Ugu yaraan 11 xubnood oo ka tirsanaa Saraakiil iyo horjoogayaal ka tirsanaa nabad diidka Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar xagga Cirka ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysteen qaybo ka mid ah Gobolka Gal-gaduud.
Guddoomiyahah Degmada Ceel-buur ee Gobolka Gal-gaduud Nuur Xasan Guutaale, oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay duqymuhu ay ka kala dhaceen Saldhig ay ku shirayeen Saraakiil Al-Shabaab ah una tiillay jid gooyo ay ku waxyeellen jireen Shacabka.
Halka weerarka kalana lala beegsaday xilli ay Saraakiil iyo horjoogayaan ka tirsanaa nabad diidka ay ku safrayeen Gaari halka u dhexeysa degaannada Wabxo iyo Ceel-shiil, iyadoo halkaasi ay kaga dhinteen 11 xubnood.
Wuxuuna intaa raaciyay Guddoomiye Guutaale, inaysan duqaynta wax qasaara ah kasoo gaarin Shacabka halkaa ka dhawaa, haatanna ay baarayaan xubnaha la dily Magacyadooda iyo xilalka ay u kala hayeen nabad diidka Al-Shabaab.
Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya
RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda,...












