Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo sheegtay in la baarayo odayaashii lagu laayay Wardiinle

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliyeed AMISOM ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdadii shalay lagu laayay dad shacabka ah oo ku noolaa deegaanka Wardiinle ee gobolka Baay, xilli halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Baaritaanada hor u dhaca ah ayaa muujinaya in ciidanka AMISOM ay heleen xog lagu kalsoonaan karo oo ah in tuulada Wardiinle maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka wadeen dhaq dhaqaaq isla markaana lagu baxay. Markii ciidamada ay tuulada u soo dhawaadeen waxaa dhaba gal ku sameeyay maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana goobtaas ka bilowday dagaal labada dhinac u dhaxeeay. Maleeshiyaadkii argagaxisada ahaa waa laga itaal roodaanay wayna ka carareen goobtaas markii khasaare la soo gaarsiiyay. Ilaa iyo hada ma cadda in sababta dhimashada dadka rayidka ah keentay uu yahay dagaalka sida la sheegay.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“AMISOM nolasha dadka shacabka ah qiimo weyn ayay u haysaa, hase yeeshee wixii dayacaad ama khalad ah oo ay geystaan askarta AMISOM  waa lagula xisaabtamayaa si waafaqsan shuruucda midowga Afrika iyo xeerarka kale ee caalamiga ah iyo kan xuquuqda aadanaha,” sidaas waxaa sheegay wakiilka midowga Afrika danjire Francisco Madeira.

“Xafiiskeyga oo la tashanaya dowladda Soomaaliya, waxaa ay baari doonaan dhacdadaas lagu laayay si loo ogaado xaqiiqada arintan. Waan ka sal gaari doonaa dhacdadan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Danjire Madeira ayaa sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay ilaalinta shuruucda u degsan midowga Afrika iyo kan howlgalka AMISOM  kaas oo sheegaya in askarta uu waajib ka saran yahay in ay si taxadir leh u dhaqmaan xilliyada ay howlgalada wadaan. Isagoo sidoo kale xusay in ciidamada  AMISOM  looga baahan yahay in ay damaanad qaadaan ilaalinta nolashada dadka shacabka ah.

 

Previous Post

Ka qeybgalka haweenka Soomaaliya ee siyaasadda dalka-Sawirro

Next Post

DAAWO SAWIRADA : Bilicda iyo Dib u Dhiska Magaalada Baydhobo

Next Post
DAAWO SAWIRADA : Bilicda iyo Dib u Dhiska Magaalada Baydhobo

DAAWO SAWIRADA : Bilicda iyo Dib u Dhiska Magaalada Baydhobo

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In