Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Amiirka dalka Qadar oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Qadar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Amiirka dalka Qadar oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Qadar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka cusub ee Soomaliya ee dalka Qadar Mudane C/risaaq Faarax Cali oo horay u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Cummaan ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qadar,waxaana waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay amiirka dalkaasi Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani.

Kullanka uu la yeeshay Amiirka Dowladda Qadar ayuu danjiraha Soomaaliya u gudbiyay salaam iyo codsi uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,iyadoo ay kullanka ka soo baxeen go’aanno miradhal ah.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

“ Waxaan la xiriiray madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,waxaan u sheegay in maalinka arbacada ah la kulmayo amiirka,waxaan weydiiyay talo ahaan maxaan kala hadlaa oo qodobo ah oo fariin ah oo aad ii dhiibeysaa,hal fariin buu isoo faray oo runtii wax weynna ah “ Igu salaam, salaam ka bacdina waxaad u sheegtaa oo aad nooga codsataa oo codsigeyga aad gaarsiisaa Jaaliyadda Soomaaliyeed haddii gudaha iyo dibadda ay joogtaba ay ka shaqeysan karaan gudaha dalka Qadar oo loo furo ciqaamadihii,Qofkii shaqo hella waqtigan hadduu yahay xirfadle iyo hadduusan xirfadle ahaynba ciqaamad ma heli karo Baasboorka Soomaaliga ah uu wato awgeed,dalabkii madaxweynaha markaan geeyay meeshii baa lagu aqbalay,amarkii baa meeshii amarkii ku bixiyay in loo furo Soomaalida ciqaamadaha,inshalah waxaan dabal ku sameynayaa sidii shaqada ku furmi lahayd,” ayuu yiri danjiraha Soomaaliya ee Dalka Qadar.

Wuxuu sheegay maalmo gudahood in qofta kasta oo Soomaali ah oo shaqo ka helaa dalka Qadar ay ciqaamadii u furan tahay,islamarkaana si dhib yar halkaasi kaga shaqeysan karo.

Ugu danbeyntii,safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar Amb: C/risaaq Faarax Cali ayaa sheegay in howlaha ugu horeeyo ee uu ku dhaqaaqayo ay tahay sidii ay isku arki lahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar si ay uga hadlaan halka Xaaladda mareyso iyo in la isku garabsado howsha safaaradda ee Bulshada u heyso.

Previous Post

Ururka NUSOJ oo tababar u furay qaar ka mid ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Next Post

SHAGEYSO:- Barnaamijka Waxqabadka Dowladda ee Todobaadkaan

Next Post

SHAGEYSO:- Barnaamijka Waxqabadka Dowladda ee Todobaadkaan

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In