Guddiga amniga gobolka Nugaal ee Dowlad gobaleedka Puntland ayaa soo saaray amarro dhanka ammaanka ah oo maanta ka dhaqan gelaya magaalada Garowe ee caasimada Garowe oo lagu qabanayo doorashada kuraasta golaha shacabka.
Sida warbixinta guddiga lagu cadeeyay Amarradaan oo ah kuwo amniga doorashada lagu xaqiijinayo, ayaa waxaa ciidamada ammaanka la faray inay qabtaan Askarigii aan ka tirsaneyn ciidanka ilaalada goobaha doorashada oo lagu arko isagoo magaalada ku dhex wato qori.
Guddiga amniga ayaa bulshada reer Garowe ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si hal meel looga soo wadajeesto cidii isku dayda inay qalqal geliso ammaanka caasimada Garowe.
Amarradaan ayaa waxaa ka mid ah in Gadiid aan aheyn kuwa ciidamada aan maanta lagu dhex arki karin magaalada, inta ay socoto doorashada.
Qaar ka mid ah kuraasta golaha shacabka ayaa la qorsheeyey in Sabtida maanta lagu doorto magaalada Garowe, kuwaas oo horay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland uu doorashadooda u iclaamiyey.