Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Alpha Conde oo markale ku guuleystay doorashadii Guinea

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Alpha Conde oo markale ku guuleystay doorashadii Guinea
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalka Guinea  Alpha Conde ayaa markii labaad ku guuleystay xilka madaxtinimada doorashadii ka dhacday dalka sida ay sheeciyeen gudiga doorashooyinka, lix maalin ka dib markii doorashada la soo geba gebeeyay.

Mr Conde, ayaa heley 77, cod  wareegii koowaad  taas oo la mid ah 58%  dhamaan codadkii la  dhiibtay .

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ninka lagu magacaabo Cellou Dalein Diallo, oo dhiiley qaabka doorashada u dhacday ayaa heley  31% cod, waxaana taageeriyaashiisa ugu baaqay in ay ka soo qeybgalaan dibad baxyo nabadeed oo natiijada looga soo horjeedo.

Kor joogtada ka socotay midowga Yurub  ayaa sheegay in doorashada ay tahay mid si xaq ah u dhacday inkastoo ay jireen khaladaad dhanka farsamada ah.

Musharaxiinta ayaa heysta muddo   sideed maalin ah oo maxkamadda dastuuriga ay cabashadooda ku hor keeni karnaa si cabashadooda loo dhageysto.

Si kastaba ha ahaaatee , Mr Diallo  ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in cabashadiisa uusan maxkamadda geyn doonin.

” Waxaan ugu baaqayaa musharaxiinta kale iyo muwaadiniinta dhibanaha u ah doorashadan in ay ka soo qeybgalaan mudaaharaad nabadeed si loo muujiyo khaladaadka jira,”  ayuu yiri.

Mr Diallo  ayaa tartanka ka baxay maalintii Arbacada ee la soo dhaafay markaas oo uu sheegay in doorashada lagu shubtay.

Eedeymaha uu soo jeediyay ayaa waxaa kamid ah in ku dhowaad 400 oo xarumood oo codadka laga dhiibanayay ay saacado badan aan la furin iyo in sanaadiiqda qaar waraaqo been ah laga buuxiyay.

Tirada maalintii Jimcaha la sii daayay ayaa muujinaysa in 66% oo kamid ah lixda Milyan ee dadka dalka Guinea  la diiaangeliyay.

Tani ayaa ah doorashadii labaad oo si dimoqraadi ah uga dhacda dalka Guinea tan iyo markii ay xoriyadda ka qaateen dalka France sanadkii 1958.

Waxaana la soo wariyay in intii lagu guda jiray ololaha  doorashada ay dhaceen rabshada ay dad ku dhinteen.

 

Mr Conde ayaa madaxweyne noqday sanadkii 2010 taas oo aheyd doorashadii ugu horeysay oo dalkaasi ka dhacda kadib dagaalo labaadan sano jirsaday oo u dhaxeeyay rag ku loolamayay madaxtinimada dalkaasi.

 

Previous Post

Midowga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Sudan oo soo dhoweyn u sameeyay wefdiga agaasimaha-Sawirro

Next Post

Hey’adda UNHCR oo ka warbixisay xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada Kenya iyo Yemen

Next Post
Hay’adda UNHCR oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Kenya “Dhageyso”

Hey’adda UNHCR oo ka warbixisay xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada Kenya iyo Yemen

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In