta ah oo u

dhaxeeya Hoggaanka Dalka iyo Golaha Shacabka.

Anna waxaan hubin doonaa, markaad Codka kalsoonida i siisaan, in xiriirku noqdo mid

sare,oo joogta ah, si loo gaaro himilada aynu hiigsanayno.

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.

Waxaan si Xushmad ku dheehan tahay idinkaga codsanayaa in aad i siisaan kalsoonidiina, si

aan u soo dhiso Xukuumadda una soo bandhigo barnaamijkeeda oo dhamays-tiran, muddo

kooban gudaheedana idinku horkeeno.

Waad mahadsantihiin, WABILLAHI TOWFIIQ

Previous Post

RW Cumar Cabdirashid: “Waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh, si loo gaaro aragtida 2016” “Sawirro”

Next Post

Kulan Lagu Taageerayay Maamulka Loo Sameynayo Gobolada Dhexe Oo Dedmada Balanbal Lagu Qabtay

Next Post

Kulan Lagu Taageerayay Maamulka Loo Sameynayo Gobolada Dhexe Oo Dedmada Balanbal Lagu Qabtay

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In