Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo Booliska Soomaaliya u tababareysa ka hortaga Aaladaha Qarxa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
AMISOM oo Booliska Soomaaliya u tababareysa ka hortaga Aaladaha Qarxa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Booliska AMISOM ayaa tababar soconaya 10-maalin Muqdisho ugu furay Ciidamada Booliska Soomaaliya,kaasi oo lagu barayo sida fudud ee lagu ogaan karo Aaladaha Qarax ee loo yaqaano “Improved Wired Explosive Devices (IEDs)”

Tababarka ayaa loogu talagalay in lagu qalabeeyo saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya,waxaana sidoo kale intuu socda lagu baranayaa Xirafado muhiim ah oo looga hortagayo, laguna xakameynayo,sidoo kalena  lagula dagaallami karo weerarrada Qaraxyada ee Kooxda Al-Shabaab.

Related posts

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026

Aaladaha Qarax waxay noqdeen hubka ugu muhiimsan ee Kooxda Argagixisada ay doorbideen iney u adeegsadaan dagaalada magaalooyinka waa weyn iyo waliba iney ku aasaan wadooyinka,taasi oo loo arko iney tahay qatarta ugu weyn ee Ammaanka iyo Xasiloonida Soomaaliya.

Sarkaalka AMISOM ee Tababarkaan bixinya oo lagu magacaabo Hassan Guhaad Cabdullaahi,ayaa sheegay in tababarkaan muhiim u yahay Ciidamada Booliska Soomaaliya sababtuna ay tahay in Al-Shabaab hadda hubka keliya ay adeegsadaan ay tahay Walxaha Qarxa (IEDs),islamarkaana sababa dhimashada dadka iyo bur burka dalka.

” Waxa ugu muhiimsan ay hadda barteen waa in loo diido Kooxda Nabadiidka fursada lagana hortago iney sidaasi sameeyaan,iyadoo loo marayo si xeeladeysan,” ayuu yiri Sarkaalka tababarkaan fulinaya.

Qarashka ku baxaya Tababarkaan oo ay bixineyso Dowladda Japan ayaa la marsiinaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee adeega mashaariicda (UNOPS).

Tababaro nuucaani oo kale ayay Saraakiisha Ciidamada Booliska AMISOM ku qabteen qaar ka mid ah maamul Goboleedyada sida Maamulka Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Previous Post

R/wasaare Khayre oo hoygiisa ku booqday Senator Cabdi qeybdiid

Next Post

Warbixin: 137 qof oo Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika sanadkii tagay  

Next Post
Warbixin: 137 qof oo Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika sanadkii tagay   

Warbixin: 137 qof oo Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika sanadkii tagay  

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In