Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Alleylehe Jab baa ku dhacay (Faallo)

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Alleylehe Jab baa ku dhacay (Faallo)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqaynta ay geesteen Ciidamada Maraykanka ayaa 12-kii bishan ka dhacay deegaan lagu magacaabo Saala-weyn oo u dhaxeysa Degmada Galhareeri iyo Caga-cadde ee Gobolka Gal-guduud, Maleeshiyaadkaasi ayaa ujeedadooda aheyd inay dagaal la galkaan Dad shacab ah oo iskood isku abaabulay oo la baxay Macaawisleey oo ka unkumay Deegaanno ka tirsan Gobolka shabeelada dhexe, iyadoo ay kuwo magacaasi la mid ah ay horey uga jireen Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, sida ay Dadka deegaanku u sheegeen Wakaaladad Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Duqeyntan oo dhacday Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayaa qoraal ka soo baxay ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay qeyb ka ahayd howlgalo wadajir ah oo ay wadeen ciidamo Maraykan ah iyo kuwo Soomaali ah, sida lagu sheegay warka ay faafisay Taliska Ciidanka AFRICOM, waxaana Warkan ka soo baxay ciidamada Maraykanka ee Africa ay sidoo kale lagu sheegay in duqeyntan aysan wax ku noqon dad rayid ah, iyadoo ay adag tahay in si sax ah loo ogaado khasaarihii ka dhacashay halkaasi.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Dadka Deegaanka ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay inay intii aan duqeynta loo geysan Maleeshiyaadkaasi ka tirsan Al-shabaab ay arkayeen Gawaari badan oo ay saarnaayeen Kooxdu, kana yimid dhanka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, kadibna ay Habeenkaasi maqleen dhawaq aad u culus, taasi oo markee dambe la caddeeyay inay aheyd duqeyn dhinaca Cirka ah oo ay geysteen Diyaaradaha Dalka Maraykanka oo saaxiibo dhow la ah Dowladda soomaaliyeed.

Dadka Deegaanka ayaa waxaa kaloo ay sheegeen ka sokow dhimashada Maleeshiyaadka ay jira hor joogayaal muhiim u ahaa Al-shabaab oo duqeyntaasi ku dhintay, kuwaasi oo saarnaa Gaari kuwa raaxada ah, balse lama sheegin magacyadooda, iyadoo dhinaca Maleeshiyaadka al-shabaab aan wali wax war ah laga helin oo ku saabsaan duqeyntaasi.

Taliiska Africam ayaa sheegtay Xalay in duqayn Maraykanku uu ka geystay bartahama Soomaaliya lagu dilay ku dhowaad 60 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab, iyadoo Ciidamada Milatariga Maraykanka ee Afrika Africom ay ku sheegay in ay duqeyn ka geysteen deegaan ku dhow Degmada Xarardheere ay ku dileen ilaa lixdan ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Waa markii labaad ee sannadkan diyaaradaha Maraykanka ay duqeyn ka geystaan bartahama Soomaaliya, iyadoo ay duqeyntani tahay tii ugu dhimashada badneyd ee lala eegto Al-Shabaab muddo sanad ah, Waxaana la xasuusan yahay in duqeyn dhacday bishii November ee 2017-kii lagu dilay 100 ka tiran Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab, sida Taliska Ciidanka Africom ee Dalka Mareykanka ay sheegeen.

Guud ahaan, ama celcelis ahaa sannadkani oo kaliya waxa uu Maraykanku ka geystay Soomaaliya 27 duqaymood, kuwaasi oo lala beegsaday Horjoogayaal, Xerooyin Ciidan iyo meelo ay iska soo abaabulaan.

Isku soo wada duuboo duqeymaha dhinaca cirka ah iyo weerada dhinaca Dhulka ah ee lagu hayo Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa ah kuwo sii wiiqaya awoodda oo horeyba u sii liidatay, waxaana la filayaa haddii sidaasi lagu sii wado duqeynta iyo weerada dhulka in gabi ahaanba laga ciribtiro dhulka Soomaalida, marka waxaanu leenahay alleylehe Al-shabaab jab baa ku dhacay.

Wakaaladda SONNAΒ 

Previous Post

Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq oo la Kulmay Madaxweyne Barham Saalax

Next Post

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Next Post
Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In