Suxufiyiinta Muqdisho iyo qaar kamid ah Masuuliyiinta Warbaahinta dalka ayaa maanta ka qeyb galay aaska Allaha u naxariistee Agaasimihii TV-ga Somali Cable Muqdisho, marxuum Cabdifitaax Macallin Nuur Qeys oo xalay ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo ay khawaarijtu ka geysatay Muqdisho.
Aaska marxuum Qeys oo ka dhacay xabaalo ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa waxaa halkaasi tacsi ka diray qaar ka mid ah bahda saxaafadda iyo dad weynihii ka qayb galay Janaasada iyo aaska marxuum Qeys.