Guddoomiya golaha baarlamaanka Kuweyt, Marzuuq Al-Ghanim, ayaa ku dhawaaqay in Shiikh Nawaaf Al-Axmed loo dhaarinaayo amiir-nimada dalka Kuweyt, kaddib markii shalay uu geeriyooday amiirkii dalkaas.
Golaha wasiirrada ee dalka Kuweyt oo shalay shir deg deg ah yeeshay ayaa ku dhawaaqay in Shiikh Nawaaf noqon doono amiirka dalka.
Amiirka cusub ayaa dhashay 25-kii June, 1937-kii, isaga oo siyaasadda billaabay 1962-dii.
Shiikh Nawaaf ayaa hore usoo qabtay xilal kala duwan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasaaradaha arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga.