Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo raashin iyo agab kale ku wareejisay Wasaarada Gargaarka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
AMISOM presents relief items to the Federal Government of Somalia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa deeq isugu jirta raashin iyo agab kale ku wareejisay Madaxda Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka, kaasi oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa uu saameeyay fatahaadda ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa deeqda ku wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ee Xalane.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026
Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

September 15, 2026

“Tani waa gurmadkii koowaad ee ay AMISOM bixineyso waxa ay isugu jiraan cunto qalalan iyo agab kale oo loogu talagalay qoysaska barakayaasha ah iyo kuwa uu saameeyay fatahaadda webiga”. Ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa xusay in dad gaaraya 5.9 Milayn oo Soomaali ah ay xilligan u baahanyihiin gar gaar beni’aadannimo, taasi oo ka badan tirada dadka sanadkii hore 2020 oo ahayd 5.2 Milyan.

Wasiirka Garkaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa uga mahadcelisay kaalmada ay ciidamada AMISOM soo gaarsiiyeen, waxaana ay intaa ku dartay in deeqda la gaarsiin doono dadka u nugul ee u baahan xilligan in loo gurmado.

“Waxaan bogaadinayaa deeqda AMISOM ay maanta nagu wareejiyeen, waxaan kaloo AMISOM uga mahadcelineynaa sida wacan ee ay ula shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan dhanka iskaashiga la dagaallanka argagixisada” ayay tiri Wasiir Khadiija.

Madaxa arrimaha beni’aadannimada AMISOM Abdul Diabagate, ayaa sheegay in agabka ay maanta ku wareejiyeen Wasaaradda loogu talagalay in la gaarsiiyo 42,000 oo qof, isagoo intaa ku daray agabka ay ka koobanyihiin, Bariis, Saliid, Sokor, baco, mara kaneecooyin iyo buskut.

Previous Post

AMISOM presents relief items to the Federal Government of Somalia

Next Post

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo ku geeriyooday Muqdisho

Next Post
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo ku geeriyooday Muqdisho

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo ku geeriyooday Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo...

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

September 15, 2026
0

‎Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u...

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
0

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu...

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In