Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Al-Shabaab oo isaga baxay degaanno ka tirsan Galgaduud

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Al-Shabaab oo isaga baxay degaanno ka tirsan Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Malleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isaga baxay degaannada Ceel-baxay,Goola-goole iyo Dudun-cad, oo dhanka Koofureed ka xiga Degmada Guri-Ceel ee Gobolka Galgaduud.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026

Dadka degaannadaasi ku dhaqan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay arkeen Malleeshiyaadka oo halkaasi isaga guuraya, iyagoo u jiheystay dhanka Degmada Ceel-buur, markii ay lasoo gudboonaatay cabsi fara badan oo kaga timid Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Galmudug oo halkaasi ka wada howl-gallo ka dhan ah Kooxda nabad-diidka.

Dhowaan ayay ahayd markii uu Wasiirka amniga ee maamul goboleedka Galmudug, Saadaq Sheekh Yuusuf, sheegay in ay isugu yeereen Saraakiisha Ciidamada, si ay ugu diyaar garoobaan hol-gal ka dhan ah Al-Shabaab si loo xoreeyo degaannada ay Gobolka kaga sugan yihiin.

Waxaa sidoo kale soo dedejisay ka bixista Ururka Al-Shabaab degaannada ka tirsan Galgaduud, markii ay kordheen duqeynta xagga Cirka ah ee lagu bar-timaameedsanaya goobaha ay ku sugan yihiin, iyadoo Laba Cisho ka horna ay duqeyn xooggan ka dhacday Tuulada Dudun-cad oo ka mid ah meelaha ay haatan ka carareen argagixisadu.

Tags: seyd omar sheikh ismail
Previous Post

Ciidanka Kenya oo iska caabbiyay weerar ay ku qaadday Koox lagu tuhunsanyahay Al-Shabaab

Next Post

State Minister for Foreign Affairs receives a copy of the credentials of the new Indonesian ambassador

Next Post
State Minister for Foreign Affairs receives a copy of the credentials of the new Indonesian ambassador

State Minister for Foreign Affairs receives a copy of the credentials of the new Indonesian ambassador

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo...

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026
0

Akhriatayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalkeenna. Halkan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

February 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

February 16, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Ha’yadda (NAP Global Network) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In